May 31, 2009
France Acquits Djibouti Officials
A French court has overturned jail sentences handed out in absentia to two Djibouti officials convicted of halting a probe into a French judge’s death. The court also ordered the cancellation of international arrest warrants for public prosecutor Djama Souleiman and the secret service chief, Hassan Said.
May 30, 2009
World Emerging Markets Vis Horn of Africa
World Emerging Markets: The world moved into “YOYO (you’re On Your Own)”. After the cold war the trade liberalization is on the rise and strong Western alliance become loose alliance; that every country its own to fight the national debt, deficit, employment and to keep certain economic growth.
Shir balaadhan oo maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ka soo qayb galeen dhamaan taageerayaasha xisbiga mucaaraka ah ee Kulmiye ayaa ku dhamaaday jawi niyad jab ku riday dadkii madasha isugu yimid, kadib markii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, isla markaana ah musharaxa markii labaad u taagan jagada madaxweynenimada ee xisbigan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sheegay in wax dimuqraadiyad la yiraa iyo xukuumaditoona aanay ka jirin Soomaaliland.
Get Flash to see this player.
Get Flash to see this player.
Berbera (Harowo) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay oo muddo dhawr maalmood ah ku negaa gobolka Saaxil, si ay u soo kormeeraan xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinka kala duwan ee gobolka, waxa Maanta ay booqdeen Degmooyin ay ka mid yihiin Xagal iyo Degmada Laas-ciidle.
Borama (Harowo) - Shirkii Nabadaynta ee ka socday deegaanka kalabydh ayaa hakad galay ka dib markii duqayda deegaanka Dilla uu ka yimid codsi ah in gurmad nabadeed yimaad madasha wadahadalku uga socdo labada dhinac. Hadaba, qoraalka ay qoreen duqayda wadahadalka uga qayb galaysa dhanka deegaanka Dilla oo ay ku socod siiyeen gudoomiyaha Guurtida aya soo gaadhay Shabakada wararka ee Harowo.com qoraalkaas oo ay duqaydaasi soo jeedinayaan in Arinta lagu soo celiyo tubtii nabadu ku dhalan lahayd oo hada la majaro habaabshay.
May 29, 2009
Madaxweynaha iyo Wefdigiisii oo Soo Kormeeray Deg. Mandheera, Bulaxaar iyo Tuulada Laaso Dacawo.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa degmooyinka ay maanta soo kormeereen, waxa ka mid ahaa Degmada Bulaxaar, halkaasi oo ay kula kulmeen Madax dhaqameedyadii deegaanka, Culumaadiin iyo dadweyna ka tirsan degmadaasi, waxana dadkii halkaasi isugu yimid ay si diiran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wefdigiisa oo ay warbixino ka siiyeen baahiyaha kala duwan ee degmada haddii ay noqon lahayd dhinaca Caafimaadka, Waxbarashada iyo Nabad gelyada, iyaga oo ka codsaday Madaxweynaha iyo Wefdigiisa in loo dhamaystiro Mashaariicda qabyada ah ee uu ka mid yahay dugsiga Hoose ee dhismihiisu ka socdo Magaalada Bulaxaar.
Our people have hailed for the success of the negotiations on the presidential election date. Somaliland and its endeavour to independence have the utmost priority and come before any special interest. We have seen that serious and honest dialogue among our people and political parties have saved us from the hostility and civil wars in Somalia. Negotiations and the wisdom of our people are the pillars of our success.
Berbera (Harowo Desk) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta mudo laba saacadood ah waxa uu xog waran ka dhegaystay masuuliyiinta laamaha dawlada ee ka hawl gala Gobolka Saaxil oo madaxweynaha iyo Wafdi Balaadhan oo uu hogaaminayaa maalintii sadexaad boqanayaan, kulankan oo ka dhacay hoolka dawlada hoose ee magaalada Berbera markii masuuliyiintu dhameeyeen ka dib waxa uu madaxweynaha Somaliland halkaa ka jeediyay hadal kooban oo ahaa sidan.
Get Flash to see this player.
Berbera, (Harowo Desk) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdi Balaadhan ee uu Horkacayay oo wali ku guda jira boqashadii Gobalka Saaxil, ayaa maanta waxa uu Madaxweynuhu xogwaran ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha dawlada ee Gobolka Saaxil kuwaas oo mudo laba saacadood ah mid mid ugu soo bandhigay hawlahooda, waxa u qabsoomay, baahiyahooda iyo guud ahaan duruufaha ku gadaaman. Hadaba Hoos Ka Dhegayso xog Warankii Madaxda G/Saaxiil.
Get Flash to see this player.
Boorama (Harowo) - Weriye Haashim Gooth ayaan maanta Waraysi la yeeshay qaar ka mid ah haweenka bukaan jiifka ah ee lagu daaweeyo Cisbitaalka Fistuuliayada ee magaalada Boorama, kuwaas oo aad ugu mahadnaqaya Hayadaha iyo Dhakhaatiirta ka hawl gasha Cisbataalka FISTULA ee Booorama. Hoos ka Dhegeso Hadaladii haweenka
Get Flash to see this player.
Get Flash to see this player.
Boorama (Harowo) - Xaflad maanta lagu qabatay Cusbitaalka Fistuuliyada ee Magaalada Boorama, ayaa waxay maamulka Cisbitaalka Fistuuliyada ee magaalada Boorama gudoonsiisay Faadumo Jaamac Aaye, deeq lacag ah oo ay Cisbitaalka u soo direen ururka haweenka ee “Cawo” oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Hoos Ka Daawo Sawirada
(Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee weli ku guda jira safarkii shaqo ee ay ku joogeen Magaalada Berbera, Caasimada Gobolka Saaxil, ayaa Saaka ka qayb galay Shir balaadhan oo uu u kuur galayay Waxqabadka Waaxyaha iyo laamaha Xukuumada ee Gobolka Saaxil.
Boorama (Harowo) - Saxafiyiinta ka howl-gala caasimada Gobalka Awdal ee Borama ayaa maanta ku booqatay xafiiskiisa gudoomiyaha ururka ARNA Md. C/qaadir Aadam Nuur waxana ay la yeelatay waraysi dheer oo taabanayay dhinacyo badan, waraysigaas ayaa u dhacay sidan.
Hargeysa (Harowo Desk) - Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay saxeexa heshiiska hirgalinta serverka Diiwaan Galinta codbixiyayaasha iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland ee 27-September 2009-ka oo maanta lagu qabtay Hudheelka Maansoor (Hargeysa), ayaa waxa hadal uu sharaxaad kaga bixinayo qodobada lagu heshiiyay ka jeediyey Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Jamac Maxamuud Cumar (Jamac Sweden)
Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tira badan iyo masuuliyiin ka kala socday Sadexda Xisbi Qaran, Gudida Doorashooyinka Somaliland, hay’addaha tageerada ku bixiya doorashooyinka somaliland wakiiladooda, Shir gudoonka Golaha wakiilada, Masuuliyiinta Akaadamiga nabada iyo horumarka, Salaadiin iyo marti sharaf kala duwan. Hadaba Hoos Ka Dhegayso Hadalkii Jaamac Sweden.
Get Flash to see this player.
Aniga oo ah weriye C/fataax Siciid Caamac, ahna weriyaha Burco ee wergeyska MAALMAHA, waxaan aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca inta ila fikirka ah waxaan halakan madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah uga soo jeedinayaa 20 qodob oo ay ilatahay inay danta dalku ku jirto. Kani waa fikirkayga cid gaarana u hadli maayo, cidna kuma duraayo, waxaan ka cudurdaaranayaa wixii saluuga ama sikale loo arko oo ku saabsan maqaalkaygan.
Waraysi kooban oo uu Radio Waaheen Siiyey Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland mudane Siciid Cadaani, ayaa wuxuu si kooban uga waramay ujeedad la xidhiidha socdaalka madaxweyne Rayaale ku tegay Gobolka Saaxiil, isaga oo ku tilmaamay in tahay “Hawl Koormeer oo Shaqo”. Hoos Ka Dhegeso Waraysigan oo aan Ka Soo Xiganay Waaheen Radio
Get Flash to see this player.
Berber (Harowo) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa fiidkii Socdaal Shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera. Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo ay xubnihiisa ka mid yihiin Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Xanaanada Xoolaha, iyo waliba Taliyaha Ciidanka Qaranka.

