April 30, 2009

Xuska Maalmaha Qalinka iyo Xilka Madaxweynaha Qaranka Q-1aad - By Abdirisaaq Hammaal.

Waa wakhti barqo ah bishu tahay saddex beelaha somaliland wada-degaana ku waabariisteen wanaag iyo wacnaan waafiya, waxaa cirka ka curtey roobabkii gu,ga isla fiidkii xaleyna waxaa si fiican u hoorey hogol beegsaneysa barwaaqo, ku dhawaad kontan ardey ayaa ka wada kalahney guri bangalo ah oo ku yaala bartamaha xaafada jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa kaas oo aan habeenimadii u hoyaney.

Hindisaha kalahaadayadu wuxuu ahaa u kuurgalida cududaha ay ka ciidamiso caasimada jamhuuriyada somaliland sidaas darteed waxaan ku waabariisaney dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada hargeysa, soo dhaweyn diiran oo aan ka helney hogaanka sare garoonka ka dib waxaan indho-indheyn ku soo wada marney dhamaanba xarumaha garoonka oo dhan sida waaxda socdaalka (immigration) xarunta dab damiska (fire station) iyo taalada laga hago diraadaha (Tower).

Intaa ka dib waxaan dib ugu soo raad joogsaney jidkii aan garoonka ka soo galney, si qumaati ah ayaan u soo qabsaney wadada marta wadnaha magaalada, wax yar ka dib wadihii baska aan saarney ayaa biriiga ku bakhtiiyey barxad weyn oo ka horeysa xarunta radio Hargeysa, halkaas waxaan kula kulaney masuul sare oo ka tirsan masuuliyiinta radio Hargeysa oo magiciisu la yidhaahdo Mohamad Ahmed Baaruud, mudane baaruud wuxuu nagu qaabiley gacmo furan oo gacaltooyo gobinimo huwan wuxuuna noo galbiyey gudaha horee xarunta, ugu horeyn waxaan galney qeybta war laliska oo ay ku sugnaayeen wariyaal ay ka mid ahaa yeen Husien Abdillaahi Deeqsi, Ahmed Saleban Dhuxil iyo Mohamed Ali Wanji.

Wariyayaasha ayaa ahaa kuwo ku gudo jirey war hadal maalin meed kooda ka dib waxaan galney qolka keydka cajaladaha ee radio hargeysa oo uu dhex joogo odey soo jireen ah, sarajoog ku shaqeynayoo saf -saf u raseynaya cajalado, mr baaruud oo sharaxaad buuxda naga siinayey qeybaha kala duwan oo uu ka kooban yahay radio hargeysa ayaa isaga oo kaftamaya yidhi barasho wanaagsan ardayey odeygan yaree gaaban waxaa lagu magacaabaa Rashiid Bullo waana madaxa qolka keydka cajaladaha ee radio hargeysa, kolkii ay dhagaheyga ku soo dhacdey kalmada rashiid bullo waxaa fahmada garaadkeygu ku godlatey fiiro gaaban oo galbineysa in rashiid bullo ka mid ahaa fanaaniintii hore ee soomaaliyeed sidaas darteed markiiba wuxuu maanku gocdey midhaha hees macaan oo ay hore uula qaadey fanaanada codka macaan ee Fadxiya Ali heestaas oo magaceeda la yidhaahdo SIDA AYRO GEEL.

In kasta oo jadwalka aan maalinkaa la toosney ku jirin tagista jamaacada hargeysa hadana saacada oo nala saa,irtey saan saanta ay ku siqeysaana tilmaameyso tobankii subaxnimo waxaa noo suurto gashey in aan jamano tagista jaamacada hargeysa, markii aan soo gaadhney xeyndaabka jaamacada hargeysa waxaa halkaasi waji furan nagu soo dhaweeyey qaar ka tirsan ardeyda jamacada wax ka barata, soo dhaweyntaa quruxda badan ka dib maamulka jamacada ayaa na soo mariyey dhamaanba qeybaha ay jaamacadu ka kooban tahay, walow safarkayaga sumadiisu aheyd dugsiga sare ee sheekh ali jawhar hadana waxaa marnaba meesha ka maqneyn galbinta iyo gaaf wareega ardeyda aan martida u nahay oo magaca madheertooda loogu xudun jarey dugsiga sare ee 26 juun.

Soo tukashadii salaadii jimcaha ka dib waxaan soo hogaan beegsaney hoy weyn oo la noogu sii diyaariyey hadhimo sharafeed, haddii aan hadhimadii shanta farood kala baxney, shukriga dharagayaguna soo dhaweynayo kalmada alxamdulilaah waxey shaashada hamadu hiigsatey in badhkayo u baxo barxada dambee guriga si aan u qaadano hawo nafis ah oo naftu ku naxariis qabowsato, waxey aheyd maalin roobaad ay heegaba heego badaleysey sidaas baa keentey karka iyo kuleylka ka baxaya hoyga aan ku jirno.

Xusuusta gaarka ah ee xiskeyga ku mudan waxey muujineysaa magacyada dhalinyaradii aan maalinkaa is hareer fadhiney misana aan haasaawa wadaaga aheyd oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyihii ardeyda Mohamed Dayur Hussein, abwaan Mohamed Osman Budin, Abdifatah jama Haji, Mohamed Adan Rirar oo ku magac dheer (Suldaan Gurey) iyo Omar Haji Daahir Elmi, sheekada macaan ee hadba meel cuskaneyna ka dib waxaan maqalka dhaghayaga ku soo dhacdey qeylo iyo oohin haween oo ka dhex baxeysa hoyga aan ka soo baxney inta uu maanku naxey misana dubaaqu didey ayuu damiirka malahayagu maleystey in guriga aan ka soo baxney dab qabsasadey, inta aan kaca fadhiisaney ayaan u cararney……..

La Soco Q-2

Abdirasaaq Hammaal

E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

Login