April 30, 2009

Dhexdhexaadintii Beelaha Galbeed oo Looga Baqayo Inuu Burbur ku yimaado, Sababo la Xidhiidha Garasho La’aan Dhinaca Xeerbeegtida Hawsha u Xilsaaran.

Boorama (Harowo) - Dhexdhexaadintii ka soctay tuulada Kalabaydh ee ay ku wadahadalayeen Beelihii ku diriray Jiidaha Ceelbardaale, oo ay dhexdhexaadinayeen xubno ka socday G/Guurtida ee Somaliland labada dhinac ee walaalaha ah, ayaa si weyn looga dayrinayaa in uu burbur ku yimaad, waxaana si weyn loo dhaliilayaa Aqoonta dhinaca dhaqanka ay u leeyihiin xubnaha dhexdhexaadinta ee hawsha dhabarka u ritay.

Ugu horayn dastuurka Dalka ayaa qodobkiisa 60-aad sheegayaa in Golaha guurtidu Awood u leeyahay Nabadaynta iyo Dhaqanka iyo xeerasha diinta la xidhiidha, hadaba sidii laga filayay xubnahaas guurtida markii gogoshii ay u dhigeen labada dhinac ka soo xaadireen ayaa ahayd:

1.  In ay nabadgelyada sugaan

2. In ciidamada labada dhinac la kala qaado

3. In laga wada hadlo khasaarihii dhimashada iyo dhawaaca lahaa ee labada dhinac soo kal gaadhay

 4. In laga wadahadlo wixii keenay dirirta sida Dhulka.
 
Si kastaba ha ahaatee, waxaa shalay soo gaadhay dhanka Mudacalayhiga oo ah dhanka Dila qoraal ay soo qoreen dhanka mudiciga ah ee Gabilay, taas oo ay guurtidiina ku tidhi ka soo Jawaaba si degdeg ah dhinaca duqayda Dila. Qoraalka ayaa nuxurka ku qoran uu yahay sida la sheegay sheegashada Hanti iyo dhul, habkan dacwad qaadista ayaa u muuqda qaabkii Maxkamadaha lagaga dhaqmayay, isla markaana baal marsan habkii dhaqanka geedka iyo garta xeerbeegtidu u qaadi jireen.

Hawshaas waxaa saluug weyn ka muujiyay dhanka duqayda Dila sida ay ii xaqiijiyeen xubno madasha fadhiya, waxayna intaas ku dareen in wadahadalka ay ka shaqeeyeen Salaadiintii dhaqanka ee beelaha G/Xajis ee noo yimid ka dibna Guurtidii hore ay la wareegtay, waxay intaas raaciyeen in ay Jawaab cad iyaguna bixin doonaan maalinta Sabtida ah, waanay ka gaabsadeen in inta ka horaysa la magacaabo duqaydaasi. Hase yeeshee waxaan isku daynay in aan Gudoomiyaha dhexdhexaadinta guurtida Maxamed Maxamuud Diiriye wax ka weydiiyo hawlahaas soo kordhay nasiib darase waxaa xidhnaa Telefoonkiisa.
 
Dhanka kale sida ay sheegayaan wararka ka imanaya jiidaha labada beelood u dhexeeya ee la isku horfadhiyo, ayaa waxaa ka socda abaabul u muuqda diyaargaraw dagaal, masuuliyiin xukuumada ah oo aan wax ka weydiinay kormeer ay jiidahaas ku soo mareena wey ka gaabsadeen in ay wax ka sheegaan.

Ergooyinka wadahadalka ee dhanka Awdal ayaa tegay Kalabaydh todobaad ka hor, mudadaasna waxa madasha gogosha imanayay dad aad u danaynaya wadahadalka dhexdhexaadinta sida Ganacsato, Salaadiin iyo Culimoudiin uu ka mid yahay Sh. Cali Warsame oo ah sheekha reer Burco ah. Dhamaantoodna waxay labada dhinac u sheegeen qiimaha nabadgalyadu leedahay iyo in heshiis rasmi ah laga gaadho khilaafka labada dhinac ee walaalaha ah.

Waxa kale oo wadahadalka horteed jiray Shirar doceedyo dhawr ah oo dhexmaray labada dhinac ee diriray, shirarkaas oo dhexmaray dadka deegaanka ah ee dagaalku ku duldhacayo siiba rag u badan dhaliyarada Oday/ku-xigeenada ah ayaa waxa la sheegayaa in culaysyo dibad kaga yimaadeen qolyahaas wadahadalka furtay, isla markaana loo sheegay in wadahadalku ka furmi doono Kalabaydh, balse aan loo baahnayn in la docfaruuro. Haseyeeshee shirarkaasi hoose waxay u muuqdeen qaar xalkoodu ka dhawaan lahaa kan socda.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com

Login