April 29, 2009
Xubno Miisaan Wayn Ku Leh Siyaasadda Xisbiga Kulmiye oo Soo Jeediyay in Siilaanyo La Bedelo.

Xubno miisaan wayn ku leh siyaasadda xisbiga KULMIYE ayaa wada qorshe ay kaga arrinsanayaan sidii loo bedeli lahaa Axmed Siilaanyo. Waxaa ka mid ah ragga carabka lagu hayo in lagu bedelo Siilaanyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Dr. Gaboose iyo Kornayl Maxamed Kaahin. Waxaa kaloo la wadaa in Cabdiraxman saylici lagu bedelo Prof. Ismaaciil Aare.
Waxaana qorshaha diyaargaranta arrinka hogaaminaya qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga oo ay ka mid yihiin Muuse Biixi, Cabdirahman Cabdiqaadir, Baashe, Cabdicasiis Samaale, Maxamed Iskeerso, Xildhibaan Nacnac, Xildhibaan Maxamed Xirsi, Xildhibaan Sicid Cilmi Rooble iyo xubno badan oo ka tirsan qurba jooga xibsiga.
Dhammaan dadkani waxay u arkaan in Axmed Siilaanyo uu u egyahay nin aan xisbiga wakhtiga adag ee uu imika marayo hogaamin karin. Waxay siyaasiyiintani oo ka mid ah madaxda sare ee xisbigu aaminsan yihiin in xisbigu hadda u baahan yahay hogaamiye qaadan kara go’aamo adag oo maanta dalka ka saari kara kooxda xoogga ku haysata masiirkii ummadda, ee looma baahna nin mar kasta haye leh.
Kooxdani waxay u arkaan Axmed Siilaanyo inaanu ahayn hogaamiyhii adkaa ee uu ahaan jiray barigii hore. Waxaana arrintaasi ay markhaati uga dhigayaan sida aan ka fiirsashada lahayn, ka baaraandagida lahayn, la tashiga lahayn ee uu u qaatay dhawr go’aan oo xasaasi ahaa oo xisbiga ku keenay waji gabax iyo fashilaad. Waxaa kaloo muuqata in Siilaanyo uu noqday hogaamiye si qabaw ula dhaqmaya Daahir Rayaale oo ah nin aan waxba xeerinayn.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, Isla Markaana ah Musharaxa Xisbiga ee Madaxwenaha
Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu sabab la’aan u joojiyaya kacdoonkii isbeddel doonka ahaa ee magaalooyinka Somaliland oo dhan taageerayaasha xisbigu ka wadeen. Lamana garanayo sababta ku kaliftay. Waxayna arrintani karaar jabisay dhammaan taageerayaashii iyo madaxdii xisbiga KULMIYE.
Waxay kaloo xunbahan qabaan ina aanu Saylici waxba ku soo kordhin xisbiga ilaa hadda, kamana muuqto waxqabad intaa ka badan oo ka soo socda. Waxay doonayaan inay keenaan Ismaciil Muumin Aare oo ah nin aqoonyahan ah, lehna awoodo maamul iyo mif waxqabad oo ku kicin karo reer Awdal. Aare wuxuu dhawr jeer todobaadyadii dhawaa ka hadlay fagaarayaasha Booraama, isagoo dadka ugu baaqaya isbedel.
In kastoo dad badan oo ku dhawdhaw Axmed Siilaanyo ay aaminsan yihiin inaanu iskuba dhajinayan kursiga haddii si sharfleh looga codsato inuu baneeyo jagada, hadana waxaa jira dad badan oo aad u taageera isaga oo ka mid ah xisbiga oo is hortaagi kara arrintan haddii aan si wayn looga sii shaqayn inta aan golaha la keenin.
Maxamed Xaashi, Gaboose iyo Maxamed Kaahin mid waliba wuxuu xisbiga iyo Soomalilandba ka heli karaa galsooni fiican, Daahir Rayaalena kuma dhaco inuu maalin kordhista xukunka, hadday iyagu la tartamayaan.
Ismaciil Kooshin - Wariye madax banaan
Email: ikooshin@rocketmail.com
