April 29, 2009

Allaha u Naxariiste Marxuumad Caasha Siciid Caabi, Ooridii Madaxweynihii Hore ee Somaliland M. I. Cigaal, oo ku Geeriyootay Hargeysa.

Hargeysa Alla Ha u Naxariistee waxa galabta fiidkii ku Geeriyootay Magaalada Hargaysa Marxuumad Caasha Siciid Caabi oo ahayd Ooridii u horeysay ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Marxuumad Caasha Siciid Caabi oo in muddo ahba u jiiftay Xanuun ayaa ahayd Marwadii kali ahayd ee dhashay Carruurta ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyadoo Muddooyinkii u dambeeyay ku noolayd Magaalada Hargeysa ahaydna qof da’ ah.

Madaxweyne Rayaalle ayaa  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumad Caasha Siciid Caabi, isaga oo Illaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumada qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxdayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumad Caasha Siciid Caabi ayaa sida qorshuhu yahay lagu Aasi doonaa 9:00 Subaxnimo ee  Berri haddii alle yidhaa Qubuuraha Boqol Jire ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Inaa lillaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun, Kullu Nafsu Daa’iqatul Mawt.

Haddii aanu nahay Bahda saxaafada madaxa banaan waxanu tacsi taasi lamida gaadhsiinaynaa Ehelkii, qaraabadii, Ubadki iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumad Caasha siciid Caabi, Xaaskii  Hore ee Aabihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun.

Login