April 28, 2009

Wasaarada Beeraha Oo Shini u Qaybisay Beeralayda G/Awdal

beeralayda-awdal-small

Boorama (Harowo) - Xili beereedka sanadkan ayay wasaarada beeraha Somaliland u qaybisay Shini la beerto beeralayda G/Awdal ee degmooyinka Borama, Baki, Dila,Lughaya iyo Saylac, shinidaas oo ay wasaarada beeraha ugu deeqday Hay’ada cuntada iyo beeraha ee FAO, sidaas waxa saxaafada u sheegay Iskuduwaha Wasaarada beeraha ee G/Awdal Aadan C/laahi Sh. Muuse oo aan wax ka weydiinay qaybinta shini iyo qalabka beeraha oo ay ka wadaan G/Awdal wasaarada beeraha ee Somaliland.

Iskuduwuhu wuxuu intaas ku daray in shinida ay beeralayda u qaybinayaan ay tahay Hadhuudhka Cilmi-Jaamaca iyo Qalabka beeraha ee gacanta lagaga shaqeeyo sida Yaanbada iyo Majada, waxaana la siinayaa beeralayda danyarta ah ee degen deegaanda beeralayda ah ayuu yidhi Iskuduwaha wasaarada Beeruhu, wuxuuna intaas raacshay in qaybinta shinida iyo qalabka ay wada wadaan madaxda wasaarada oo uu ka socdo Agaasimaha Guud iy shaqaalaha Wasaarada ee G/Awdal iyo xubno ka socda Hayada FAO iyo maalgeliyaashooda.

Qaybinta Shinida iyo Qalabkan beeraha ayaa hore looga sameeyay deegaanada Gobolka Hargaysa iyo Gabilay, waxayna wax weyn ka tari doontaa shinidan la siinayo beeralaydu dhanka wax soo saarka dhuuniga, Inkasta oo ay ku adag tahay beeralayda cagaftii ay ku qodan laahaayeen oo qiimaha saacada lagu qodaa ay taagan tahay 8$ US dolar, taas oo ku adag in ay beerladaydu Awood u hesho qodashada beeraha, Balse waxaa jira in beeralaydu ay isticmaali karaan xaga qodashada beeraha Dibida, Dameeraha Iyo Awrtaba, hadii ay si guus ah isku caawiyaana ay ka maarmi karaan deeq saacado ah oo ay banaanka ka sugaan.

beeralayda-awdal

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com

Login