April 27, 2009
Maxaad Ka Haysaa Halyeeyadii Taariikhdooda Lagu Faani Jiray Ee Awdal?
Ummad kasta oo aduunka ku dhaqani waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah, oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan sida dhabta ahna waa labo mid uun: Taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay iyo taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xun oo dadka ku reebta xusuus iyo murugo mahadha leh.
Hadaba, sida taaraakhiid ku cad kuna ladhan garaadka iyo caqliqa Aadamaha waxa la ogsoonyahay in samankasta ama xili kasta oo yimaad ay taariikhdu sumado Rijaal ama rag sida shamaca uga soo dhex baxa bulshadooda, sida qaalibka ahna uga taga faca iyo bulshada ka danbaysa dhacdooyin ama hadala qiimo leh oo inbadan xusuus ku reeba caqliga iyo garashada aadamaha , inta badana ragaasi waa kuwa duulka ka danbeeyaayi ay ku faanaan uguna yeedhaan magacyo martabad iyo maqaam sare kaleh dhexdooda sida Geesi , halyeey iyo qaar kaloo badan .
Hadaba, marka aanu usoo ruqaansano dhinaca bulshada Soomaaliyeed . Waxa ayna shiki ku jirin in Soomaalidu leedahay taariikh qota dheer oo ku salaysan qaabkii aynu ula soo tacaalnay xadaaradihii kala duwanaa ee dunida soo maray. Iyo waliba sidii aynu iskaga hor nimid gumastayaashii wadankeena kala qaybsaday iyo kuwii soo gumaystay . Waxaynu leenahay halyeeyo taariikhda baal dahaba ka galay . Iyo sidoo kale kuwa taariikhda baal mugdi ah ka galay , kuwaasoo lagu saleeyay kaalinta iyo doorka ay ka dhex qaateen mujtamaca ay waagaasi la noolaayeen.
Hadaba, mar hadii aynu ka soo shanqadhine labada erey ee ilbaxnimo iyo taariikh waxa lama huraan inaan ku dul foorarsano gobolka Awdal oo ah sida dhabta ah meelaha ay ilbaxnimada geeska Africa ay kasoo unkatay . Sida la wada ogyahay bulshad reer Awdal ayaa ah bulsho ehel u ah ilbaxnimo iyo aqoon daba dheeraatay. Isla markaana ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahana qaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dab qaadatay.
Marka laga tago ilbaxnimada iyo aqoonta waxa u dheer bulsha waynta ku abtirsata Awdal in ay leeyihiin geesiyaal ama helyeeyo haybadooda lagu faani karo oo taariikhda ka galay baal dahab ah. Iyadoo ay sidaasi tahay ayaan hadana wax badan laga oqoonin taariikhda halyeeyadaasi, taas oo sida dhabta ah u baahn cilmi baaris iyo in la soo ururiyo oo meel la iskugu keeno taariikhda dhaxal galka ah ee ay ka tageen geesiyaashaasi.
Hadaba, waxaan akhristayaasha sharafta leh ogaysiinayaa inaan kugudo jiro xog ururin insha alaah dhawaana aan saxaafada ka soo dayn doona barnaamujyo taxana ah oo ka sheekaynaya taariikhdii boqortooyadii Adal iyo geesiyaashii ay taariikhdu xustay inta aan helno macluumaadkooga. Mustaqbalka dhawna haduu eebo idmo waxaan rajaynayaa in aan buug ka soo saari doono xogahaasi iyo taariikhdaasi aan ururiyay haduu eebaha awooda leh idmo maadaamo aanay jirin buugaan hada suuqa ku jira oo sida dhabta ah laga heli karo taariikh sugan oo ka sheekaynaysa ilbaxnimadii iyo taariikhdii dheerayd ee Adal iyo Awdalba.
Hadaba, waxaan ka codsanayaa inay ku soo gudbiyaan Eeamailkan hoos ku qoran cid kasta oo haysa culuun ku sahabsan taariikhda Awdal iyo salel . Waxaanan aad udanaynayaa waxkastoo ku sahabsan ciwaankaasi aan soo sheegay.
Wabilaahi tawfiiq
C/laahi X. Siciid
Email: cubeesh@hotmail.com

