April 27, 2009
Gudiga Dhex Dhexaadinta Khilaafka Siyaasadeed oo Soo Jeediyay in la Qaato Go’aankii Golaha Guurtida.
Hargaysa (Qarannews) - Gudiga khilaafaadka Somaliland ee dhawaanahanba waan waanta ka dhex waday xukumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa go’aan ka gaadhay kulankii wada jirka ahaa ee ay la yeesheen xukumada iyo xisbiyada mucaaradka maalintii sabtidii ee ina soo dhaaftay.
Sida aanu ku helnay warar lagu kalsoonyaha oo qarannews u xaqiijiyay in gudiga dhex dhexaadinta waday ay shalay galab waraaqo u kala direen xukumada iyo xisbiyada mucaaradka, warqadaasi oo uu nuxurkeedu xanbaarsanaa “in markii ay gudigu dhagaysatay hadaladii sadexda dhinac, ee ay ka baaraan dageen ay qaateen go’aankii ugu macquulsanaa oo ah in ay soo jeediyeen in la taageero mudo kordhintii ay gaadheen golaha guurtidu, isla markaasina la taageero in doorashadu ay qabsoonto wakhtigeedii loo cayimay oo ayna haboonayn in hore looga soo dhigo ama dib looga dhigo.”
Taasi oo ay sadexda dhanba ku qanciyeen in ay sidaasi taageeraan, warqadaha loo kala diray sadexda dhan ayaa waxa laga codsaday in ay ka soo manaaqashoodaan sida ay u arkaan go’aankaasi iyaga oo gudidu soo saari doonta warsaxaafdeed ama qoraal rasmi ah maalinta salaasada ama arbacda sida ay wararku sheegayaan.
Isla xalayba warqadaasi waxa ka jawaabay gudoomiyaha xisbiga UCID, oo codsaday in gudiga kamooshinka qaranka lagu kordhiyo 3 xubnood, taasi oo ay wararku sheegayaan in uu aqbalay go’aankii guurtida, dhanka xisbiga UCID wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin, sidoo kale xisbiga KULMIYE, iyo xukumada ayaan wali ka jawaabin inkasta oo maanta ay iyaguna gudbinayaan mowqifkooda, lama garan karo xisbiga Kulmiye waxa ay ku jawaabi doonaan iyaga oo hore u diiday go’aankii guurtida ee hada ay gudigani ay iyana soo jeediyeen in ay haboontahay in la raaco oo uu yahay ka ugu macquulsan.
Gudigan dhex dhexaadinta ayaa saddexda dhanba ka haystay saxeexyo iyo ogolaansho in ay ku qanacsanaan doonaan waxa ay go’aamiyaan.
Wararka ku saabsan arimahni ayaa aanu si qoto dheer u raadinaynaa waxii ka soo baxana halkani kala soco qarannews.
Source: Qarannews, Hargaysa, Somaliland
