April 26, 2009

Muj. Cali Gurey Wuu Digay Ummadda Somaliland

Runtii qofka geesiga lagu tilmaama aa qofka ummadiisa iyo dalkeesa wax walba ka hormariya Cali Gurey waa geesi kaa maraya xalka xabadu k soo dhaceyso, wuxuu ahaa Cali Gurey ninkii gudaha Hargeisa ka dhax wadey SNM iyo ururda ardeyda 1981 ilaa 1983. Cali wuxuu isku xidhayey dhaqdhaqaaqa SNM ee gudaha ilaa malmihii mudahraadka 22 feberwari 1982 ee ufo group. Cali wuxuu ahaa hormoodka dhalin yaradu ku soo hirato, wuxuu ninka talada haya ilaa uu SM u talaabey.

Cli Gurey may 1988 wuxuu ahaa ninka nin walba ka dagaal badnaa, wuxuuna isaga dab qaadi jirey ilaa suuqa Hargeisa ilaa Geed-Deeble ilaa talaabinta caruurta iyo maatida, isagaa ahaa ninka howlahaas oo dhan isku dubad rida. Waa geesi aan baqin nin wal oo snm iyo corneel walba isagaa ka dagaal badnaa.

Maanta cali gurey waa uu u digey ummadda somaliland inaaney qaladkii june 1960 oo kale aan la galin oo ney maandeeq mar kale lumin.waxaa uu cali gurey diidey in aan bilaa dowlad noqono oo sida xamar noqono oo hanaankaa dowlad nimo inaga lunto oo aan sida xamar aan is cuno. Taladiisiina waa la diidey oo ka jooga ayuu yidhi. Waa inuu ka baxaa xusbiga dadkana uga digaa runtii wuxuu qaatey arin fiican waayo maanta xusbiga kulmiye waxaa ka soo butaacaya oo majarihii ka leexiyey waa:

1.  Qabyaalad aan waliba loo kala hadhin inanka tagsiilaha ah ee BRISTOL,LONDON iyo SHAFIIL ka tagsiilihii isagoo habeen walba soo jeeda oo siqraan iyo dhilo gura ayaa laga qaada 2000ilaa 5000 pound, waraaq ayaa la siiya oo markaan dalka qabsano ayaa lagu siin lagu yidhaa, kan bixinaya qabyaalad ayuu u bixinaya waana kuwa cali gurey sheegey ee talada xusbiga haya.SHIRKII GAR-ADEG ayaana lagu gooyey xitaa hadduu ka tago siiraanyo in lagu wareejiyo ina kaahin.

2. Koox soo dhadhamisey xoolaha ummadda oo wasiiro sugayaal ah oo dantey leeyihiin tahay in hantida ummadda la boobo ayaa iyana kulmiye ka buxa oo riyaale soo eryey.

3. Ahmed siiraanyo wuxuu hogaamiyihii snm IMISA CURYAAN AYAAH SNM KU CURYAAMEY OO NOOL wali miyaad aragtey ama maqashey isagaoo caawinaya? IMISA AYAA WAALAN OO SNM MA MAQASHEY ISAGOO DHAKHTARKA DADKA WAALAN TAGEY?

IMISA AYAA AGOON AH AMA HOOYOOYIN GOBLAMEY OO SNM KU WAAYEY KII CAAWIN LAHAA MA MAQASHEY SIIRAANYO WAX TARA 4-SAYLICI oo nijaar ah ayuu Cabdirahman Aw Cali ka doortey seylici, oo xitaa dhulka waqooyiga (GUBAN) inuu boobo rabo, oo xitaa aan aaminsaneyn Somaliland. Wuxuuna aad ugu xidhan yahay nimanka walaalaha ah ee ILMA SAMATER ee mareykanka dagan ee somaliland meel ay ka gasho ay weydey.

Abwaan baa wuxuu yidhi:

Haddii shicibku calankuu tabcaday loogu tudhi waayo Tis dhan oo qabyaalada haddii tuurta lagu qaado. Maantana taleex haddii, toomo laga muujey Taariikhihii karal haddii, taabka lagu haysto Tol-maroorsi xaaajada haddii nala taraarsiiyey Taajkii yimaaddaba hadday, toban ku saaxiibto. Tafaraaruqii hore hadday, tanina noo raacdo Idinkuna tigaaddiyo nimacada, taransan maysaane Tambareeri uunbaydin noqon, tiriyey shaashkiiye Haddaan laga tanaasulin jarkaa, nalagu tuuraayo Tallahaan ku dhaartaye inay, tegi sidii koongo.

Ahmed siilaannyo wuxuu ugu talaga galey inuu dalkan curdinka ah ka dhigo bilaa dowlad oo koongo noqoto,waxaanand mooda in la yidhi soo kala daadi somaliland oo xamar oo kale ka dhig.
xitaa mey eegin wali wax yaalaha ay la qabsoomi weydey doorashadu oo ah.

*  In diiwaan galintii aan wali dhamaan, oo lakala safeyn.

*  29 oktober qarax ayaa dhacay oo cominshanku ilaa 2 bilood muu shaqeyn.

*  Wali xisaab xidho ayaa hayadihii  ina caawinayeen sugayaa .

Severkii lama shaqeysiin oo kulmiye ayaa diidey.

Caawinadii doorashada wali lama fasaxin.

Dhaqaale xumo dunida ka dhacdey.

Cali Gurey ummadda waa u digey dowlad xun ayaa dowlad la’aan dhaanta maantana ee shicibku waa iney gartaa xusbiga ay ku aaminayaan noloshooda. Kulmiyoo somaliland xamar oo kale ka dhigi meysid oo waan og nahay inuu rag kuu sii joogaan ee ilaah baa ku arkaaya maantana waad kuftey, doorashada danbena waad jabeysaa.

Somaliland ha noolaato

Mahdi Ahmed

Email: mahdi172@hotmail.com

Login