April 25, 2009
Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Ugaas Nuur Ugaas Rooble? By Abdirasaaq Hammaal.
Ugaas Nuur wuxuu ahaa boqor taariikh weyn ku lahaa dhulka Soomaaliyeed siiba degmooyinka Boorama iyo Saylac ka hor intii aanu gumaysigu qabsanin wadankeena iyo Afrika inteeda kaleba. Ugaas Nuur Ugaas Rooble wuxuu dhashey qarnigii 19aad afartanaadkiisii (1840), waxa la boqrey isaga oo aan qaangaadhin, wuxuuna dhintey qarnigii 20aad bilowgiisii.
Ugaas Nuur dunida wuxuu ku dhaafey xikmado iyo murti xusuuus iyo rayrayn nolosha dhinac walba saamaysa, tixdan gaaban oo gabayadiisii ka mid ah haddii aynu eegno waxaan ka arki karnaa hufnaanta, siyaasada iyo diblamaasiyada uu ku muujin jirey dadkiisa:
Alahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshey
Nin ii daaqsanaayana maxaan daafida u kariyey
Jidhku nimaanu dooneyn maxaan hadalka deeqsiiyey
Ma deg degee xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshey
Waji dabacsan, daymo aan dareen galin dubaaqiisa
Dabno furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso
Qosol dibada yaaloon ka iman dhuunta dacalkeeda
Kanaan dagey kanaan door bidey kani danbaan moodey
Waxaan dood kaftan ah sheekada ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu dagalka soo saaro
Intiyoon dawaarka u ragoon xeelada u daadsho
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaanshey
Ninka gabayaaga ah adiga oo aan aqoonin ayaad shakhsiyadiisa ka dhex helaysaa suugaantiisa, waana sababta uu gabayaagu kaga duwan yahay dadka kale:
Marna waa humaagiyo, qof kula hadlaayoo, intuu soo hakaabsadey, iska rogey hagoogtoo kugu yidhi halkaygiyo habka maansadeydiyo hiyigeygu waa kaas.
Tuducaasi wuxuu sheegayaa gabayga iyo gabyaaga nin aanad aqoon u lahey haddaad gabayadiisa akhrido ama aad gabayadiisa taqaano waxaad taqaanaa shakhsiyadiisa, wuxuu daafaco, wuxuu aaminsan yahay, siduu u fekero mabda’isa, aqoontiisa, kartidiisa iyo kaalinta uu nolosha bulshada kaga beegan yahay.
Waxaa hubaal ah inay jiraan dad badan oo damiirkooda damqashada leh ay ka dhex guuxayaan su’aalo ay ka mid yihiin waa goorma wakhtiga qiimeyn buuxda lagu sameyn doono kaalintii Ugaas Nuur kaga beegnaa bulshada soomaaliyeed? Goobta bandhiga qiimeynta yaa fadhiisan doona? Golaha qiimeyntase yaa ka baani doona boqornimadiisii? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo la saanqaad ahba wuxuu maax dunkoodu yaalaa surunka loo maro muujinta masalooyin malaasnaa mirkacashada maankuna jecel yahay in uu wax ka ogaado.
Haddii taaj loo sudho rag baa kibirku taabtaayee
Tijaar iyo faqiir wuxuu ahaa mid aan tafniidayne
Tunka maatidu saari jirey tabanayee mooyi
Haddii uu tabaalaba ka dhaco teenan gudeheeda
In uu tow ku soo odhan jiraad wada taqaaneenee
Khalqigu wax wada taaran jirey tabanayee mooyi
Goortuu tubtuu wax wadiyo odhaah tiraabayo
Khudbadaa ma taagtaagi jirin mana tasaynayne
Erey toosan daayoo mid kale kama taraareyne
Tiirkuu halhaynta u lahaa tabanayee mooyi
Islaamka oo is-taakuleynayoo taarka la is-weriyey
Tabaabushihiisiyo siduu wax u taxaabayey
Tusmaduu ka soo joogsan jirey tabanayee mooyi
Tusbixiyo wardiga kama tageyn taarig waa nacase
Tawxiidka diintiyo wacdiga kama talaabeyne
Tukashada salaadiyo xajkuu taabud ku ahaye
Tafsirkiyo naxwuu daadin jirey tabanaye mooyi
Tuhun beeshey soomaalidii turuqna naafowdey
Tagooga sidaan uga jabniyo dhabarka taagiisa
Tafaraaruqii wadnaha taafka noo jaraye
Tacsidiyo quraankaan akhriney wey u tagayaane
Togagii janada eebbeheen tiisii ha u furo e
Soomaali iyo tafiirtii uu ka tagey samirku waw toose.
Tixraaca dhaqanka, ilbaxnimada iyo afka umad kasta oo aduunka ku kor nooli leedahay waxey ka turjumaan waayaha iyo taxanaha nolosha aadamahaasi soo marey. Sidoo kale halgamayaasha iyo haldoorka geesiyaasha umadi leedahay waa mid tisqaadka taariikhdooda laga dheegan karo heerka uu gaadhsiisan yahay awooda umadaasi lahaan jirtey.
Hadaba marka aynu ka hadleyno taariikhda qarada weyn leh ee uu huwanaa halyeygii weynaa ee lagu magacaabi jirey Ugaas Nuur Ugaas Rooble waxa uu garanayaa garaadka garashada saliimka ah godladaa in hibooyinka Alaha gargaarka u saaxiibka ah siiyey ugaaska aaney ku koobneyn gabayga oo kaliya, balse marka aynu kuurgal dhab ah ku sameyno dhaqanka iyo sifooyinka uu lahaa waxaa hubaal ah in uu ugaasku ahaa halgamaa hujuunka uu qaado libin laxaadle ka soo hoyn jirey.
Wuxuu ahaa cod kar alaha caadilka ah u barakeeyey caqliga iyo carabka, xaqiiqduna waxey tahay xiribnimadii uu ku xoojinayey ujeedooyinka uu damacsanaa iyo xeerbeegtinimadii uu horjooge ugu ahaa sagaal iyo sagaashan wada gadhwadeen ah waxey ka turjumeysaa in ugaasku xambaarsanaa dhaqan suuban iyo ilbaxnimo qoto dheer oo sumada boqortinimadeeda laga dul subkan karo xukun soojireen ah oo saado abtirsiimo u ah heybta ugaasku ka soo jeedo.
Macal asaf sidaas oo ay tahay lamaha hayo lamana sheegin magac ladhka madal ka mid ah degaanadii uu ka talin jirey, la yaab maaha in meelo caan ah oo mujtamucu ku kulmo ugaaska loogu magac dari waayo laakiin waxaa layaab weyn ah in badan oo waayeel ah misana maanka ku xafidsanaa murtidiyo xikmadihii Ugaas Nuur, kuwaas oo mawdku qaadey iyaga oo aan diwaanka ku duugin maansooyinkii ugaaska iyo marxaladihii uu soo marey.
Xaqiiqda dhabta ahi waxey tahay inta aynu hayno xikmadaha gaagaaban ee gaasiraada murtidoodu ka dhex muuqdo gabayadiisa waxa uu ugaasku la mid yahay shakhsi xay ah oo inta xabaal lagu ridey aan laga dareerin, mawqifka ugaas nuur aan ka taaganahay waa mid ixtiraam leh, xaqdhowr leh, qadarin iyo xushmad leh, mudnaan iyo kalgacal leh waa taa ta uu xageena ku leeyahay.
Ugaas nuur ugaas rooble ilaahey naxariistii janno ha ka waraabiyo innagana gabayadiisii meel madhan ha inoo buuxiyeen.
Abdirasaaq Hammaal
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

