April 24, 2009

God-daloolooyinka Dastuurku Wuxuu kobciyaa, Kana Faa’iidaysta Budhcad-Siyaasadeedka Somaliland!

fighting

Waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha S/land meel kastoo ay joogaan, Salaantaas mid la mid ah ayaan u dirayaa dhamaan bahda saxaafadda S/land. Akhristoow sidaan la wada socono mashiinka kala haga adduunyada casriga ah ee maanta waa SHARCIGA. Sharcigu waa xeerar leysu geeyey,lays waafajiyey, oo ay dhigteen bulshooyinka caalamku oo ay isku afgarteen, xakamaynayana wax kasta oo ay isla garteen inuu jebin karo ama ka hor iman karo xeerarkooda.

Waddan kasta oo dunida ka mid ahi wuu leeyahay dastuur u degsan, kuna salaysan dhaqankiisa, diintiisa iyo mabaadi’dii kale ee uu aaminsanyahayba, ama ha qornaado ama yaanu qornaane, wayna ixtiraamaan, kuna dhaqmaan.

Sharcigu qofka isagaa ka sareeya (marka laga reebo qowmiyadaha afsoomaaliga ku hadla, oo iyagu sharcigu ka hooseeyo). Sharcigu ma yaqaano eex, reer hebel, ina hebel, isla weyni, marka la hor taagan yahayna boqorka iyo dawarsadaha way u siman yihiin, cid gaar ahna uma daneeyo.

S/land waxay lahayd xeerar dhaqameedyo lagusoo caana maalay dhowrkii qarni ee lasoo dhaafay, laguna kala furdaamin jirey cid kasta oo xurgufo soo kala dhex galaan, iyada oo aanay jirin bileys iyo dawladi toona. Xeerarkani ma uuna ahayn wax buug ku qornaa, balse jiilba jiil buu usii tebin jirey, oo la sii kala dhaxli jirey.

Maanta laakiin dunidan casriga ah wacdiga ka jiraa wuu ka duwan yahay kii waayadii hore. Dadku berigaa wuu yaraa, fal-dembiyeedyaduna way yaraayeen. Waxa laga yaabaa in 3-5 sano qabiiladu hal ama laba qof kala dili jireen, maadaama hub casriya aanay haysan, halka maantana boqolaan qof ilbidhiqsiyo la kala dili karo, halka geel la kala dhici jireyna in maanta maraakiib la kala dhici karo. Sida wax kastaa horumar ugu baahan yihiin ayaa xeer-dhaqameedyadeenuna in la hormariyo ay u baahan yihiin.

Maanta waxaynu isku dayaynaa in aynu dhinac walba kala jaangaadno beesha caalamka, xagal 180 degree ahna aynu bedelo jihada markabka aynu saaran-nahay. Waxaynu samaysanay dastuur qoran, xeerarka intooda badanna laga soo minguuriyey dastuuro qalaad, oo aan lagu salayn intooda badan dhaqankeena, maadaama la inoo tusay in dhaqankeenu aanu la jaanqaadi karin Dimuqraadiyadda maanta (Tan reer galbeedka). Haddana waa sharci uun wax kala hagaya ilaa xad. Maadaama aynaan keena casriyeyn karin, waqtigan xaadirka ah waa inaynu ku ixtiraanaa oo dhawrnaa, kuna dhaqanaa kaas maanta inoo qoran.

Qoridda ama soo minguurinta Dastuurkan waxa lagu lumiyey dhaqaale badan, tamar badan, waxana loo huray waqti badan. Dadkii sameeyeyna ilaahay ha ka jisaa’i siiyo, iyagu way isku dayeen inay wax hagaajiyaan (At least they’ve tried it), balse inta yar ee dhiman waxa haboon in la dhamaystiro.

Qodob kasta oo dastuurka ka mid ahi wuxuu leeyahay xeerar, xeerarkuna waxay u sii kala baxaan qodobo, qodobaduna faracyo. Markaa god-daloolooyinka yar ee jira ayaa waxay yihiin mararka qaarkood wax dhacay ayaa dastuurka xeerarkiisa iyo qodobadiisu sharxayaan, balse aan faracyo loo sii kala saarin. Taas oo dhalin karta in qof kasta ama koox kasta ay sida iyagu xalkooda u arkaan u turjuntaan.

Xaalad kasta oo la saadaalin karo “imagineable ah”, oo ina soo foodsaari karta furdaaminteeda waa in la qoraa, si mustaqbalka looga badbaado, loogana hor tago samaysanka budhcad-siyaasadeed isbaaro u dhigta qowaamiinta inoo degan, una turjunta siday iyagu ay jecel yihiin.

Wabilaahi tawfiiq.

Eng. Farhan Fagah-Fagah

Email: farhangacaliye@hotmail.com

Login