April 23, 2009

Mudanayaasha beesha Harti kaga jira golayaasha baarlamanka iyo guurtidu waxay ka xunyihiin in Xukuumadu gaadhay xuduudka, waana sababta ay madaxweynaha u xag-xaganayaan.

Mudanayaasha goleyaasha baarlamaanka iyo guurtida kaga jira beesha Harti shirjaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa 19 April 09 waxay xukuumadda Daahir Rayaale ku eedeeyeen inay lunsatay lacag 2% ahayd oo cashuurta loo saaray horumarinta gobolada ay ka soo jeedaan Mudaneyaashaasi, waxanay sheegeen inaanay xukuumaddu lacagtaas gaadhsinin goboladooda.

Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku yidhaahdeen waa inaan beesha Isaaq ee na saamaxday laga xanaajin, hadalkooduna wuxu u dhacay sidan “Waxaan qabaa Anigu in Beesha Isaaq inay tasaamax badan ay bixiyeen oo beelahayaga darafyada, xukunkiina Anagaa haysana oo Madaxweynuhu waa beelaha darafyada iyagoo wax tirsanayay inay haddana tasaamax sameeyeen” sidaana waxa yihdih Guddoomiyaha Guddida nabadgelyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland Md. C/Salaan Maxamuud Siciid

Waxa iyagana laga dheregsanyahay talaabadii mudanayaasha golaha guurtida kaga jira beesha Harti ay qaadeen dhawaanta markii la samaynayay mudo kordhinta xukuumadda. Waxay mudanayaasha beesha Harti isku raaceen fowdo iyagoo doonayay in dalku dawlad la’aan ku dhaco kadibna la is dhexyaaco si markale gobolada bari ay ugu gacan galaan maamulka Puntland.

Marka aad si dhab ah ugu kuurgasho afcaasha mudanayaasha beesha Harti waxa kuu soo baxaysa inay yihiin kuwo ka midaysan mawaaqifta guracan “gawse waraabe gudo ka xidhiidhsan”.Hadaba anigoon ku dheeraan hadalka, doodana u dhaafi doona akhristayaasha hadii aan si saraaxadleh arinkan uga hadlo.

Anigu waxan odhan lahaa nimankan runta haloo sheego oo halagu qaado xisaabi xil male.

Gobolada Barigu Mudo 18 sanadood ah waxay cunayeen kuwa galbeedka.

Mudanayaasha goboladaasi mudo 18 sano ah waxay qaadanayeen mushahar iyadoon cashuuri kasoo xeroon gobolada ay sheeganayaan.

Mudo 18 sanadood ah waxay ku gabraaranayeen gobolada maqanbaan keenaynaa iyagoo ku qaadanayey gunne iyo laaluush,markii tii la waayey ee xuduudii la sugay ayay wada xanaaqeen.

Nimanka maanta botorinayaa waa kuwii Alle ha unaxariistee M. I. Cigaal wareeriyey ee Daahir Rayaale wareeriyay ee Hargeysa weelka madhan la wareegayay ee huteelada lagu masruufayay iyagoo degaankoodii Puntland gacanta ku hayso. Waxan xasuustaa qaar ka mida hadaladii Marxuum Cigaal markii uu nimankan ka yaabay, hadaladaa waxa ka mid ahaa “Galbeed xariir baa ka timaad, barina hunguri.”

Dhinaca siyaasiyiinta beesha Harti hadii aynu eegno, Siyaasiyiintu iskuma jiraan ee “Fu’aad Aadan Cadde iyo Cadami waxad moodaa inay ka masayreen madaxweyne-nimada reer Awdal iyo Musharaxiinta Madaxweyne -xigeenada ee ay xisbiyadu u xusheen rag kasoo jeeda Awdal, waana sababta ay u xag-xaganayaan reer Awdal”. Laakiin wali malaha isma waydiin sababta axsaabta qaranku u xulan wayday musharax kasoo jeeda beelaha Harti, hadii aanay iyagu is waydiin anagaa u sheegayna ee dhegahooda ha fureen hana la socdaan qormooyinka danbe ee aan arintaa ku qeexayno.

Shacbiga Sool,sanaagbari iyo Buuhoodle waxay mudanyihiin ixtiraam somaliland-na dhib iyo dheefba waxay ula simanyihiin walaalahooda kale,laakiin waxa jahawareerinaya kuwooda siyaasiyiinta isku sheega ee masiirka dadkooda maalin dagaalka dhaafsada. Shacbigu wuu ogyahay kii wax taray iyo kii aan wax tarin ee ku gabraaran jiray. Waligood lama maqal iyagoo ka hadlaya danaha gobolada bari, Siyaasiyiinta barigu maanta markii uu mashruucii 18ka sano socday soo gabo-gabooday ee ay waayeen gunihii iyo gacan togaalayntii ayay afka gacanta iska galiyeen shacbiguna arintaa wuu la socdaa “Aar nin ganay iyo nin galaday kala og”.

Hadii aan tusaale usoo qaadano gobolka Sool,gobolka Sool mudo labaatan sano ku dhaw wuxu ahaa Zone cagaaran dadka ku nooli waxay waayeen siyaasi udhashay oo danahooda ka shaqeeya,taasi waxay ka dhigtay dhul go’doon ah oo horumarka ka caagan. Kadib Xukuumada uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale waxay u hawl-gashay sidii ay dadka goboladaa ku nool usoo gaadhsiin lahayd gobolada kale ee somaliland, hadii ay tahay dhinaca nabad-galyada,waxbarashada, caafimaadka, biyaha, dib udhiska xarumaha dawlada,dayactirka wadooyinka IWM.

Laascaanood oon waligeed biyo macaan loo soo saarin maanta waxay ka cabaan ceelal casri ah oo biyo macaan leh.Isgoolada oo lagu fadhiisan jirey daasado maanta ardaydu waxay ku fadhiistaan kursi iyo miis isku dhegan. Laas-caanood oo qof iyo qori ahayd oo dilka iyo afduubku caan ka ahaa maanta waxay la mid tahay magaaloyinka kale ee dalka, halkii ay dhaliyaradu qoriga kaga xaragoon jireen maanta waxay ku xaragodaan buuga iyo qalinka, dhamaan waa hawl ay qabatay xukuumadu, cashuurtii gobolada bari loo saaray iyo gurmadkii loo fidiyey indhaha caafimaad qabaa si wanaagsan bay u arkaan wixii lagu qabtay.

Nimankan laga dhigay mudanayaasha golayaashu waa nimankaa an sheegnay ee huteelada lagu masruufi jirey iyagoon cidna matalin, goboladanna iyagaa ku gabraaran jirey, wixii lacag ahna iyagaa loo dhiibi jirey, laakiin maanta waxa meesha ka baxday lacagtii iyaga lasii marin jirey iyo taladii ay goyn jireen kadib markii nidaamkii dawliga ahaa uu goboladii bari si wanaagsan uga hirgalay ee hay’ad waliba hawsheedii si habsami ah u qabsatay.

Gobolada Somaliland gobol waliba isagaa is dabaray, ma jiro gobol account ama sanduuq loo furey oo cashuurta gobolada kale lagu dhisay marka laga reebo magaalada Burco gudaheeda oo sanadihii 195kii-96kii xukuumadu gacan u fidisay markii dagaalada sokeeye halakeeyeen, gobolada qaarkoodna iyagayba xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soo maray wax kaga maqanyihiin illaa imikana aan wax loo qabtay jirin, sidaa ay tahay cidna uma cabanayaan cidna kama cabanayaan, waxay markasta diyaar u yihiin inay maal iyo maskax iyo muruqba dalkooda iyo dawladooda u huraan ..

Si kastaba ahaatee mudanayaasha gobolada Bari kaga jira golayaasha iyo siyaasiyiintooda qaarba waxan odhan lahaa wakhtigii hungurigu wuu dhamaaday waxa la joogaa wakhtigii aad dalka dib wax ugu soo celin lahaydeen ee aad gudi lahaydeen abaalkii la idiin galay. Hadii aad jiritaanka Somaliland daacad ka tihiin idinka ma ahayn kuwii xukuumada Daahir Rayaale wax ka tirsan lahaa, laakiin ilbaa idiin daban, dadka intaan aqoon idiin lahaynina waxay idin moodayaan kuwo wax toosinaya,balse waxad tihiin qaar daacadnimadu ka fogtahay oo wax duminaya.

Ugu danbeyntii hadii aan usoo noqdo arinta uu ka hadlay guddoomiyaha guddida nabadgelyada iyo difaaca ee golaha Guurtida Somaliland Md. C/Salaan Maxamuud ee ku sheegay in beeli beelo kale cafisay, waxan leehay way kula noqotay, wax aan jirin hadii aad la shirtimaad adiga uunbaa shaadhka iska wasakheeyey, mudanahan waxan odhan lahaa ma jirin beel beel saamaxday ee waa isa saamaxay, nacamlaynta caynkaasana waxba laguma helo.

Hadiise aad u qaadatay in iqaamada somaliland cidi bixiso ama somaliland-nimada beel ka mid ah beelaha somaliland loo dabo-fadhiisto waad hallowsantahay.Reer Awdal waxay ahaayeen haylkalka dawladnimo ee maanta la hadhsanayo kuwii soo dhisay, reer Awdal waxay ahaayeen kuwii walaalahood usoo gurmaday markii ay is dilayeen, waxay ahaayeen kuwii u damqaday ee daawan kari waayey, waxay ahaayeen kuwii yidhi dabka dhiga oo maqla dabuubtayada,u jeedadooduna waxay ahayd inay dhiiga walaalahood kala badbaadiyaan, dawladnimadii lagu heshiiyey ee Burco lagu gaadhayna ay bad-baadiyaan, adigu darisbaad la ahayd waanad isku daawanaysay, taasina waxay ka markhaati kacaysaa inaanad dawladnimada somaliland daacad ka ahayn.

Reer Awdal kor iyo hoosba waa kuwii dawlada maanta jirta dhisay adigu intii aad ku mashquulsanayd wax kasta oo jiritaanka iyo dawladnimada somaliland liddi ku ah reer awdalna waxy ku mashquulsanaayeen waxkasta iyo si kasta oo ay somaliland iyo qaranimadeedu kusii jiri karto, inaad somaliland madax ka noqoto kuma xidhna inaad cid u nacamlayso ee waxay ku xidhantahay kartidaada iyo sidaad dalka daacad ugu noqoto.

Jawhar Qalinle   

Email: korwaayeel@hotmail.com

Login