April 21, 2009

Dawlada Hoose ee Boorama Talaw Ayay Ka Sugaysaa Inay Guraan Qashinka Tuulmay Magaalada dhexdeeda?

Shaki kuma jiro in xilka ugu wayn ee qashin ka nadiifinta magaaladu saaranayahay Dawlada hoose ee Boorama, oo run ahaantii la odhan koro xilkaasi way iska hilmaantay gudashadiisa. Taasina waxay hoosaasin iyo hodadaamo ku keentay dadwaynaha ku dhaqan magaalada oo xilkaasi gabi ahaantiisaba ku haleeyay Dawlada hoose.

Taasina ma aha sida dhabta ah arin sax ah mar hadii ay Dawlada hoose dayacday xilkeedii waxa looga baahnaa dadwaynaha inay gutaan xilka ka saaran nadaafa oo cid kasbta dan u ah.

Caafimaadka aasaasiga ah ee bulsha kastaa waxa uu ka bilaambaa ama laga anbaqaadaa kor u qaadida nadaafada deegaanka oo ah in bulshadu noqoto mid ku nool deegaan nadiif ah. Kaasaa ka fayow waxyaabaha keeni kara saxa xumada ama caafimaad darada, oo ay ka dhalan karaan cudarada faafi, kuwaasoo aafayn kara mujtamaca guud ahaan iyo gaar ahaan caruurta da doodu yartahay oo u sahlan qaadista cudurada ka dhasha nadaafo darida. Waxa kaliya ee lagaga hortiga karaana waa ugu horayn in la ilaaliyo nadaafada bulshada iyo ta deegaanka labada.

Hadaba, si aynu wax badan uga ogaano xaalada nadaafadeed ee gobolka Awdal heerka ay marayso aynu soo qaadano xaalad nadaafadeeda magalaada madaxda gobolka ee boorama. Taasoo ah sida dhabta mid aad uga sii daraysa marba marka ka danbaysana aad arkaysoo inay si xad dhaafa ah usii kordhayaan qashinka dhex tuulmay magaalada dhexdeeda ee ayna jirin cid ka damqanaysa ama xil iska saaraysa ilaalinteeda.

Waxa kaloo iyana umuur lala yaaba noqatay in goobta xashiishka magaalada oo dhan la iskugu geeyaa ay tahay goob aan u habaysnayn ama aan loogu tala galin in xashiis la dhigo isla markaana ku taala bartamaha ama meel aan sidaasi uga sii fogayn magaalada oo aanan waxba ka durugsanayn dhulka dadku daganyahay, sida goroonka kubada cagta ee Xasan Sh Moumin oo sida dhabta ah noqday xarunta ugu wayn ee qashinka magaalada lagugu ururiyo. Waa yaabe Nimanku haday dhalinyarta u dhis kari waayeen garoonka miyay awoodi waayeen inay qashinka uga guraan si ay dhalintu banaankaa cad ay iskaga durduriyaan.

Goobahan aan habaysnayn ee xashiishka magaaalada la tuulay ayaa ah kuwa sida dhabta saamayn ku yeelanaya caafimaadka iyo sixda dadka dagan magaalada isla markaana ka dhigtay shaqadii iyo waajibaadkii dawlada hoose “Waxba ha u qabane qawda maqashii”. Waayo waxa muuqata in waajibaadkii iyo shaqadii dawlada hoose ay tahay barku mataal. Maxaayeelay magaalada gudiheeda iyo hareeraheedaba waxa hadheeyay qashinka bacaha, kartoonada, cuntooyinka hadhaaga ah, daawooyin uu dhacay isticmaalkoodu, sun kala duwan , bakhtiga xayaawanada sida xoolaha iyo ayda iyo waxyaabo badan oo caafimaadka bini aadamka halis ku ah ama khatar galin kara.

Nadaafada oo aynu ognahay marka lago tago caafimaad ahaan iyo qurux ahaan ahayahmiyada ay u leedahay bulshada waxaynu ognahay qadirinta iyo ahmiyada ay diinteenu siisay ilaalinta nadaafada isagoo Nabigeenu SCW uu ku tlmaamay in ay nadaafadu tahay iimaanka badhkeed. Sidaa darteed waxa laga maarmaan ah in dawlad iyo shiciba la iska kaashado sidoo looga dhigilahaa magaalda mid nadiifa oo indhaha iyo caafimaadkaba u roon.

Ugu danbayntii waxaan leehay Dawlada hoose ee boorama adeerayaal xilkii la inii doortay waad ka seexateena mirqaanka iyo barjuhu ha inii danbeeyay, qashinkan iyo cudurkan aad dugsanaysaan umada ka gura intay goori goortahay ee aan la odhan foostaa foosta ka booday.

Cabdilaahi Xaaji Saciid - Norway

Eamail: Cubeesh@hotmail.com

Login