April 19, 2009
Humaaga Booqashada iyo Hadimada Tahriibka Qaybtii 5aad - By Abdirisaaq Hammaal.
Akhristayaasha sharafta leh ee shabakada harowo.com waxeynu soo gaadhney wakhtigii aan ugu talo galney gabgabada barnaamijkeenii taxanaha ahaa ee ay inoo jilayeen DALJIR, DALMAR, DALDHIS iyo DALFOG. Barnaamijkaas oo la magac baxey HADIMADA TAHRIIBKA waxa uu ahaa mid ka turjumayey dhibaatada uu leeyahay tahriibku waxaa inoo soo daadihinayey DAACAD, waxaanan imika suureysan doonaa bal sida kala jaad jaadka ah ee ay ku jirto nolosha jilayaasha barnaamijkeenu, waxaanan u kala horeysiineynaa sidii ay markii horeba u kala horeeyeen.
DALJID: Daljir daranyaa dalka gudihiisa ku dileysa walow uu degree haysto hadana duruufta shaqo la’aanta baahsan waxey ku kalifeysaa inuu dawarsado suuqa, digriga wardiguu rogayaa, dalka hooyo ayuu aaminsan yahay daacadi ninkeed dishayee talow daljir maxaa u dambeyn doona, bal adba!!!
DALSHID: Daldhis isagoo dibirsan ayuu daawanayaa TVyada caalamka, dawlad baa duntey, dal baa baaba’ay iyo dad baa gaajoonaya dubaaqiisa mey galin, dalxiis buu ku jiraa, dunida afarteeda dacal ayuu u kala gooshayaa, daar nin ku jiraa daruur ma arkee talow daldhis maxaa u dambeyn doona, bal adba!!!
DALMAR: Dalmar daruuraha rajo xumo ee dalka ka curtey daraadii ayuu u soo dalan baaninayaa, diyaarad raacyaa, doon kireysaa, damiirkiisa waxaa ka go,an inuu dunida dahabku dibada yaal yaalo gaadho, dariiqa ayuu ku sii jiraa, doobirkiisu waxa weeyi niman dhul arag dhaaya la,a talow dalmar maxaa u dambeyn doona, bal adba!!!
DALFOG: Dalfog damaashaadka qurbaha ayaa la fogaadey dabaaldaga baadhiyada ayaa la durkey, dantiisa mooyee tu kale waxba kama galin, diintu wey ku yar tahay, daacadnimo ka dheer, dhaqankii wuu ka leexdey, dhinac kale ayuu u cararey, dar dar hor leh ayuu ku socdaa, duruustiisu waxa weeyi maxaa iga galey danyare hadduu duunyaba laheyn, talow dalfog maxaa u dambeyn doona, bal adba!!!
DAACAD: Waxaan marka hore aad u salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee sida joogtada ah ula socdey barnaamijkan ka waramayey dhibaatada uu tahriibku leeyahay, waxaanan ku soo af meerayaa gabayga la magac baxey DUNIDAA WAREEGEYSA kaas oo uu curintiisa iska lahaa abwaanka weyn ee lagu magacaabo ABWAAN SICIID ABDILAAHI IIMAAN oo isagu ku nool wadanka isu-taga imaaraadka carabta U.A.E, waa gabey ka turjumaya waaqica ijtimaaciga ah ee uumiyiha aduunka ku kor nooli ku kala duwan yahay, ruux diida iyo mid doonaba waa dalab ka yimid dhanka daa,in ee duul alow ka bogasho wacan.
Dunidaa wareegeysa oo galinba wa dooree
* Waa filim la daawanaayo cidi dareemeynee, Qof kastiba dariiq buu hayaa loox ku daabacanee.
* Doorashada hadaan lagu helayn waxaad dooneyso, Nin waliba wuxuu daa’in qorey diidi kari waayee.
* Mid baa laga dabooloo indhaha sheyna daalacanee, Midna eebe waa u daayayoo argu waa dooree.
* Mid baa diifta cudur aawadeed dadan sariir dheeree Midna caafimaadkey darseen waa dugsanayaayee.
* Mid baa loo dabaal dagi aroos daaha loo xidhayee, Midna waa nin mawdkii diloo duugta loo wado e
* Mid baa daaro fooqyo leh dhistoo doodba loo celinee, Midna waa dib jirey oo wax buu dawarsanayaayee.
* Mid baa deeq u heley wiilal badan oo uu duqood yahaye Midna wali ma daadihin caruur uu ku diirsada e.
* Mid baa deeqsinimo aawadeed da,a sidi roobee, Midna waa bakheyl duuban oo durina dhiibeynee.
* Daganaan mid baa lagu yaqaan dul iyo maamuusee, Midna waa dagaalami hadey doodi furantaayee.
* Diintiyo cibaadada mid baa laga dambeeyaayee, Midna waa dambiilaha macsida loogu daw galayee.
* Mid baa damash la saaraa ilaah darajo siiyaayee Midna waa duloobaa intuu hoos u soo daga e.
* Waxaas oo dad kala jaad ah oo midba daan joogo Xikmad daa’in soo direye
* Ayaa loo dan leeyahay Mar hadaan anigu daynahayn, oo laga dareeraayo Ninaan ha isu daalinin hadaan dunidu waareynin.
Curiyaha Sheekada - Abdirasaaq Hammaal
Email: rasiiqi07@hotmail.com

