April 18, 2009
Suldaanimadii Ma Waxay Maraysaa Meel Lagu Kaambayn Gareeyo?
Waxa Wax lala yaabo igu noqotay markaan joornaalka ku arkay waxa la xidhay Sul. Saleebaan Boqor cismaan Xasan, waxaan isweydiiyey cidda ninka la xidhay Suldaanka u yahay iyo goorta la boqray. Qofkasta oo aan weydiiyo suldaanimada Saleebaan Boqor cismaan Xasan aniga ayuun buu dib ii sii weydiinayey, balse waxay taasi waxaan jirin noqotay markii la ii sheegay in ninka xidhani yahay (HABAAR WAALID).
Waxanse garan waayey sababta suldaanka loogu sheegayo ninkani, waxaan weydiiyey dad ka soo jeeda deegaankiisa, waxayna ii sheegeen in uu isagu yidhi “igu dhaha suldaan”, maantan ay halkaas la marayso.
Hadaba, waxaan su’aal weydiinayaa dad weynaha sababta suldaanimadii sharafta iyo karaamada lahayd sidaa loogu galay ee ay gaadhay xad “Habaar Waalid” lagu sheego suldaan hebel boqor. Markaa waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha, saxaafada iyo madaxda xisbiyadaba inaan milgaha iyo karaamada suldaadnimada kolayeba lagu tumaye aan dhulka la sii jiidin, oo aan “Habaar Waalid” oo kale lagu sheegin suldaan.
Si gaara waxaan ula hadlayaa madaxda xisbiga kulmiye, waxaan leeyahay saaxiibayaal oo Saaxiibayaal iska ilaaliya in aydun samaysataan salaadiin “Prepaid” ah oo cidna aan matalin.
waxaan idin leeyahay waxa idinka muuqata tudhaale la’aan xisbigiina ah, Waayo waxaad arkayesaa iyadoo rag aan dalka iyo dadka midna u tudhaynin ay ka dhex muuqdaan xisbiga Kulmiye. Tusaale ahaan Dr. Gaboose oo kale oo ahaa gudoomiyaha ururkii aan Sharciyeysnayn ee xaaraanta ahaa. waxaanu ka dhigan yahay sidii Oday xildhiban Dhugad hore u yidhi:
Gaboose waa dibi baadiya, dibi baadi ahina lo’da hadh keeda ayuu ka saaraa, hadh kalena ma Gaadhsiiyo.
Sidaa darteed yaan Gaboose hadhkiina idinka saarin. Waxa kale oo aan doonayaa inaan xaalsiiyo wasiiradii uu ku gafay oo kala ahaa Siciid Sulub iyo Cawil oo ah odayaal karaama leh.
Waxan leeyahay waxaa Ilaahay mahadii ah haddaan ninka wax idinka sheegayaa aanu ahayn nin suldaan ah ee uu yahay nin wali iska dayday ah oo waliba ah kuwii ugu liitay oo aan garaad badan lahayn.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Xanaan Maxamed Xuseen
Hargeisa, S/land
Email: xanan2005@hotmail.com

