March 31, 2009

Waa Guul u Soo Hoyatay Shacabka JSL Go’aanka Golaha Guurtidu

Asalaamu Calaykum. Waxaan maanta jeclahay inaan muujiyo sidaan ugu riyaaqay go’aanka golaha guurtida JSL, oo run ahaanti ah kii loo baahnaa maxaa yeelay waxaa ku jira danta qaranka iyo badbaadinta ummada. Mar walba oo dadku yaabo oo is yidhaahdo maanta ayaa Somaliland loo yaabaa Illaahay SWT ayaa badbaadiya.

42ka xildhibaan ee u codeeyey kordhinta waxay mutaysteen billad sharaf, qadarin iyo maamuus dheeri ah oo ay dheeryihiin waligoodna dheeraan doonaan saaxiibadooda kale ee ka codeeyey muddo kordhinta.

Waxaan u soo jeedinayaa talo xukumada waxaanan leeyahay mudanayaal indhaha fura oo ka feejignaada wax kasta oo lagu wiiqi karo qaranka JSL, kala gartana cidda wax taraysa iyo cidda rabta in qarankani baa ba’o.

Talo kalena waxaan u soo jeedinayaa xisbiyada mucaaradka ah waxaanan leeyahay guurtidu waa sharci wixii ay go’aamiyaana waa sharci ee ha u daymo la’aanina aqbalana oo inaga daaya buuqan iyo sawaxnkan aan waxba taraynin.

Shacbigana waxaan leeyahay taageera oo ayida xukuumadiina iyo madaxdiina wixii idin khalkhal galinayana meel uga soo wada jeesta.

Wabilaahi tawfiiq.

Abdi Abdulle Abukhayr

Hargeysa, Somaliland.

Email: abukhayr@hotmail.com

Login