March 31, 2009
Axmed Siilaanyo iyo Guurtida Midkee Saxsan….?
Dadka reer Somaaliland ee digan Wadanka gudihiisa iyo debeduba waxay ka faaloonayaan go’aanka Guurtidu gaadhaay ee ku ssabsan dib u dhigida doorashada madaxweynaha. Xisbiyada mucaardika iyo taageerayaashooduba waxay ku cambaaraynayaan Guurtida go’aanka ay gaadhay iyo sida dimoqraadiga ah ee ay uga doodeen. Arigtida kala duwan ee dadku ay qabaan waa mid la xidhiidha habka Dimoqraadiyada caalimiga ah ee aan dooranay in aan isku xukuno.
Waa ta aan ku gaadhi Karno aqoonsiga aan ka rabno aduunka. Dib u dhigida doorashado maaha mid ku timid xukun jecayl iyo Gigtaatooriyad. Waa mid aan ku khasbanahay oo ka timiday mmamulkii Giiwwan-gelinta cod bixiyayaasha iyo Komishanka Qaranka. Sidda la ogyahay waxa jirta in khiyaamo ka dhacday Diiwaan-gelinta oo ilaa hadda aan la sugin tirada codbixiyayaasha.
Dooda Siilaanyo ee ku saabsan “in go’aanka Guurtidu uuna waafaqsanayn sharciga doorashada wadanka” waa mid loo qaadan karo muran ka fog marxaladda maanta joogta iyo baahidda loo qabo madaxbanaani iyo aqoonsi. Ummada reer Soomaaliland uma baahna in lagu kala qaybiyo qabyaalad, qas iyo xoog. Waxay u baahanyihiin aragti dheer oo ku salayn kolba marxalada aan ku jiro.
Siyaasadu waa lagu kala qaybsanaan karaa haddii si fiican oo nabadi ku jirto loo isticmaalo. Haddii siyaasiyiinta qaarkood ay u soo xaytaan halgan foolxun oo iska horkeena dadka oo ay ku fikiraan in ay dantoodo ku jirto kala qaybin iyo qas, waa guul daro iyo tacab khasaar.
Dadka inta leh arigtida fog waxay ogyihiin in Golaha Guurtidu ka taliyay wanaag iyo ixtiraam ina qaadhisiin kara meesha aan u socono oo ah xurnimo iyo aqoonsi. Maxaa u diiday madaxda Kulmiye in ay loolanka si nabad ah uga qayb galaan? Maxaa u didday in la sugu natiijada Diiwaangelinta? Miyaaynay faa’iido ugu jitin in ay wakhti u helaan loolanka doorashada jagada madaxweynaha? Miyaanyay raja ka qabin Kulmiye in u ahaado xisbi qaran oo jira? Maxa iska bedalaya siyaasadda Kulmiye haddii doorashada maanta la qabto ama bari?
Su’aalahaas oo dhan jawaabahoogu waxay horyaalaan Siilaanyo, jawaab dadka qancisan waa laga sugayaa?
Dadka reer Soomaaliland ee danaynaya danta guud ee wadanka ee og halganka la soo maray si aan u gaadhno gobanimo iyo aqoonsi uma baahna in lagu khuukhiyo Guurtidu sharci uma laha go’aanka dib u dhiga doorashada. Waxay u baahan yihiin loolan xalaal ah oo nabad ah. Waxan u baahannahay baraarujin ku salaynsan wadan jecayl, ixtiraam, aragti dheer iyo hawlaha ina hor yaala sidda looga dabaalan karo. Siiyaasiinta Kulmiye ma qabo in ay ogyihiin arimahaasi oo dhan.
Waxan had iyo jeer ku guubaabiyaa dadka reer Soomaaliland in ay xusuus u yeeshaan taarikhda aan soo marnay iyo halganka ina horyaal. Siyaasiinta og hawlihii iyo dhibaatooyinkii aan soo marnay waa in ay dadka iyo dalkaba u hoogaamiyaan wixii wax ka duwan. Ummada Soomaaliland reer hebelbaa badan iyo reer hebelbaa madaxttoyada haysta uma baahna. Qof kasta oo dadku dooortaanba wuu istaahila inuu Madaxweyne noqdo.
Madaxda Kulmiye ha ogaadaan in waajibkooda la marin doono haday joojinwaayaan khilaafka ay dhex dhigayaan ummada. Xinka iyo madax adeyga Siilaanyo wax wanaag ah ma soo wado, xumaan iyo isku dir mooyaane. Waxyaabaha u sameeyey hadda ee lidka ku ah horowmarkeena iyo nabada waa wax u ukas u seemeeyey, u jeedada uu ka leeyahayna lama garan weli, waxayse u egtahay in aanu dan ka lahayn ummada iyo xornimadeeda.
Talada iyo hogaanka fiicani waxay sal u yihiin Dimoqraadiyada iyo nabada. Maanta loo bahnaa khilaaf ka yimaada dhowrka bilood ee dib loo dhigay doorashada. Dib u dhigu wuxuu dan u yahay siyaasiinta daneynaysa madaxtooyada, sababta oo ah wakhti ayey u heli karaan loolanka soo socda, oo dadka ayay gaadhsiin karaan ujeedadooda.
Siilaanyo inuu ku eedeeyo Maxdaxweyna ummadda inuu mudo kordhin doonayo iyo xukun jacayl maaha. Madaxweynuhu mudda dheer ayuu jagada soo hayey, wax uu kordhiyo mooyaane wax xumaan ahna weli ma samayn. Haddana xisbiga UDUB ayaa u oglaaday inuu ka qaybgalo doorashada. In la yaraystu ummada reer Soomaaliland waa meel ka dhac weyn.
Ugu dembayn Waxan halgan kula talinayaa siyaasiintu in ay ogaadaan in ummada reer Soomaliland ay soo jeedo, oo aanay ogolayan kala qaybin iyo qof dana gaar ah wata. Siyaasiinta iska dhaadhiciyey in aan la’aantood meel la gaadhi karin, ee beenta isku sheegaaya waan in ay gartaan in la soo dhaafay sheekadaas oo dib u socod la diiday.
By Mohamed Mousa
Ottawa, Canada
Email: markhati@yahoo.com
