March 30, 2009
Ururka TIIGSi oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Qoys Wiil Yari ka Dhibaataysnaa.
Borama (Harowo) - Ururka Wadaniga ah ee TIIGSI oo ka hawlgala G/Awdal ayaa deeq lacageed oo uu ka ururiyay bulshada reer Boorama gudoonsiiyay qoys wiilkoodu ka dhibaataysnaa, Ururka oo Saxaafada u soo gudbiyay Hadal qoraal ah, wuxuu u dhignaa sidan:
“Mahad ILAAHAY ayaa iska leh ,Anagoo ah xubnaha ururka TIIGSI,waxaan mahad balaadhan usoo jeedinaynaa Bulshawaynta Degmada Borama sidii ay ugu qaybqaateen bixinta deeqdii lacageed ee ay ugu deeqeen wiilka dhalinyarada ah, ee magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamuud Xaddi, kaas oo uu ku dhacay xanuun aan wax lagaga qaban Karin wadanka gudihiisa iyo wadamada jaarka ah midnaba.
Hadaba, ka dib markii ay qoyskii awoodi waayeen in ay bixiyaan kharashka ku baxaya daawaynta wiilkaas waxaa uu ururka TIIGSI la kaashaday bulshawaynta kala duwan ee ku nool Degmada Borama, kuwaas oo kala ah:Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka Ardayda iskuulada H/Dhexe, D/sare,Ardayda macallimiinta iyo Maamulka Jaamacada CAMUUD. Qaybahaa kala duwan ee bulshawaynta Borama ee aan kor ku soo xusnay oo si geesinimo leh uga qayb qaatay samata bixinta iyo taageerida walaalkooda xanuunsanaya.
Mar labaad ururka TIIGSI waxa uu umahadnaqayaa dhamaan. Cidii ka qayb qaadatay hawshaa aan kor ku soo xusnay. Waxaana uu ururka TIIGSI Ku wareejiyay qoyska wiilka xanuunsanaya deeqdii lacageed ee Bulsha-waynta reer Borama ugu deeqeen walaalkooda xanuunsanaya taasoo dhan $14,948 Dollar (TOBAN IYO AFARKUN, SAGAAL BOQOL AFARTAN IYO SIDEED DOOLAR.) iyo labo jago.
Dhamaan lacagtaas waxaa gacanta ku haya oo lagu wareejiyay qoyska Axmed Maxamuud Xaddi oo isna uu goobjoog ka ahaa.
Hadaba waxaan dhamaan Cidii ka qaybqaadatay qaadhaankii lacageed ee wiilka xanuunsanaya loogu soo ururiyay ugu ducaynaynaa anagoo ah ururka TIIGSI in ilaahay miisaanka xasanaadka ugu Daro badal khayr qabana siiya, caafimaadkana ilaahay usiyaadiyo AAAAMIIIIIIIIIIIIIIN.
Waxay kaloo ururka TIIGSI ay ugu ducaynayaan AXMED MAXAMUUD XADDI inuu ilaahay caafimaadkiisii usoo celiyo, hawshaa caafimaad ee banaanka loogu qaadayo dibadana ILAAHAY ku soo guuleeyo.AAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.
Waxa kale oo uu ururka TIIGSI usoo jeedinayaa in bulsho waynta degmada Borama iyoguud ahaan gobolka Awdal ay gacmaha is qabsadan si hadba kii taagdaran loo Kaalmeeyo.”
Wabilaahi Tawfiiq.
Ururka TIIGSi
