March 30, 2009

Jawaab Maqaalkii, Reer Booramaw Danbaa Waarta, ee Xukun Ma Waaro.

Markahore waxaan salaamayaa, dhamaan bahada saxaafada iyo akhristayaasha sharaftale. Maqaalkii naxliga, munaafuqada, colaad hurinta, buunbuuninta, rajo xumada iyo been abuurka lahaa ee uu soo qoray ninka lagu magabaaco Ibraahim Xasan Gaagaale ma ahayn sida dhabta ah mid ka turjumayay xagqiiqda iyo kaalinta Reer Awdal ay kaga jiraan dalka Somaliland.

Nin waliba halka uu ka qabasho barto ayuun buu ka yaqaane, bal u fiirsida ninkan faardaca iyo maroora dilaaca ku la dul dhacay reer Awdal. Adeer hadii Rayaale xilka loo kordhiyay reer Awdal ma kabcadii Nabigay gubeen? Maxaa aflagaadada iyo meelka dhaca u keenay?

Ibraahinaw malaha cudur reer Boorama ah ayaa kugu dhacee waxaad ogaataa in reer Awdal macaarid iyo muxaafidba ka kooban yihiin. Waxa kaloon ku xasuusinayaa kuwii kaa horeeyay ee durmaanka qabiil sidaada tumay in la ogyahay halkay ku danbeeyeen ee ay jaan iyo cidhib dhigeen, dhidar xabaala qodaa qudhun buu ugu dhacaa.

Ibraahimaw inta aanad reer Awadal ku beer laxawsan kursiga madaxweyne Rayaale, wali ma is waydiisay waxtarka iyo dheefta ka soo gaadha gobalka Awdal xukuumada inta ay leegtahay? Wali ma is waydiisay aqoonyahanada reer Awdal ee shaqala aantu ku dubatay dalka gudihiisa? Wali ma is waydiisay sida ay u tabaalaysan yihiin guud ahaan shacabka iyo gaar haanba danyarta reer Awdal? Wali ma is waydiisay dayac tir la’aanta ka muuqata jidadka magalaad boorama iyo nawaaxigeeda?

Markaa ibraahinaw waxba yaan reer Awdal lagu khuukhin kursiga Rayaalee, ee nin walba Dareenka halkiisa haka saarnaado. Nabadbaana leh naas la nuugee, shabacka yaan loogu yeedhin burbur iyo dagaalo ay ka soo daaleen. Haduu dagaal wax tarayo imisaa waa baryay hanada la qowracay, imisaa waa baryay hooyo gablantay? Imisaa waa baryay haadka loo wadhay hanado iyo geesiyaal?

Ibraahimaw ma baadhay xanuunka ku haya oo xalka dawadiisa ma raadisay? Waxaan filayaa inuu ku hayo necab iyo cadaawad gaamurtay, oo aad u hayso shacabka reer Awdal. Kolkaa waa laga yaabaa inaad ku nafisayso oo woxoogaa Releif aad ku dareemaysid maqaalada. Naxliga kaa buuxa ee aad qorayso waxaad u haysataa inaad ku ciil baxayso. Waxaanad jeceshay in dadka kale kula mid noqdo.

Laakiin waxa hubaal ah inaad u baahantahay in lagu nasiyo, isla markaana dhabada Islaamka oo hada kaa halawsan lagu tuso, laguna yidhaah inaad maqaalada naxliga aad qorayso iyo isku dirka iyo naar afuufnimada wakhtiga iskaga ridayso aad ku badasho cibaadaysi, oo wuxuu Ilaahay ku farayna aad yeeshid, wuxuu kaa nahiyayna ka hadhid. Magacyadan aad sidii sanamka jeebka aad ku sidato eed soo kala dhawaysanayo waxa kuu wanaagsan in aad iskaga hadhid.

Guntii iyo gabagabdii, waxaan leehay sxb Ibraahimaw waad halawsantahay ee Ilaahay haku garansiiyo wadada xaqa ah. Waxaanad u baahantahay in laguu gargaaro oo laguu caqli celiyo, xumaanta aad ku jirtana lagaaaga qacan haadiyo.

Alaa Mahadle

Cabdilaahi Xaaji Siciid Norway

Eamail: cubeesh@hotmail.com

Login