March 30, 2009

In ka Badan 80 Caaqiil oo Tirsan Cuqaasha Gobolka Sool oo Taageeray Go’aankii Golaha Guurtida ee Muddo Kordhinta.

Laas-caanood (Harowo) - Iyadoo maalinimadii shalay ay Golaha Guurtida ee Somaliland ay ansixiyeen muddo kordhinta 6 bilood ee soo socota ee xukuumada hadda talada haysa, ayaa waxaa soo baxaysa hanbalyooyin iyo taageerooyin ay soo dirayaan qaar kamid ah shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Somaliland iyo waliba dibadiisa.

Shir ay saaka ku yeesheen cuqaasha Gobolka Sool Guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood ayaa waxa ay kaga hadleen muddo kordhintii Golaha Guurtida ee Somaliland uu shalay u sameeyay xukuumada Somaliland ee hadda talada haysa taas oo ay dood dheer ka yeesheen iyagoo ugu danbayntii si wayn u taageeray go’aankii kasoo baxay shalay Golaha Guurtida.

Cuuqaasha shirkan kasoo qayb gashay oo ka badnayd 80 cuqaal iyo nabadoono isugu jira ayaa waxa soo dhaweeyeen go’aankii shalay iyagoo ku sheegay in Golaha Guurtidu ay qaateen go’aan geesinimo oo dalka lagu badbaadinayo iyagoo sheegay in loo baahan yahay in laga sii tabaabushaysto Doorashooyinka hadda aysan dhici karin oo aysan jirin wax u diyaarsan.

Sidoo kale cuqaasha Gobolka Sool oo qaar kamid ahi halkaasi ka hadleen Caaqil Cali Maxamed Kaarshe ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in danta guud ee shacabka Somaliland iyo nabadaba laga wada shaqeeyo ayna asxaabtu ka shaqeeyaan danaha guud aan lagu lumin waqti yar oo la kordhiyay wixii ay umada reer Somaliland kusoo tabceen.

Ugu danbantii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Caaqil Aadan Cali Ducaale isagoo sheegay in cuqaasha iyo shacbka Goboka Sool ay si wayn usoo dhawaynayaan go’aankii Golaha Guurtida ee shalay ku ansixiyeen muddo kordhinta isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhamaanba shacabka reer Somaliland ay sidaa ku taageeraan loona baahan yahay in nabadala dhawro.

Ahmed Abdulahi Binow  -  Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

Login