March 30, 2009
Golaha wakiilada oo cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyada Qaranka ee 2009.
Hargeysa (Harowo) - Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodi maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka dawladda dhexe iyo dekada Berbera ee sanada 2009 oo dhawaan wasaaradda maaliyadu Golaha soo hordhigtay.
Fadhigan maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdiraxmaan-Cirro), isla markaana ay ku sugnaayeen mudanayaal tiradoodu kontameeye ku dhadhawy, waxa uu gudoomiyuhu ku wargaliyay in Miisaaniyada qaranka ee 2009- uu goluhu naaqishaad iyo falanqayn dheer ku sameeyay sidaa daraadeed ay xiligan tahay wakhtigii goluhu cod u qaadi lahaa ansixinteeda, ka dibna waxa la guda galay in cod loo qaado.
Mudanayaashii madasha ku sugnaa oo tiradoodu ahayd 47 Xildhibaan, ayaa cod gacan tag ah oo loo qaaday ansixinta Miisaaniyaddaasi, waxaa ogolaaday 40 Mudane, 2 Mudane ayaa diiday, halka 4-Mudane ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codaynin, waxaanay sidaas miisaaniyada dawladda ee 2009 ku noqonaysa ansax.
Ansixinta miisaaniyada ee golaha wakiiladu maanta codka ku meel mariyay waxay ka danbaysay ka dib markii goluhu naaqishaad marxalado kala duwan soo martay uu ku sameeyay miisaaniyada isla markaana su’aal iyo xog-waran la xidhiidha gol-daloolooyin miisaaniyada ka muuqda ay ka waydiiyeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan wasaaradda maaliyada Somaliland, kuwaas oo fadhiyo kala duwan golaha hor yimiday.
Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.
