March 30, 2009
Baaq Lagu Taageerayo Go’aankii Golaha Guurtida oo ka Soo Baxay Taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Degmada Axmed Dhagax.
Hargeysa (Harowo) - Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga UDUB ee Degmada Axmed Dhagax, ayaa maanta na soo gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo hambalyo ah, kaas oo ay ku taageerayaan go’aankii golaha guurtida Somaliland maalintii shalay mudada xil-hayneed ugu kordhiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Baaqa taageerayaasha Xisbiga UDUB ee degmada Axmed Dhagax oo ay ku saxeexnaayeen Gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Degmada Axmed Dhagax iyo ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha garabka dhalinyarada waxa uu u dhignaa sidan:
“Taageerayaasha kala duwan ee Dagmad Axmed dhagax waxay halkan ka taageerayaan go’aankii Golaha guurtida Somaliland shalay ansixiyay ee mudada loogu kordhinayay xukuumada Somaliland, kaas oo ahaa go’aan geesinimo leh, isla markaana dalka gaadhsiinaya doorasho xalaal ah. Waxa kale oo uu go’aankaasi ahaa mid shacbiga ka saaray cabsidii iyo werwerkii hadalada siyaasiyiintu ku abuuray. Hadaba waxaanu maanta soo soo saarnay baaq aanu ku taageerayno mudo kordhin ta ay guurtida u kordhisay Madaxwayne Dahir Riyaale Kaahin iyo Maxwayne ku xigeen kiisa Axmed yuusuf yaasiin.
Dhamaan tageerayaasha xibiga UDUB ee dagmada Axmed dhagax oo kala ah Garab ka dhalinyarada, Garab ka mujahidiinta iyo Garabka haweenka Waxa aan u mahad celinaynaa Golaha guurida jamhuuriyada Somaliland, oo si ixtiraam iyo xushmadle u qaaday cod kii ahaa Haa iyo maya oo ay badatay Haa, isla markana uu ku gulays tay Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeen kiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Waxa aanu leenahay waa mada san tihiin.”
1. Gudoomiyaha dagmad Axmed dhagax Mowliid Kayse Muxumed (Qaro)
2. Iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Qoofal Jamac (Dhuxuuni)
3. Gudoomiyaha garabka dhalinyada Axmed Jamac Cabdi
