March 29, 2009

Xisbiyada Mucaaridka oo ku Kala Qaybsamay Muddo Kordhinta Xukuumada Ee Golaha Guurtidu Ansixiyay.

Hargaysa (Harowo) - Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Kulmiye ayaa si wayn ugu kala qaybsamay ama aad ugu kala aragti fog mudo kordhinta cusub ee golaha guurtidu maalintii shalay mudadii xil hayneed ugu kordhiyay Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayeele Kaahin iyo Madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hadii aynu ku horayno xisbiga UCID waxa arintaa uga hadlay gudoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Waraabe sidoo kale waxa jira warsaxafadeed uu xog-haya xisbigu soo saaray, taas oo marka la eego sida Gudoomiyaha u hadlay iyo warsaxafadeedku aad isugu dhaw yihiin, waxaana dad badani muujiyeen inay tahay wax lagu gar naqsan karo.

Hadaba hadii aynu hoos ugu degno Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay laanta af-somaliga ee idaacada BBC-da waxa uu ku caddeeyay mawqifka xisbigiisa ee ku wajahan muddada golaha guurtidu xilka ugu kordhisay Xukuumada Madaxwayne Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin maalintii Sabtidii, taas oo uu sheegay “in aanu marnaba aqbalayn muddo kordhintaasi dhawrka bilood ah.”

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku andacooday inaan Golaha Guurtidu xaq u lahayn hawsha muddaynta doorashooyinka, isaga oo tilmaamay “in xisbigiisu sugayo 31-ka May oo ah wakhtigii komishanku hore ugu cayimay Xisbigooda iyo Xisbiga UDUB-na saxeexeen, laakiin wixii ka duwan aanay ogolaan doonin.”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu muujiyay sida uu uga xun yahay mawqifka xisbiga kale ee mucaaridka ah (KULMIYE) oo sida hadalkiisa laga dhadhansan karo uu ku tilmaamay “mid wax aanu sharci u lahayn ku doodaya, isla markaana is geeyay kawaanka oo abaalkiisi la kulmay.”

Dhinaca kale xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE, ayaan weli soo saarin mawqifkiisa rasmiga ah ee ku aadan muddada golaha guurtidu mudada xilka ugu kordhiyay Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, in kasta oo uu Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo waraysi siiyay Idaacada BBC-da u ka hadlay aragtidiisa shaqsi wax uu ugu yeedhay, oo uu si wayn uga musanaabay sida wax u dhaceen, isla markaana dawladda ku eedeeyay inay isticmaashay awoodo badan, waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay “inay ku kalsoon yihiin komiishanka”, balse muu sheegin waxa badalay diidmadoodi hore ee komishanka iyo wakhtiga uu qabtay oo mudo laga sugayay aqbalaadiisa xisbigiisa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in muddo kordhinta guurtidu u samaysay Madaxwayne Rayaale iyo ku-xigeenkiisu ay dhawaac ku tahay dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee Somaliland, waxa kale oo uu ka dhawaajiyay arimaha guurtidu u cuskatay mudo kordhinta aanay xiligan jirin, hasa yeeshee marna muu sheegin mawqifkooda kama danbaysta ah iyo sida ay xalka u arkaan.

Axmed Siilaanyo waxa sheegay “in muddo kordhinta golaha guurtidu sameeyeen aanay waafaqsanayn tii komishanka doorashooyinku cayimay, isla markaana guurtidu aanay wax talo ah kala yeelan arrintaa axsaabta qaranka.”

Tan iyo markii mudo kordhintooda ay golaha guurtidu codka ku ansixiyeen waxa Xisbiga KULMIYE u socda shirar is daba jog ah, mana jiraan ilaa wali wax mawqif cad ah oo xisbigu ka soo saaray muddo kordhinta guurtidu u samaysay Madaxwayne Rayaale iyo ku xigeenkiisa, hasa yeeshee waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu xisbigaasi badka soo dhigi doono mawqifkiisa.

Muddo kordhintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay xiliga dawlada dhamaad ku dhaw dahay, waxa hore u jirtay in guurtidu mudo sanad ah ugu dartay xukuumada ka dib markii duruufo la sheegay awgeed doorashadu u suura gali wayday, waxaana xiligaas sadexda xisbi isla qaateen heshiis arintaa ku saabsan, mudo kordhintan guurtida ee imikuna waxay noqonaysaa tii labaad ee xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login