March 29, 2009

Odayaal iyo Waxgarad Kale oo Reer Awdal ah oo Taageeray Go’aankii Guurtida

Boorama (Harowo) - Odayaal iyo madax dhaqmeedo ka soo jeeda G/Awdal ayaa soo gaadhsiiyay wargayska Saxansaxo Baaq Taageero ah oo ku saabsan go’aanka Golaha Guurtida, baaqaas oo u qornaa sidan:
 
“Anaga oo ah Odayada iyo waxgaradka kale ee magacdoodu hoos ku qoran yahay, waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aanka geesinimada leh ee ay soo saareen golaha Guurtidu, waxaanan u aragnaa in uu yahay mid lagaga gudbi karo marxalada dalku maanta marayo, waxaan leenahay golaha guurtidu waa mid aan dheernahay dalal badan oo Aduunka ah, waana golaha marka jahawareero dalku iyagu u taagan badbaadada Nabada iyo Adkaynta dawladnimada.
 
Waxaan leenahay waa in golahaas mus dambeedka u ah Somaliland uu noqdaa mid la sharfo go’aamadiisa, waxaan u soo jeedinaynaa shacabka somaliland ee aan walaalaha nahay ee dalka intiisa kale ku dhaqan in ay is barbar taagaan go’aamada golaha guurtida. Waa in shacabku mar walba heegan u ahaadaa ilaalinta nabadgalyada aan ku caano maalay iyo dhawrista dawladnimadooda, yaan la noqon Darbi cagoweyn darka loo xidhay, Daysan maysee way iska dumisaa.

Doorashooyinka dimuqraadiga ah waa mid aan taageersanahay waxaan soo jeedinaynaa in ay si haboon dalka uga dhacaan, komishanka iyo cidii ku shaqo leh waa in ay u guntadaan sidii ay u dhici lahayd doorashooyinkaasi, cid kasta oo carqaladaysana waan ka soo horjeednaa.
 
1. Oday Barkhad Cumar X. khayre
2. Oday Aaden Hori Curaagte
3. Caaqil Faarax Qalinle
4. Caaqil Maxamuud Siciid Samaale
5. Caaqil Maxamuud Muuse Tukaale
6. Maxamud Xasan Caamir
7. Diiriye Yey Tukaale
8. Xassan Cabdi Caamir
9. Cismaan X.Cabdi Khayre
10. C/raxmaan xassan Daahir
11. Caaqil Cabdi Aare Maxamuud
12, Caateeye Xuseen Geele
13. Ismaaciil Xassan Cilmi
Cali X.Barkhad Cumar

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com

Login