March 29, 2009

Mudo Kordhinta Xukuumada, Maroora Dilaaca Mucaaradka Iyo Dareeenka Dadwaynaha!

Labadii wiig ee ina soo dhaafay, ayaa ahaa kuwa la kowsaday guux iyo gurxan siyaasadeed. Waxa cirka isku shareeray loolanka iyo olalaha loo galay, sidii lookala badsan lahaa codka golaha guurtida. Mucaaradka  iyo xukuumada ayaa labaduba geed gaaban iyo geed dheer ukoray, sidii midba midka kale uu uga heli lahaa codka aqlibiyada ee golaha guurtada. Labada dhinac ayaa labaduba kaambayn culus ugalay siday uga dhaadhicin lahaayeen golaha guurtida rabitaankooda ku waajahan mudo kordhinta. Waxayna ula kulmayeen mudanayaasha ka tirsan guurtida koox koox iyo gooni gooni.

Hadaba waagii baryaaba waaya lee, maalintii shalay ayaa ahayd maalin xiisaheega iyo hadal haynteeda lahayd. Dadku waxay aad uga dhursagayeen jawaabta iya natiijada ka soo bixi doonta golaha guurtada. Taasina waxay keentay in dad badan indhahooda iyo dhagahooduba sxb la noqdaan xarumaha wararka laga helo sida, idaacadaha, wargaysyada, iyo websiteyada . Anigu waxaan ka mid ahaa dadwaynihii faraha badnaa ee website yada kala socday arinta mudo kordhinta, daqiiqad daqiiqadna ufurayay mareegaha wararka .

Goorsheegtu markay ahayd xagayaga 14:00pm, ayaan wardagdaga ka helay mareegta Harowo.com oo kamid ah mareegaha aan sida tooska ah ugu xidhanahay barnaamujadyada ka baxa. Waxaan si habsamiya oo xiisabadani ku jiro u akhirstay warbixintii ku sahabsanayd mudo kordhinta, isla il bidhiqsigiiba waxaan isha dagdag umariyay, qoraalka intiisa hore oo u badnaa araar. Kadib waxay ishudaydu si qumaatiya uqabatay, natiijadii iyo jawaabtii ay golaha guurtidu ka soo saareen mudo kordhinta. Natiijadaas oo ahayd run ahaantii mid dareenkayga soo jiidatay, islamarkaana aan aad ugu riyaaqay.

Marka laga tago dareenkayga, meelaha lagu caweeyo, ee ay soomalidu iskugu timaad magaaladan Oslo, ayaa dadka badnkiisu waxay ka sheekaysanayeen arinta muda kordhinta ee loo kordhiyay xukuumada Somaliland, iyagoo markaasi dareemo iyo jawaabo kala duwan ka bixinaayay.

Isku soo wada duuboo waxa soo dhaweeyay arinkan mudo kordhinta, dadwayna farabadan oo reer Somaliland ah oo ku kala nool dalka iyo dibadiisaba, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Udub. Waxa kale oo soo dhaweeyay arinkan dawyana badan oo reer Somaliland ah oo qurbaha ku dhaqan, oo waqtiga fasaxa ee kulaylaha usoo socda dalkooda hooyo. Iyagoo  warkaasi iskugu bishaaraynaayay midba midka kale, maadama intooda badani ayna jecleen inay isku beegmaan safarkooda waqtiga doorashada, sobaba badan awgeed.

Ugu danbayntii  aniga iyo dadwayna farabadaniba waxaan is waydiinaynaa , lixda bilood ee xukuumada loo kordhiyay maxay dalka ku soo kordhindoontaa.

Wabilaahi tawfiiq

Cabdilaahi Xaaji Saciid  –  Norway

Email: Cubeesh@hotmail.com

Login