March 29, 2009
Dadka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Oo Dareeno Kala Duwan ka Bixiyay Muddo Kordhinta Guurtidu Ee Xukuumada.
Burco (Maalmaha) - Dadweynaha ku dhaqan Gobolka togdheer, gaar ahaan magaalada madaxdiisa Burco, ayaa markii uu soo baxay go’aankii mudo kordhinta Golaha Guurtidu ugu sameeyay Xukuumadda ka bixiyay dareemo kala duwan. Dad badan oo la waraystay ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan, oo taageero iyo diidmo isugu jira. kumanaan dadweynaha siyaasada dalka isha ku haya ka mid ah ayaa Go’aanka ay guurtidu gaadhay si wayn ugu kala qaybsamay, waxaanay aragtiyaha ay kala qabaan ahaayeen qaar aad u kala duwan.
Tusaale ahaan qaar ka mid ah dadka wariyaha Wargeyska Maalmaha ee magaalada Burco wax waydiiyay ayaa caanaan badan dusha uga tuuray Golaha guurtida go’aankoodana ku tilmaamaya mid si lama filaanka ah ay ku ansixiyeen. Waxa kale oo jira dadka qaar Guurtida ku eedaynayaan xil-gudasho la’aan, halka qaar kalana ku tilmaameen in Golaha Guurtidu muujiyeen waayeelnimadii lagu yaqaanay si xilkasnimo lehna ay arinta wajibaadkooda uga guteen.
Waxa kale oo jira dad qaba rayi ka wada duwan kuwaa hore, waxaanay dadkani ku doodayaan in golaha guurtidu dhex fadhiyo fadeexad oo marka la eego murankii dhexdooda iyo sidii ay ahaayeen maalintii dhawayd ay muujinayso in ay iyaga laf-ahaantoodu noqdeen ama isu badaleen siyaasiyiin oo ay ka tageen dhaqankii iyo waayeelnimadii looga bartay, taasi oo keentay in lakala jiito oo xisbiyadu kala jiitaan, taasina ay ceeb iyo xilgudasho la’aan ku tahay Aqalka Duqeyda Somaliland. Halka dadweynaha reer Burco ee la waraystay qaar ka mid ahii si deg deg ah ugu Tiraabayeen in Guurtidu go’aankooda u madaxbanaan yihiin oo dastuurku xaq usiiyey mudo kordhin ay sameeyaan, sababaha ay cuskadeena macquul yihiin.
Magaalada Burco ayaa waxaa baryahan u danbeeyey ka socday olole balaadhan kaasi oo ay xisbiyada siyaasada ee dalku ku looltamayeen, balse wixii ka danbeeyey Go’aankii Guurtida wax dhaqdhaqaaqa oo socdaa ama muuqda lama dareemayo ama maba muuqdo waxaanad moodaysaa inuu dhawaqii siyaasada ee baryahakan ka aloosnaa Burco uu saqiiray lama saadaalin karo sida uu isu badalidoono loolankii iyo xafiiltankii ka dhexeeyey xisbiyada ku hirdamaayey degelka siyaasada ee Gobolka.
Dhanka kale dhawr goor oo aan isu ku dayey bal inaan wax ka waydiiyo labadda xisbi mucaarad Kulmiye iyo UCID aragtidooda ku aa-ddan muddo kordhintan cusub ee ay Guurtidu ansixisay ayaan isuuro galin inaan khadka taleefanka ku helo labada Gudoomiye ee Gobolka Togdheer u qaabilsan labadasi xisbi, iyadoo uu yaraa dhaqdhaqaa xafiisyda xisbiyada qaranku manta intabadan ay xidhnaayeenba.
Geesta kale Gudiga Nabadgelyada ee Gobolka Togdheer, ayaa qoraal ay soo saareen oo ay u gudbiyeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ku sheegay “inaan wax mudaharad ah, aan xisbina ka samayn Karin magaalada, cidii isku daydana laga qaadi doono talaabo sharci ah.”
Majiraan cid ilaahada ka hadashay ama baaqyo ka soo saartay mudo-kordhintan ay sameeyeen Golha Duqeeshida Somaliland.
Cabdifataax Siciid Jaamac - Weriyaha Wargeyska Maalmaha.
Burco, Somaliland
Email: cfataaxilkacase@hotmail.com
