March 27, 2009
Culimada Diinta oo Hargeysa Ku qabtay Kulan Nabada iyo Adkeynteeda lagaga Hadlayo

Hargeysa (Harowo) - Waxaa caawa fiidkii lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa kulan Dood cilmiyeed ah oo lagu naaqishayay Nabad galyada iyo sidii loo adkeyn lahaa iyo waliba doorka Shacbiga iyo Culimaa’udiinku ku yeelanayaan sugitaankeeda.
Kulankan dood cilmiyeedka ah oo ahaa mid maalmihii ina dhaafay dadka ku dhaqan magaaladda si wayn loogu sii war galinayay waxa ka soo qayb galay xubno tira badan oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa iyo dadweyne aad u tira badan.
Culimadii kulankan caawa ee arimaha nabad galyada ka soo qayb gashay ayaa dadkii masaajidka ku sugnaa u jeediyay wacdiyo diiniya oo ka hadlaya faa’iidada nabad galyada iyo waajibaadka dadka muslimiinta ah ka saaran adkaynteeda iyo ka hortageeda ama ka fogaanshaha dhamaan wixii khalkhal galinaya, waxay culimadu tilmaameen sida diinta islaamku nabad galyada u tahay iyo sida aan nabad galyada la’aanteed diinta iyo noloshuba u xumaanayaan.
Culimadii kulankan nabada lagaga hadlayay ka hadashay waxa ay si wayn u iftiimiyeen dhibaatada iyo dunuubta ka dhalata Qabyaalada, cunsuriyada iyo tafaraaruq umada la kala dhex dhigo. Waxyaabaha culimadu liishaanka saareen waxa ka mid ah doorka culimadu ku yeelanayso sugida iyo ilaalinta nabad galyada iyo sida ay uga qayb qaadanayaan marka dhibaato timaado.

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) oo kulankan nabad galyada ka hadlay ayaa ka waramay nabad galyada Somaliland haysato iyo amaanka ay dadku ku nool yihiin taas oo uu sheegay inaan dalal badan oo dunida ah iyo muslimiin kale oo dunida ku nooli aanay la qabin, taas oo sida sheekhu tilmaamay dadka reer Somaliland looga baahan yahay inay Illaahay ugu mahad naqaan si uu ugu siyaadiyo, hadii kalese uu Illaahay ciqaabkiisu adag yahay, sheekhu waxa uu bulshada ugu baaqay inay Illaahay u toobad keenana wadada suuban ee Rasuulkeeni Muxamed (NNKHA) jideeyayna u raacaan sidii la inoo faray.
Waxa kale oo iyaguna kulankaa ka hadlay Sheekh Khaliil Cabdillaahi, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, waxaanay labada sheekhba ku dheeraadeen qabyaalada iyo dhibaatada ay leedahay iyo sida sharciyan ay tahay in loo adeegsado oo dadka Somaliland baal mareen, waxay culimadu ka hadleen walaaltinimada Muuminiinta, isku duubnaantooda iyo sida nabigeenu u adkeeyay uguna dardaarmay, waxay tilmaameen kala taga tafaraaruqa iyo is aaminid la’aantu dhibaatada ay leedahay.
Kulankan dood cilmiyeedka Nabad galyada lagu magacaabay oo ahaa mid si wayn bulshada loogu waaninayay ahmiyada iyo qiimaha nabad galyadu leedahay iyo sida ay waajibka qofkasta oo muslim ah ugu tahay ilaalinteeda iyo adkaynteeda waxa sidoo kale ka qayb galay imaamyada masaajidada qaarkood, culimaa’udiin tira badan, maamulayaasha madaarista iyo macaahida magaalada qaarkood iyo dadweyne aad u tira badan.


Harowo Desk Hargeysa Somaliland

