March 31, 2009
Tacsiyo Kala Duwan oo Ku Socda Reer Cumar Sh. Ibraahim
Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun: Anniga oo ah Mohamed Hassan Matan, kuna hadalaya magaca qoyska REER HASSAN MATAN, waxaan anniga oo ka tiireysan halkani uga dirayaa TACSI qoyska REER CUMAR SH. IBRAAHIM meel kasta oy joogaanba, anniga oo ka tacsiyeynaya Geerida ku timday Hooyadood MUUMINA oo ahayd hooyo mu!mina oo wacan waxaan Ilaahay uga baryeyaa Naxariistii Janno Qoyskeediina Samir iyo Iimaan Eeba ka siiyo.
Xisbiga Kulmiye oo Maanta si Rasmi ah Ugu Gacan Saydhay Go’aankii Mudo Kordhinta ee Golaha Guurtida.
Get Flash to see this player.
GENEVA - (Reuters) - More than 300 African migrants are feared to have drowned after their boats capsized off the coast of Libya, the International Organization for Migration (IOM) said yesterday. At least 23 bodies of drowned migrants were recovered by Libyan coastguards near the wreckage of three rickety boats which sailed from the coastal village of Sidi Belal near Tripoli.
Dadka reer Somaaliland ee digan Wadanka gudihiisa iyo debeduba waxay ka faaloonayaan go’aanka Guurtidu gaadhaay ee ku ssabsan dib u dhigida doorashada madaxweynaha. Xisbiyada mucaardika iyo taageerayaashooduba waxay ku cambaaraynayaan Guurtida go’aanka ay gaadhay iyo sida dimoqraadiga ah ee ay uga doodeen. Arigtida kala duwan ee dadku ay qabaan waa mid la xidhiidha habka Dimoqraadiyada caalimiga ah ee aan dooranay in aan isku xukuno.
Somaliland has had a good start in the democratization process when president Rayaale’s government had successfully implemented three successive elections (municipality, presidential and the legislature council) to the surprise of its critics, but seems to be retreating back from that process ever since his government had failed to start the ball rolling for the election of the second chamber, the Guurti, which was up for grabs about a few years ago.
We know that the genesis of ethnic conflicts and mobilization in Ethiopia sprung from Haile Selassie’s policy of nation-building. Not only did the policy mean centralization and authoritarianism, but also the integration of different ethnic groups through the imposition of the dominant Amhara culture.
Asalaamu Calaykum. Waxaan maanta jeclahay inaan muujiyo sidaan ugu riyaaqay go’aanka golaha guurtida JSL, oo run ahaanti ah kii loo baahnaa maxaa yeelay waxaa ku jira danta qaranka iyo badbaadinta ummada. Mar walba oo dadku yaabo oo is yidhaahdo maanta ayaa Somaliland loo yaabaa Illaahay SWT ayaa badbaadiya.
Tennessee USA, March 29, 2009 - The ARDAA Leadership, Members, Supporters, and friends have welcomed the decision of the Tennessee State in the USA to form ARDAA Chapter in their State. The spokesman for the community said after conference they held in the Tennessee capital has agreed to open branch known as ARDAA Chapter in Tennessee State in the USA.
Hargeysa (Harowo) - Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodi maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka dawladda dhexe iyo dekada Berbera ee sanada 2009 oo dhawaan wasaaradda maaliyadu Golaha soo hordhigtay.
The World Food Program (WFP) imported 375 metric tons of Sorghum to Ethiopia through the Port of Berbera last Thursday, March 26, 2009. The WFP made a cross-border delivery of food commodities to Ethiopia from Berbera Port in Somaliland.
Hargeysa (Harowo) - Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga UDUB ee Degmada Axmed Dhagax, ayaa maanta na soo gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo hambalyo ah, kaas oo ay ku taageerayaan go’aankii golaha guurtida Somaliland maalintii shalay mudada xil-hayneed ugu kordhiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Laas-caanood (Harowo) - Iyadoo maalinimadii shalay ay Golaha Guurtida ee Somaliland ay ansixiyeen muddo kordhinta 6 bilood ee soo socota ee xukuumada hadda talada haysa, ayaa waxaa soo baxaysa hanbalyooyin iyo taageerooyin ay soo dirayaan qaar kamid ah shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Somaliland iyo waliba dibadiisa.
Markahore waxaan salaamayaa, dhamaan bahada saxaafada iyo akhristayaasha sharaftale. Maqaalkii naxliga, munaafuqada, colaad hurinta, buunbuuninta, rajo xumada iyo been abuurka lahaa ee uu soo qoray ninka lagu magabaaco Ibraahim Xasan Gaagaale ma ahayn sida dhabta ah mid ka turjumayay xagqiiqda iyo kaalinta Reer Awdal ay kaga jiraan dalka Somaliland.

Dr. Hawa Abdi wins the Amoud Foundation 2008 Awdal Achievement Award. The award was announced at the foundation’s annual dinner in Irving, Texas, on March 28, 2009.Dr. Hawa was one of the first female Somali gynecologists. In 1983 she founded the Hawa Abdi Community Hospital for Women and Children in Afgoye, Somalia.
Borama (Harowo) - Ururka Wadaniga ah ee TIIGSI oo ka hawlgala G/Awdal ayaa deeq lacageed oo uu ka ururiyay bulshada reer Boorama gudoonsiiyay qoys wiilkoodu ka dhibaataysnaa, Ururka oo Saxaafada u soo gudbiyay Hadal qoraal ah, wuxuu u dhignaa sidan:
March 29, 2009
Dadka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Oo Dareeno Kala Duwan ka Bixiyay Muddo Kordhinta Guurtidu Ee Xukuumada.
Burco (Maalmaha) - Dadweynaha ku dhaqan Gobolka togdheer, gaar ahaan magaalada madaxdiisa Burco, ayaa markii uu soo baxay go’aankii mudo kordhinta Golaha Guurtidu ugu sameeyay Xukuumadda ka bixiyay dareemo kala duwan. Dad badan oo la waraystay ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan, oo taageero iyo diidmo isugu jira. kumanaan dadweynaha siyaasada dalka isha ku haya ka mid ah ayaa Go’aanka ay guurtidu gaadhay si wayn ugu kala qaybsamay, waxaanay aragtiyaha ay kala qabaan ahaayeen qaar aad u kala duwan.
Hargaysa (Harowo) - Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Kulmiye ayaa si wayn ugu kala qaybsamay ama aad ugu kala aragti fog mudo kordhinta cusub ee golaha guurtidu maalintii shalay mudadii xil hayneed ugu kordhiyay Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayeele Kaahin iyo Madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin.
Boorama (Harowo) - Odayaal iyo madax dhaqmeedo ka soo jeeda G/Awdal ayaa soo gaadhsiiyay wargayska Saxansaxo Baaq Taageero ah oo ku saabsan go’aanka Golaha Guurtida, baaqaas oo u qornaa sidan:
Labadii wiig ee ina soo dhaafay, ayaa ahaa kuwa la kowsaday guux iyo gurxan siyaasadeed. Waxa cirka isku shareeray loolanka iyo olalaha loo galay, sidii lookala badsan lahaa codka golaha guurtida. Mucaaradka iyo xukuumada ayaa labaduba geed gaaban iyo geed dheer ukoray, sidii midba midka kale uu uga heli lahaa codka aqlibiyada ee golaha guurtada. Labada dhinac ayaa labaduba kaambayn culus ugalay siday uga dhaadhicin lahaayeen golaha guurtida rabitaankooda ku waajahan mudo kordhinta. Waxayna ula kulmayeen mudanayaasha ka tirsan guurtida koox koox iyo gooni gooni.

Gudoomiyaha uruka Somaliland Reform Party, Muudane Cabdi-Aar Cabdi ayaa hambalyo diiran u diray maamulka iyo shicib weynaha S/land, isaga oo ku hambalyaynaya sida dimuqraadiyada ah ee loogu kordhiyay mudada 6da bilood ah maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale.

