February 28, 2009
Waxa La Gaadhay Wakhtigii Siilaanyo Lagu Oogi Lahaa Danbiile Qaran
Ma iswaydiiseen shacabiyow, halka uu idinku wada ama uu idin gaadhsiiyo Siilaanyo? Waxaad arkaysaan in ninka aan ku qanacsanayn Madaxtinimada Somaliland ee uu ka door bidayo inuu noqdo mid ka mid ah hogaaminayaasha Somalia, isagoo daliil uga dhigaya in aan Somaliland mudada dhow la ictraafi doonin.
Shakigiisa iyo xaalada sumaysan ee ka muuqata wajigiisa waa qaar laga garan karo halka uu ku danbeynayo aayihiisu. Waxaase ila haboon aniga sida mujaahidada kale loo xanaaneeyo kana hadho xifiltanka siyaasadeed ee jariska xoorinimada iyo inuu maskaxdiisa u sheego wada lahaanshaha Jamhuuriyada Somaliland, iyo sinaanta wixii ka soo baxa.
Gudoomiyuhu sida iiga muuqata maha sida uu isagu sheego silaanyo uba diidi mayee shacbigaa kazoo taagan sababtoo ah masanam lacaabudaa
Ahmed waa nin ku caano maalay ama ku caan baxay sida, marka dogob la bakhtiiyaba uu iftiimiyo mid kale maanta ilaa maalintii uu Geeriyooday Marxuumkii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, ayaad moodaa in Siilaanyo kursiga hore ugu soo fadhiistay, ka badan oo ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland wuxuu iigu suntayahay danbiile Qaran.
Waxaanan leenahay Xukumada Somaliland waa in lagu soo oogaa danbiyada Dagaal ee uu sida tooska uga qeybgalyo xeer ilaalinta guudna maaha inay u aragto shaqsi ka wayn sida aanu ognahay sharci cidna kama wayna, waana wax aan laga noqon karin ilaa inta siilaanyo la soo taagayo maxkamad qaran. Xukumada oo uu hogaamiyo Riyaale, waxaa kuu muuqda intii taagtaada ahayd dadaalayso oo cid aanay ku xidhayn, sidii ay hormar u gaadhsiin lahayd dalkeeda balse talaabo hadii uu qaado waxa loo dhigayaa dabin aan kaa soo waaqsanayn.
ku xumaynta daaahir iyo xukumadiisu waa ta sababta in marba qabiilo walaala ah la iska horkeeno, iyadoo looga faa’idaysanayo sidii aan xukumadani u samaynba lahayn waxa hormar ah ayaan darada ku habsatay Somaliland ayaa waxay tahay mid saamaysay dhamaan wadamada Geeska Africa, kuwaas oo siyaasiyiintooda ilahay Siilaanyoo miidhan ka wada dhigay, goorta ayse shacabigu ogaanayaan ayaa ah goor afka goosteen, oo meel laga noqdaa jirin ,saaxibadaydii
Waxaa kale oo jirta ama muuqata in Siilaanyo ka fogeynayo dhibaatada reerka uu ka dhashay, isla markaana uu holac galinayo Beelaha Galbeedka Somaliland, isagoo, isaga iyo hogaanka xisbigiisu hadhsanayaan geed hadh caad oo ilmo ka da’ayso, kuna tusi karta cadaawada xoogan ee siilaanyo u hayo dadka reer Somaliland, marka laga reebo qabiilka uu ka soo jeedo, kuwaas oo maanta iyagu sii diyaarsaday ama qeybsadayba badiba kuraasta masuuliyadeed ee madaxda qaranka.mar hadii aan saleeban gaal wado kuriday .oo siyaasi a aniga ahaynin waxba kaqaban Karin danta reerka
Si kastaba wax hoowdheceene, rajada iyo ifafaalaha muuqda ayaa hadan itaa kudhaafo maqaalka qaybtiisa hore aanbal udaadago qaybta labaad ee qoraalkan ugu horayn madax waynaha iyo kuxigeenka looma siin hadyad iyo meher toona.
Waa arin qaldan imasuulka loo taxaabo laakiin hadii waaa layidhi cagtii joogsan waydaa marbay ceeb lakulantaa diid ama hadiidina daahir waamadaxwayne axmedna waa kuxigeenkiisa siilanyo ee hadaba yaa og mustaqbalkiisa madmadawga badaniyo shakigu hadheeyey
Qalinkii C/raxmaan Maxamed (Guun)
