February 28, 2009
Maleeshiyo Beeleedyo Ka Soo kala Jeeda Deg. Baki Iyo Gebiley Oo Ka Badbaaday Dagaal La Filayey Inuu Ku Dhex Maro.
Wararkan oo ah kuwii ugu dambeeyey ee jiidaasi naga soo gaadha, ayaa sidoo kale waxay beeninayaan weerara la sheegay in maleesiyo beeleed hubaysan oo kasoo jeeda degaanka Gebilay ay weerar kusoo qaadeen tuuladaasi, ka dibna ay qabsadeen, iyadoo aanu dagaal khasaare keenay ka dhicin halkaasi.
Dhinaca Kale wararka ka imanaya degaanbkaasi ee aan xogtooda la hayn, ayaa shjeegeya in iskudaygan lagu kala durkiyey maleesiyo beeleedyo ka soo kala jeeda beelaha reer Dalal (Jibriil Abokor) ee dhinaca Gebilay iyo Reer Maxamed (Smaroon) oo kasoo jeeda dhinaca Baki wadajir u go’aansadeen in aanu dagaalka jiidahaasi beryahan lagasoo sheegeyaayi kusii fidin degaanadooda, sidaa darteedna ay labada dhinacba ka shaqeeyaan amniga iyo ku wada noolaashaha degankaasi, dhiig dambena uga daadan.
Sida ay sheegeyaan wararkaasi, waxa kala dareerinta maleesiyo beeleedyadan ka hawlgalay siyaasiyiin iyo waxgarad labada dhinac kasoo jeeda, kuwaasoo sida la sheegeyo aragti isku mid ah ka yeeshay ujeedada ka dambaysa dagaaladan iyo cidda wakhtigan ku hawllan iska horkeenka beelaha dhulkaa wada deggen ee isku isirka, abtiga iyo xididkaba ah.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, JSL
Email: moshimu002@yahoo.com
