February 28, 2009

Maayarka Boorama Iyo Urrurka Arna Oo Markii Ugu Horeysay Isugu Yimid Xalfalad Loogu Mahad Celinayey Haween Qurba-jooga Ah Oo Lacag Soo Gaadhsiiyey Arna

Xafladan oo ay ksoo qaybgaleen Maayarka Magaalada Boorama, C/raxmaan Shide Bile, Guddoomiyaha ururka jidadka Boorama ARNA, C/qaadir Aadan Nuur, Guddiga ganacsatada ah ee ku lug leh dhismaha jidadka  Boorama, xildhibeenada golaha degaanka Boorama, madaxda ururada bulshada qaarkood iyo martisharaf kale, ayaa waxa munasabaddan ka hadlay maayarka Boorama C/raxmaan shide bile isagoo maayarku ku hadlaya magaca bulshada Boorama iyo kan dawladdaba ayuu mahadcelin u jeediyey saddex gabdhood oo ka mid ah qurbajoogga reer Awdal ee carriga Ingriiska, kuwaasoo lacag qaadhaan ah oo gaadhysa ilaa 10,030 USD soo gaadhsiisyey ururka Arna ee qaabislan hagaajinta jidadka Boorama.
 
Gabdhahan oo la kala yidhaa Nasiya Jaamac Aye (uurdoox), Hodan Cisman Qaadi iyo Sucaad Sh. Muuse Jaamac.

Guddooiyaha ururka ARNA  C/qaadir Aadaan Nuur, oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sidoo kale uga mahadceliyey gabdhahaasi qaadhaanka wax ku oolka ah ee ay soo gaadhsiiyeen, taasoo tusaale u ah sidii aanu ururkaasi weli uga hadhin samaynta jidadka Boorama iyo Dila, sidaa darteedna cid kastoo ka qayb qaadata qaadhaankiisa ay mahad ballaadhan u jedinayaan.

arna-21
Muumin Jaamac Samaale kuna hadlayey magaca ganacsatada Boorama ayaa sidooa kale gabdhahaasi ku ammaanay sida  ay uga jawaabeen  codsiyadooduii qaadhaan ururinta ,waana ilaahay mahaddii ayuu haddii ay gabdhaheennii kasoo horreeyeen wiilasheennii qurbaha ,sidaa darteedna ilaahy jasaai ka siiyo.

Maxamud Nuur Faahiye, kana mid masuulyiinta shirkadaha Boorama, ayaa sidoo kale u rajeeyey gabdhahaasi ka qaybqaatay horumarinta dhulkkooda in Ilaahay jasaa’i iyo xasaanaad ka siiyo.
 
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka tuirsan ildhibeenada Golaha degaanka Boorama iyo martisharaf kale, kuwaas oo dhammaatood iska dabamaray amaan iyo mahadcelin ay u jeedinayeen gabdhahaasi lacagta usoo diray horumarinta jidadka Boorama.
 
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeeyey ee si wadajir ah ay ugasoo qaybgalaan Maamulka G/degaanka Boorama iyo masuulyiinta ARNA, kuwaasoo in muddo ahba ku kala aragti duwanaa qaabka loo horumarinayo jidadka gobolka, gaar ahaanna Boorama, iyagoo kulankoodan iskula meeldhigay inay wadajir u bilaabaan dhammaystirka jidka laamiga ah ee magaalada dhexdeeda, kaasoo qayb ka mid ah uu sameeyey maamulka G/degaanka Boorama.

arna-1

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: moshimu002@yahoo.com

Pages: 1 2
Login