February 28, 2009

Dheego Oo Qiimee Falanqaynta Wakhtiyadii Ay Ugu Adkeyd Mdaxweynaha JSL & Gudoomiyaha Kulmiye Mr. Siilaanyo!

Barnaamijkan waxa uuka turjumaa sida lagu yaqaano marxaladihii dadka iyo dalkuba uu soo maray kuwa manta la marayo iyo kuwa la higsanayo, waxay sanadkii cusbaa kula yeelatey weriyahu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin oo lagu weydiiyay.

Sidoo kale wakhtigii ay ugu adkeyd intii uu caqliyaystey laga bilaabo noloshiisa, waxan idinkusoo gudbinanynaa isbartbardhiga Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,halkan wakhtiyadii ay kala tilmaameen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Rayaale iyo Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Mr. Siilaanyo.

Jidka Rejedda Moha Farah Jire-Suaal;Mudane Madaxweyne Fadlan noo sheeg wakhtigii ay kuugu adkeyd noloshaada intii aad garaadsatey?
 
1. Runtii waa su’aal balaadhan , wakhtiyada adagina wey badnaayeen, Markii anigoo ku sugan gobolka togdheer oo beelo dhexdhexaadin ergadeed uu Marxumkii Madaxweyne cigaal ii xilsaarey ku howlan uu Soomaaliya ka soo galay togdheer Marxuun Abdirahman Tuur oo odayaal badan abaabulay nidaamkii Federalka si uu ugu guulaysto!. Horta maalin adag bey ahayd oo hadana xal siyaasadeed iyo qunyar socodnimo aan kaga soo baxay xilkii cuslaa ee I horyaalay.
 
2. Maalintii ay golahii Baarlamaanka oo Udub u badnaa ay igaga xanaaqeen in aan doorasho \Baarlamaan oo xor ah la hirgalinin ee aan go ‘aan kaasi ku adkaystey si nidaamka Dimoqraadiyadeed ee Somaliland aan u meel mariyo ugana midho dhaliyo rejadii ay Somaliland ka qabtey in ay beesha caalamka kursigeeda la qaybsato, runtii maalin adag bey ahayd oon kala doortey hanaqaadida dimoqraadiyada iyo waayida taageerayaashii xisbiga.
 
3. Maalintii madoobeyd ee Somaliland 29 ki march ee Argagaxisadu soo weerartey Somaliland ee ilaa iyo qasrigii madaxtooyada la igu soo weerarayna maalin adagbey ahayd. Maalmuhu wey badnaayeen laakiin intaasi ayaan ka xusi karaa imika ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka jawaabey su’aashii weriyuhu ay weydiisey.
 
Ay nu jaleecno oo akhrisano Jawaabtii gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo jawaabihii su’aashaasi:

Runtii waa su’aal aad u balaadhan, maalina maalin ayay ka darneyd oo ka adkeyd. Maalintii Schoolka la I qoray waxay ahayd maalin Adag. Maalin aan miyi kazoo lugeeyey oo aan is idhi hal kaadideed cab haraad daraadii waxay ahayd maalin kale oo aan islahaa wakhtigaasi manta uun bey kuugu adagtahay!

Wakhtigii halganka aan ku jirnay ee aan Maqlay Somaliya iyo Ethiopia wey heshiisayna waxay ahayd wakhti aad u adag ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo.

Pages: 1 2
Login