February 28, 2009

Baaq Nabadeed Oo ka Socda Jahliyadda S/land ee Edmonton Alberta, Canada.

 
dhexyaal.Waxaana taasi kuu muujinaya nabadda iyo wadaloonasha iyo degaanaanta lagu soo caano maalay muddada 17ka sano oo aanay deero deero hirdiyin.lagasoo bilaabo heshiiskii Octoober 1993.oo waayeelka iyo waxgaradka Golwaraabe ay qalinka ku duugeen iyadoo Xukuumad iyo shacbiga walaaha ee reer S/land ay garab istaageen oo lagu dhameystiray khilaafkii soo kala dhex beelaha is dhaly wakhtigii xukuumadii Siyaad bare.

Khilaafkaas oo sababiyey in kumaanaan abti iyo ilma abti iyo habrowaada ah oo qoys ka soo wada jeedaa markii uhoreysay tariikhda jiritaankooda ay ku dhinteen gacantooda. Haddaba, iyadoo masiibadaas ku habsatay beelaha Golwaraabe waayo aragnimadii laga dhaxlay laga faaiideysano iyo dhibtii ay baday oo guri walba laga agoomay.Ayaa waxgaradkii beelahaas iyagoo kaashanaya xukuumadii Madaxweyne Cigaal oo bilo yar uun talada heysay bishii Octoober 1993 ayaa lasoo afjaray khilaafkaas.

Waxa uu madaxweyne Cigaaal  mudnaanta hore siiyey culeys gaar ah saaray  sidii uu nabad waraata uga aslaaxin lahaa degaankaaas.Waxa uu Cigaal isagoo ahaa ruug cadaa siyaasadda ku raagay taariikhda degaankaas aad uyaqaan ayuu gartay ahmiyadda dhinaca amniga ee jiritaanka S/Land in nabadeynta mandaqadani ay halbowle utahay. Taasoo dhacday ka dib markii shirar badan oo isdaba joog lagu qabtay Boorama, Dilla, Gabilay iyo Wajaale oo weliba xukuumadii Etoobiya gaar ahaan Taliyihii  ciidankooda ee gobolka shanaad uu ka soo qeyb galay shirkii Wajaale.

Tasoo loola jeeday in beesha oo qaarkood xududda ka tallabsanyihiin isla heshiiskani uu ka dhaqangalo o anu ku koobnaan uun dhinaca S/land.Waxa intaa raacay oo lagu guuleystay in maleeshiyo beeleedkii oo kala fadhiyey Gabiley ilaa iyo Lowycado hubka laga dhigo iyadoo aynaan laheyn Cudud milatari iyo mid boolis.

Lakiin la isticmaalay Arin iyo odhaah wanaagsan ilaaheyna iyo umaduna ay aqbashay. Waxa haddaba nasiib daro inagoo tarrikhdaas an kor ku xusay usoo maray nabadda qiimahaas leh ee lagu soo caano maalay inay maanta si dhib yar ay faraha uga baxdo. Waxa haboon inan isweydiino inagoo maanta miyi iyo magaalo meel waliba inoo camirantahay oo higsaneyna meel sare.oo geeska Afrika
marka la eego la inagu tilmaamo Haradii nabadda (Oasis of peace &Tranquility). In aan markaliya ku kacno arin guracan oo jiritaankeenna iyo amnigeenna lid ku ah.

Dabcan ma waalin eh waxay arintu tahay in  cadowgeenu soo maleegay dhibtan qaar inaga mid ahna la adeegsaday.Hadeynu markaa wixii dhacay dhece eh aan arki kari weyno waxa aan waayeyno iyo khasaaraha ka badan ee inagu soo fool leh shacbi iyo xukumadba.Markaa cadawgeenii aynu jilbaha udhignay todoba iyo toban sano ka hor e waayey meel uu inaga soo galo. Maanta intaas dhacday guul bay utahay inagana guuldaro ayey ino tahay. Ugu dambeystii waxan xukuumadda S/land ku dhiiri gelineynaa inay qaado Talaabooyinka;

1- Inay isticmaasho cudeeda milatari oo ay xasiliso amaanka degaanakan.

2- Inay hubka ka dhigto kuwa sheegtay maleeshiyada is horfadhida labada dhinacba

3- In gacanta lagu dhigo shakhsiyaadka cadwga u adeegaya ee geystay dhibkan.

4- In  baadhis iyo dabagal dheer lagu sameeyo cidda arinkan ka dambeysa maxkamadna la horkeeno.

5- In la abaabulo shirar nabadeyn ah oola isku keeno Waxgaradka beelaha Gol-waraabe

6- Inay xukuumaddu adeegsato waxgaradka S/land sida golayaasha qaranka,Axaabta qaranka iyo AKademiyadda nabadda S/land.

Ugu dambeyntii waxan fareynaa waxgaradka iyo aqoonyahanka beelaha Gol-waraabe inay xukumadda S/Land iyo Golayaasha ay la shaqeeyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan amaankooda iyo xasilinta degaankooda oo ay markale taariikh lagu caano maalo sameeyaan sidii hore udhacday.Waxan sida uleenahay halka ilaahay idinku abuuray waa halka silsiladda Tareenka Amaanka iyo jiritaanka S/land ay ka xidhanto.

Waayo waa barta labada belood ee S/land asaaska ua ah ay ku kulmaan(Isaaq iyo Gadbuursi).waa barta cadowgu beegsado si silsiladda tareenka S/land loo kala furo.Waa barta hadii habeen keliya  xasilooni la,aani ka dhacdo xiriirku caasimadda iyo Awdal ay kala g,oaan sidii dhacday maalintii dhaweyd. Waa barta muujisa  degaanshaheenna iyo wadajirkeenna ee lagu cabiro xumaan iyo samaan kolba xaladeennu halkay mareyso. Markaa wax walba waa inaad u hurtaan reer Gol-waraabow si aan guuldaro S/land iyo ubadkeenaba uga ilaalino. 

Murtida Baaqa: Golwaraabe guusheedu waa geedka nabadda oo lagu kala saaro danaysiga gurracan ee cadowga iyo danta dadka Ab iyo Abtiga ah”.

Waxaa baaqan soo qoray xubnaha hoos ku qoran:

1- Baashe Elmi Farah (Gudoomiyaha Ururka S/land Alberta)
2- Mohamed dirane (G/xigeenka Ururka S/land)
3- Ahmed Miigane
4- Ahmed Garaad
5- SH Mustafe Abdi Nur
6- Ibrahim Kaahin
7- Mohamed  Ali Ibrahim(mohamed ali)
8- Abdi  .H. Ahmed (abdi Guray)
9- Mohamed dhegjar
10- Hassan Riirash
11- Ali  sh Omer
12- Omer Ismail Sheekh
13- Abdi nuur Abdilaahi
14- Shiine Qaaruun
15- Mohamed Ismail (Sanweyne)

Guul iyo gobanimo S/land

Mohamed Dirane - Edmonton Alberta

Pages: 1 2
Login