February 27, 2009
Baaq Nabadeed Ka Soo Baxay Odayaasha Somaliland ee Minnesota, USA
Baaq Nabeed oo Ku Wajahan Colaada Ka Oogan Degaamada Awdal Iyo Gebiley

Anaga oo ku hadlayna magaca odayaasha, aqoonyahanada, culimo-awdiinka iyo wax garadka kasoo kala jeeda gobolada Gabiley iyo Awdal ee dalka S/land, kuna dhaqan gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxa aanu ku baaqaynaa joojinta colaadaha ka aloosan xuduudaha u dhexeeya labada gobol ee Awdal iyo Gabilay.
Waxa aanu ku boorinaynaa dhamaanba dadweynaha nabadda jecel in ay si hagrasho la’aan ah uga shaqeeyaan deminta iyo joojinta colaadaha macno la’aanta ah ee laga hurinayo dadka walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xidhiidhka dhaqan iyo dhiig-ba. Waxa aanu ka xunahay in ay gacmo shisheeye amaba dad aan degaankan waxba ka gelini hurinayaan dabka ay ku gubanayaan walaalaheena sida qaldan wax loogu sheegayo.
Marnaba suurto gal ma aha in arrimaha taagan lagu dhameeyo colaad iyo wiilal la laayaa. Xalku waxa uu ku jiraa is hor fadhiisi iyo xisaabtan walaaltinimo.
Waxa aanu si gaar ah uga codsanaynaa maamulka ama xukuumadda Somaliland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrimahan colaadeed, isla markaana aanay cid kale ku eegin shaqsiyaadka iyo kooxaha danaha kale ka leh ee dabkan hurinaya, ayna si degdeg ah talaabo sharci ah ula tiigsato.
Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaanba qurbo-jooga kasoo kala jeeda labada gobol ee Gabiley iyo Awdal in ay ka geystaan taageero hiil iyo hooba leh siddii loo demin lahaa colaadahan sida macno darada ah loogu daadinaya dhiigga dadka walaalaha ah.
Ugu danbayn waxa aanu si adag u dhaleecaynaynaa dhamaanba shaqsiyaadka iyo kooxaha (shisheeye) ee danaha gaarka ah ka leh ee sida axmaq-nimada ah u hurinaya dabkan. Waxa aanu ka codsanaynaa in ay si degdeg ah faraha ugala baxaan joojiyaana dhamaanba kaalmada dhaqaale, ciidan iyo hubba ee ay u kala dirayaan dadkan walaalahaha ah ee la isku dirayo.
Waxa soo diray baaqan nabadeed anaga oo kala ah:
1. Prof. Ibrahin Mohamed Aye
2. Mah Sheel Isaac
3. Osman Idiris Ali
4. Sh. Sacad Muuse Rooble (Qudbi-samaan)
5. Abdirahman Ahmed Egeh (C/raxmaan dheere)
6. Yuusuf Budle
7. Maxamed Alabari
8. Ing. Abdirahman Sh. Ismail Sh. Hassan
9. Mohamed Shirimiri Me’ad
10. Ismail Nouh Barkhadle
11. Abdirahman Haji Abshir
Allaa mahadleh
Somaliland Ha Noolaato.
