January 31, 2009

Mucaaridka Somaliland iyo Mareegaha Wararka Qaarkood oo ka Midaysan Inay Muran iyo khilaaf Galiyaan Ergooyinka UDUB ee Shirweynaha 2aad ee Xisbiga

Mucaaridka Somaliland iyo qaar ka mid ah mareegaha wararka ayaa u midoobay inay muran iyo khilaaf galiyaan ergooyinka isugu yimi magaalada hargeysa ee ka qayb galaya shirweynaha 2aad ee UDUB iyaga oo ku soo tuura ama soo galiya mareegahooda maqaalo been abuur ah oo magac dil Xisbiga UDUB iyo Maamulkiisa ay uga jeedaan.

Maqaaladaas been abuurka ah waxaa ugu dambeeyey mid ay soo diyaariyeen oo lagu soo daabacay meereegta la magac baxday Somaliland today,  oo aan ka akhriyey Hadhwanaagnews.Maqaalkani wuxuu Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga UDUB ku eedaynayaa  inay si khaldan u maamuleen Ergooyinka UDUB UK uga qayb galaya shirweynaha 2aad ee xisbiga.

Eedayntan oo aanay waxba ka jirin kuna salaysan mala-awaal waxa UDUB UK u aragtaa inay yihiin dacaayado rakhiis ah oo ay ka dambeeyaan. xubno ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye oo dano gaar ah leh iyo Mareegaha wararka qaarkood oo ay ku midoobeen inay bilaabaan olole lagu xumaynayo si kasta oo suurto gal sumcadda xisbiga UDUB iyo hogaankiisaba.

Xubnahan tirade yar ee mucaaridka ah ayaa beryahan danbe Mareegaha Wararka kusoo miidaamiya maqaallo iyo warar aan run ahayn oo loogu talo galay in lagu majarahabaabiyo ra’yal caamka iyo in layskaga horkeeno Xisbiga Ummaddaha Dimoqraadiyadda U Bahoobay(UDUB).
 
Wararkan iyo qoraalada noocan ah ee aan loo meel dayahayn waxaa loogu talo galay in mudada shirweynaha Xisbiga UDUB socda lagu khalkhal galiyo laguna keeno jaha wareer, muran iyo khilaakh.

Xubnahan Mucaaridka ah iyo Mareegaha loo adeegsanayo ololahan dacaayadahan jaban waxay ku balameen been abuur inay ka sameeyaan Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Masuuliyiinta sar sare ee xisbiga UDUB. Masulliyiinta maqaalka lagu soo daabacay hadhwanaagnews uu sumcaddooda iyo sharaftooda  in wax la yeelo loogu talo galay waxaa ka mid ah: Mudane Cabdi Xasan Buuni, Xildhibaan Cabdiraxmaan aw Xoog iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta mudane Axmed Xaashi. Saddexdan xubnood  oo ka mid ah ragga Xisbiga UDUB ku faano, waxay markasta oo ay Ingiriiska  oo ah Rugtoodii 2aad ay yimaadaan ay sida waajibku yahay kulamo isugu jira xogwaran wada tashi iyo wacyi galin la yeesha Walaalahooda UDUB UK.
 
Kulanka iyo wada shaqaynta Xubnaha Xisbiga UDUB UK, Xubnaha Dawladda  iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee booqashada ku yimaadda Ingiriisku ayaa waxa la odhan karaa waa dhaqan u gaar ah UDUB oo marwalba sii adkeeya dhidibada Xisbiga UDUB waana arrimaha loogu talo galay ololahan ay wadaan mucaaridka iyo Mareegaha wararka ee ay la heshiiyeen.
.
Ciddii akhrisatay maqaalka aan ka jawaabayo ee lagu soo daabacay Mareegta la magac baxday Soomaaliland today  oo ka mid kuwa caanka ku ah wararka mala-awaalka ah  waxaa Qorayaasheeda dhegta kaga soo duulay ayaan filayaa Mudane Cabdi Xasan Buuni iyo Ragaa kale iyo xubno UDUB UK ah ayaa London ku kulmay.

Haddii aan ka yara waramo kulankani wuxuu ahaa mid UDUB UK leedahay oo lagu  martiqaaday Mudanayaasha Cabdi Xasan Buuni, Cabdiraxman aw xoog iyo Axmed Xaashi maadaama ay London yimaadeen kaas oo laysku xog waraysanayey lagagan wada hadlayey arrimaha UDUB iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka soo socda.

Kulanka Xubnaha UDUB UK iyo Mudanayaashu wuxuu dhacay muddo dheer ka hor intaan lagu dhawaaqin gudiga qaban qaabada, ee aan la qorshayn lana qaybin ergooyinka shirweynaha 2aad ee UDUB sidaa darteed waa qalad marjuuc aanay qiil u haysan haddii lagu qabsado Mareegtan iska qaadatay magaca aanay u qalmin ee Somaliland today.

Hadaba Caqliga saliimka ah ayaa diidaya , mana jirto wax sabab ah oo Madaxweynaha JSL ku kalifaya inuu Mudanayaasha  kor ku xusan ku amro inay soo xulaan ergooyin UDUB UK uga qayb galaya Shirweynaha 2aad ee UDUB ka hor inta aan laguba dhawaaqin gudiga qaban qaabada iyo inuu baal maro Madaxda iyo Masuuliyiinta UDUB UK.

Xisbiga UDUB UK wuxuu leeyahay sida ay iyaguba qireen Guddi fulineed iyo Gudoomiye kuwaas oo u xilsaaran hawlaha UDUB UK oo ay ka mid tahay xulitaanka Ergooyinka xisbiga UDUB UK uga qayb galaya shirweynaha 2aad.

Waxa kale oo arrin laga xishoodo iyo xaalad abuur beelaha dhexdooda  ah iyo in layska horkeeno Ergooyinka shirka Xisbiga UDUB noqonaysa beenta ku saabsan in Maamulka iyo hogaanka xisbiga UDUB uu ku kacay dir sooc iyo in xubno gaar ah si beelnimo ah looga tagay.

Ugu damabayntii waxaa haboon in hoosta laga xariiqo in Xisbiga talada haya ee UDUB iyo Xubnaha hogaamiyaaba ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah ee Xubnaha UDUB,. Suurto galna maaha in xukuumadda iyo xisbiga talada hayaa ee UDUB xayiraad ku soo rogaan xubno gaar ah sida ay Mareegtan lagu soo daabacay.

Axmed Naasir Xirsi Maxamed  -  Gudoomiyaha UDUB UK

Email: ahmedlibaah@hotmail.com

Login