January 31, 2009
Madaxweyne Rayaale oo Maanta Istiqaalad ka Aqbalay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Aadan Maxamed Diiriye
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta istiqaalad ka aqbalay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Aadan Maxamed Diiriye oo Maanta istiqaalad u gudbiyay Madaxweynaha.
Madaxweynuhu, waxa uu aqbalaada istiqaalada ku yidhi “Waan helay istiqaaladaadii Summadeedu ahayd WHG/WD/MWJ/29/08 ee 31-01-2009, waanan fahmay nuxurkii ay xambaarsanayd.
Aad iyo aad baanan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynay, waxaanan kula socodsiinayaa in aan kaa aqbalay codsigaagii shaqo ka tagista ahaa, waanad ku mahad san tahay”.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge - Afhayeenka Madaxtooyada JSL
