January 31, 2009
Dirawal oo ay Is-sharaxaadiisu ka Danbeeyo Gudoomiyaha Kulmiye, Si uu u Carqaladeeyo Shirweynaha Udub
Wararka ku dhow dhow Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegaya in Cabdilaahi Dirwal is sharaxaadiisa uu ka danbeeyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE isagoo u adeegsanaya magaca UDUB-NIMO ee uu sheeganayo Cabdillaahi DIrwal.
Is sharaxaada Cabdillaahi DIrwal, ayaa sida la sheegay ujeedadiisu tahay in uu ku carqaladeeyo Shirweynaha Xisbiga UDUB, Isaga oo weliba og in uu Cabdillaahi ka soo hoynayn Xisbiga UDUB dhexdiisa wax la taaban karo, iyadoo sida la xaqiijinayo la ogyahay in aanu ku jirin XIsbiga UDUB Cabdillaahi Dirawal oo wakhtigii Marxuum Cigaal ee Shirka la qabanayay uu ka baxay.
Waxa ay isweydiintu tahay ninkan haddii uu jecel yahay KULMIYE miyuu aayar uun ku biro, isaga oo ku tashaday sida la ogyahay in marka Shirka UDUB dhamaado , isna waxba ka waayo xisbiga dhexdiisa uu toos ugu biiri doono Xisbiga KULMIYE, isla markaana loo adeegsanayo xajiimaynta Xisbiga hogaaminta iyo Waxqabadka mudan ee UDUB.
Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa “Nin daad qaaday Xumbo Cuskay”. Xisbiga KULMIYE marka uu arkay heerka aadka u hooseeya ee uu marayo marka la bar bar dhigo xisbiga UDUB , waxa uu door mooday in uu adeegsado dadka ay ka mid ka yihiin Cabdillaahi Dirawal oo kale oo ku tallo galay in uu carqaladayn iyo fawdad ku abuuro shirweynaha Xisbiga UDUB, waxana aanu shacbiga u sheegayaa in ay fahmaan si fiicana u dareemaan ololahaasi Cabdillaahi Dirawal ujeedada ka danbaysa.
Waxa aan leeyahay shacbiga Somaliland guddo iyo dibadba oo aan u xaqiijinayaa in ay tallaabooyinka noocaasi oo kale ahi aanay wax alle iyo wax saamayn ah ku yeelanaynin shirweynaha xisbiga UDUB oo si fiican abaabulkiisa uu hadda u socdo lana filayo in uu si wanaagsan oo nabad gelyo ah u qabsoomo.
