January 31, 2009
Barkhad Cumar Xaaji Khayre oo Hambalyo u Dirayaa M/weynaha Jabuuti
Aniga oo ah Oday Barkhad Cumar X.Khayre ahna muwaadin reer Somaliland oo degen Boorama, waxaan hambalyo u dirayaa Xidiga Geeska Afrika M/weynaha Jamhuriyada Jabuuti, waxaanan ugu hambalyaynayaa sida weyn ee uu iskaga xilsaaray dhismaha Dawladnimo ee Soomaaliya, Shirka ka socda jabuutina ha noqdo mid dadkaas soomaliyeed ee colaadu saamaysay u noqda maslaxad iyo nolol cusub.
M/weynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxaan u soo jeedinayaa in dadaalka uu wado uu ku daro, sidii uu Somalilandna Ictiraaf ugu raadin lahaa, mudooyinkan dambana labada wadan waxay wadaan iskaashi dheeraada iyo is faham heer sare ah, waxaan u aragnaa in dedaalada M/weynaha Jabuuti ka turjumayaan Abaalkii umada Soomaliyeed u galeen xornimadii Jabuuti, taas oo uu maanta rabo M/weyne Geele in uu abaalkii u gudo walaalihiisa Soomaaliyeed, mandaqada aan ku naal ee Geeska Afrika waxay ku waarayaan hadii sida Ismaaciil loo fikiro Amaan, Iskaashi iyo Horumar.
Somalilandna waa iftiin soo baxay oo ay indhaha caalamku qabteen sida ay wax u qabsadeena waa mid u baahan in laga taageero.
Oday Barkhad Cumar Xaaji Khayre
Boorama
