January 30, 2009

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo Diidan in Sever-ka Diiwaan-galintu Baadho Cidii 2 Jeer is Diiwaan-galisay

Hargaysa (Qarannews) -Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ee Kulmiye iyo UCID, ayaa heshiis qarsoodi ah ku gaadhay in la dar dar galiyo hawlaha diwaan galinta isla markaasna aan la baadhin ama dib loo eegin cidii is diwaan galisay laba jeer iyo wax ka badanba.

Arintani oo markii hore ku koobnayd xisbiga Kulmiye, oo uu baryahnba gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ugu jiray olole balaadhan sidii aan dadkii labada jeer is diwaan galiyay loo baadhi lahayn, oo xitaa arintaasi u tagay dalka Kiiniya, kalana hadlay ururka midowga Yurub oo diwaan galintan maal galisay, ayaa ku soo guul daraystay in uu arintaasi taageero uga soo helo hay’adihii maal galiyay diwaan galinta Somaliland, iyada oo markii danbe shuruud lagag soo dhigay in ay arintaasi ka timaado 3 xisbi qaran ee ka jira Somaliland iyo xukumada.

Taasi oo hada la odhan karo xibiga Kulmiye waxa ay ku guulaysteen talaabadii ugu horaysay iyaga oo gacanta ku dhigay xisbiga UCID, oo uu arintani si buuxda u taageeray gudoomiyaha xisbigaasi mudane Faysal Cali Waraabe, waloo ayna jirin war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhan ee Kulmiye iyo UCID, hadana xubno ku dhaw dhawi waxa ay xaqiijiyeen in arintaasi in aan la baadhin oo aan Sever-ka la saarin waxii is diwaan galiyay laba jeer ay hada ka midaysanyihiin labdaasi xisbi.

Xaga kalena xukumada iyo xisbiga UDUB, ayaa arintaasi musq maasuqa ah diidan oo gabi ahaanba ka soo hor jeeda, sidoo kale warsaxaafdeed ay shalay soo saareen gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa carabka ku dhuftay in xisbiyada mucaaridka lagu qanciyo in ay taageeraan in baadhitaankii la galo lagu soo saaraayay inta qof ee labada jeer is diwaan galisay.

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa laga sugayaa labadaas xisbi waxa ay qarsanayaan ee bugta ah.

Source: Qarannews

Login