January 30, 2009

Warbixin: Fadeexado Horle oo Kasoo If-baxaya Wajigii Hore ee Diwaan-Galinta Fashilantay iyo Fool-xumadii Komishanku Sameeyey

Halkan waxan maanta idiinku soo gudbinaynaa xog aan kasoo ururinay in ka badan 45 gudoomiye goobeed iyo ku-xigeenadoodii oo kasoo kala jeeda gobolada dalka. Gudoomiyuhu waa masuulka ugu sareeya goobta diwaangalintu ka socoto, shaqadiisuna waa inuu isku xidho komishanka guud iyo midka gobolka, Gudoomiye ku-xigeenkuna waa qofka wada shaqada aaladda komputerka.

Labadan xubnood oo ah National Elerctral Commission (NEC) waxay ka mid ahaayeen kooxda ama teamka goobta oo ka koobnaa 10 qof, waana labada xubnood ee dhinaca komishanka ka socda, sidaas awgeed waa isha kaliya ee warbixinteeda lagu kalsoonaan karo. Xubnahani waxay qirayaan in khaladaad waa weyni dhaceen oo iyaga laftooda iyo intii hawsha ay wada hayeen iyo madaxda sare ee komishanka iyo dadweynaha laftooduba aanay u kala hadhin, taasina waxay ku cadaynaysaa in mashruuca Diiwaan-galinta qaranka danbi laga galay.

Diiwaan-galinta cod-bixiyayasha Somaliland waxa ka masuul ahaa xukuumada somaliland, fulinteedana waxa u xil-saarraa komishanka qaranka iyo hay’ada inter-peace oo iyadu u qaabilsanayd dhinaca farsamada, dhaqaalahana gacanta ugu haysay. Waxay Diiwaan-galinta codbixiyaashu dalka ka bilaabatay 14 ok 2008.

Di-waan-galinta cod-bixiyaasha oo EU-du ku bixisay lacag dhan $20 Milyan oo dollar, balse aan wali Komishankii laga haynin wax xisaab celin ah, waxa looga danlahaa labo arimood oo kala ah:

1.  In xisbiyada SL ee talada dalka ku hirdamayaa ay ku kala baxaan cod xalaal ah, isla markaana qofka shuruudaha iy sharciga loo dhigay Diiwaan-galinta buuxiyaa uu hal-cod oo kaliya yeesho si looga hortego in qofku dhawr qof noqdo iyo

2.  In codbixiyaasha la siiyo kaadhka jinsiyada, oo ah inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah.

Laakiin markaad u kuurgasho habka loo maamuley iyo sida ay wax u dhaceen, waxa soo baxaya calaamado muujinaya in gabi ahaanba lagu guul-dareystay labadii arimood ee Diiwaan-galinta looga dan lahaa, sidaa darteedna hada mashruucii Diiwaan-galintu noqotey mid gebi ahaanba lagu fashilmay.

kadib markii dhinacyadii hawsha u xilsaaraa ku guuldareysteen inay Diiwaan-galinta xakameeyaan shuruucdii iyo nidaamkii ay lahaydna dhawraan, Gudigii doorashada oo ahaa hay’adii arintan gacanta ku haysay wuxu dayacay masuuliyadii qaran ee loo igmaday. Wuxu sidoo kale lumiyey dhex-dhexaadnimadii ku qeexaynd sharcigu doorashooyinka ee lagu ansixiyey, xukuumadii la xisaabtami lahaydna arintaa way ka seexatay.

Diiwan-galinta codbixiyayaasha oo ah mid calaamatu su’aal wayni maanta saarantahay, sidii loo maamulayna ka muuqato wax isweydaarin iyo musuqmaasuq xad dhaaf ah, illaa imikana aan ku dabo-jirno sidii aan xog-dheeraad ah u heli lahayn. Hadaba, waxa noo soo ruuro-gashay inaan xidhiidh la samayno ku dhawaad konton gudoomiye goobeed oo shan gobol kasoo shaqeeyey, kuwaas oo kala ah:

Maroodi-jeex, Awdal, Tog-dheer, Saaxil iyo Sanaag. Hawl-wadeenadan oo si faah-faahsan uga hadlay Ficiladii foosha xumaa ee Komishanka iyo faro-xumeyntii Diiwaan-galinta loo gaystay waxay qireen inay jirtey masuuliyad-darro baahsan oo dhinac kastaba saamaysay iyo wax kala qo-qobid ay sameeyeen masuuliyiintii Komishanka ee dalka loo dhaariyay.

Dhinaca kale waxay Hawl-wadeenadan komishanku gabi ahaantood isku waafaqeen in aanay Xubnaha sare ee Komishanka doorashoyinku ahayn qaar u diyaar ah inay kala saaraan xaqa iyo baadilka, waayo ayey yidhaahdeen "wixii dhacay oo dhan iyagaa ka danbeeyey, anaguna goobjoog ayaan ka ahayn, sidaa darteedna komishankani maaha kii ka garsoori lahaa doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo."

Hawl-wadeenadan faraha badan oo ka waramaya waxa ay ugu magac-dareen "Faro-ximeyntii diwaangalinta iyo fadeexadii aan goob-jooga u ahayn" Waxay hadalkooda ku bilaabeen sidan:
 
"Horta komishanku kolba gobol ayuu hawsha ka qabanayay, anagana kolba gobolka shaqadu ka bilaabanayso ayaa lanoo dirayey. Hadii aan ka warbixino sidii ay hawshu u socotay iyo dhacdooyinkii aan goob-jooga u ahayn waxan isleenahay masuuliyad-darro baahsan oo dhinac kata leh ayaa jirtey, Komishankuna wuxu u muuqday mid dhinac ka raran oo cadaaladda ka fog, taa waxa markhaati ka ah sidii uu gobolada dalka u kala faddilay. Si hadaba arintaa fahankeedu u fududaado waxan u kala saaraynaa Shan qaybood.

1. Mushaarka hawl wadeenada 2. Agabka ku jirey sanduuqayda Diiwaan-galinta 3. Saacadaha shaqada hawl wadeenadu shaqaynayeen  4. Komputerada iyo 5. Agaasinka hawsha Diiwaan-galinta ama Kormeerka masuuliinta Komishanka.

a. Mushaarka la na siinayay wuu kala badnaa markii aan gobolada ka hawl-galaynay. Markii aan gobolada Berbera iyo Boorama u baxaynay si aan Diiwaan-galinta uga bilowno, Komishanku wuxu nasiiyey boqol boqol doolar oo 50% ka ah lacagta lanoogu talo galay. Waxan ahayn Team ka kooban (Sadex kasocotay xisbiyada qaranka, Labo kasocotey komishanka, Mid ka socday maxkamada rafcaanka, Labo kasocotey W/arimaha gudaha iyo labo askari oo ilaalo noo ahaa.

Intayadii kale boqol boqol doolar baa la nasiiyey marka laga reebo labada kasocotey W/arimaha gudaha oo iyaga mdikiiba 140 doolar la siiyey, halkii ay ka ahayd in kuwa komputerada gacanta ku haya iyo gudooomiyaha goobta mudnaanta koowaad la siiyo. Arintaasi waxay ka xanaajisay gudoomiyayaashii iyo ku-xigeenadoodii team kasta. Waana arinta keentay in hawlwadeenadii ku kacaan cago-jiid "qawda maqashii waxna ha uqaban."

Markii aan Hargeysa hawsha ka bilaabaynay way ka duwanayd oo lacagtii waa lanoo kodhiyey, gaar ahaan gudoomiyayaasha waxa lanooga dhigay 130 dollar midkiiba oo 50% ka ah lacagta la noogu talo galay, taasi waxan u arkeynay dhiiri galin, si fiicana waa loo shaqeeyay.

b.  Agabka ku jiray sanduuqa la noo dhiibayay marka aan gobolada ubaxayno uu kala duwanaa wuuna kala badnaa.

c. BOORAMA iyo BERBERA: Markii aan Boorama iyo Berbera u baxaynay waxa lanoo dhiibay sanduuqyo ay ku jiraan 2 box oo ah waraaqaha kaadhadhka laga samaynayay, 2 box oo ahaa waraaqda nuqulka ah ee ay kala goosanayeen komishanka iyo W/arimaha gudaha iyo 3 box oo ahaa waraaqo cadcad oo saafi ah oo anan waxba noogu filnayn.

d.  HARGEYSA: Alaabta ku jirtay sanduuqa markii aan Hargaysa ka bilaabaynay waxay ahaayeen 4 box oo ay ku jiraan waraaqaha kaadhadhka laga samaynayay, 4 box oo ahaa waraaqaha nuqulka ay kala goosanayeen W/arimaha gudaha iyo Komishanka. Waxana gabi ahaanba lanaga reebay sadexdii box ee ahaa waraaqaha cadcad. Burco iyo Ceerigaabo sidoo kale waa lanaga reebay afar afar box, oo waraaqaha kaadhadhka iyo kuwa nuqulka ah uunbaa sanduuqyda ku jirey.

Fiiro-gaar ah: Markii aan goboladan danbe ka hawl-galaynay madaxda komishanku waxay nagu wargaliyeen inaan sanaaduuqda furno oon kaantaroollo agabka ku jira inuu dhanyahay, si ayey yidhaahdeen "wixii ka dhiman loo ogaado, sida Waraaqaha oo min afar box ah, shaabadaha IWM. Waxa kale oo ay noo sheegeen inay komputerada hubiyeen oo uu waafaqsanyahay goobtii loogu talo galay.

Markii Awdal iyo Saaxil aan shaqada ka bilaabaynay way noo diideen inaan sanduuqayda furno ilaa inta laga gaadhayo goobta aan hawsha ka bilaabayno, arintaasina waa tii sababtay in goobo badan shaabad la’aan ay u cadilmaan, khaasatan Awdal. Mida kale markii Awdal loo diyaar-garoobayay Komishanku xil iskama saarin inuu komputerada hubiyo inay waafaqsanaayeen goobihii loogu talo-galay iyo in kale!

3- Saacadaha aan gobolada u shaqeynay way kala badnaayeen, go’aankaasina wuxu kasoo fulayay komishanka. Markii aanu Awdal u soo baxaynay madaxda komishanku waxay noogu khudbadeeyeen shaqadu waxay bilaabmaysaa 6-da aroornimo waxa ayna dhamaanaysaa 6-da maqribnimo. Laakiin markii Hargaysa Diiwaan-galinteeda bilownay saacaduhu intaa way ka badnaayeen.

Komishanku waxa noo sheegeen shaqada inaan bilowno 6da aroornimo ilaa 8da habeenimana shaqeyno, hadii ay dadku bataana 10 ka iyo wixii ka dambeeya aan hawsha sii wadno. Xaqiiqdii arimahasi oo dhami waxa ay ahaayeen kuwo miisaanka cadaalada ka fog.

4- computerada ama (kitka) goobaha la dhigayey way kala badnaayeen….. A)-Boorama goobtiiba waxa taalay hal komputer laakiin hargeysa iyo burco goobaha intooda badan waxa yaalay min labo kompter .Togdheer iyada waxa si toos ah loogu kordhiyey 40 Team taas oo goobaha diwaan-galinta ee togdheer ka dhigeysa 236 goobood halkii ay ka ahayd 196 goobood.

a.  Koomputeradii aanu Saaxil kaga soo shaqaynay ayaga oo macluumaadkii wali ku jiraan ayaan hadana Awdal la tagnay oon shaqadii ku bilownay, taasina waxay keentay raagsi xad-dhaaf ah oo xaga speedka ah, qofka waxa aanu ku Diiwaan-galinaynay 8 ilaa 9 minit ugu yaraan.

b.  Amuurtani waxay ka mid ahayd dhibaatoyinkii ugu waaweynaa ee baajiyey boqolaal kun oo qof oo laga Diiwaan-galin lahaa gobolka Awdal, waxay noola muuqataa Komishankii arintan wax ka qaban lahaa waaba ka ugu talo-galay, maamulkii gobolka iyo kii degmaduna meel ay jireen lama yaqaan.
Markii aan Hagaysa shaqada ka bilaabaynay waxa la keenay komputero cusub kuwii horana dhamaan macluumaadkii ku jiray waa laga masaxay, waxayna noqdeen fudayd, qofka waxan ku diwaan galinaynay ugu badnaan daqiiqad iyo badh, hadba kii raagsi keena ama ciladi ku timaadna waa la bedelayay oo waxa jirey kormeer joogto ah.

5- kormeerka iyo agaasinka komishanku aad ayuu u kala duwanaa marka la is barbar dhigo sidii ay uga hawl galeen Saaxil iyo Awdal iyo goboladii kale ee ka dembeeyey, Kormeerku waxuu ahaa ka kaliya ee wax kala waday hadii ay noqoto Koomputer xumaada, printer istaaga, shaqaale xunuunsada iyo mid speedkisu yaraado intaba, iyo xataa ilaalinta saacadaha shaqada. Waxa kale oo markii dembe is bedelay furista goobaha, daqiiqadaha qadada iyo qaxweynta, kuwaas oo guud ahaanba si hagar la’aan ah looga taxadirayey, Awdal intii aan ka shaqaynaynay maalim qudha indhaha ma saarin wax kormeer ah oo dhinaca Komishanka ka socday.

Hargaysa iyo Burco saacad sacad ayaa ayuu komeerku is dabo joogay, waxa ka hawl-galay xubnaha sar sare oo komishanka doorashooyinka, wasiiro ka socda xukuumadda, siyaasiiinta dalka, madax dhaqameedyo iyo waxgarad kaeba, lacagtuna sida roobka ayey u socotay. Masuuliyiinta sare sare ee komishanka Diiwaan-galintu maalin walba waxay ka hadlayeen halka wax marayaan iyo sida ay Diiwaangalintu u socoto, taasi waxay dadweynaha u ahayd dhiiri-galin joogto ah. Waxa kale oo intaa dheerayd Komishanku Diiwaan-galinta oo watay teamam tababaran oo sita computero saayid ah, cilad kasta oo timaadana si dhakhso ah ayaa loo xalilayey."

Hawl-wadeenadani iyagoo sawir buuxa ka bixinaya qaabkii komishanka qaranku Diiwaan-galintii dalka ka dhacaysay u maamulay waxay hadalkoodii ku soo koobeen in hawsha Diiwaan-galint u socotay sidii waxay labo dal oo daris ah ugu shaqeynayaan, iyado oo midna loo hagar baxayo hiil iyo hoona lala dul taaganayahay, midna la cabudhinayo sida cadaawahana la iskaga ilaalinayo.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay kaalintii uu shacbigu ku lahaa khal-khalinta Diiwaan-galinta iyo inay jireen waxyaabo badan oo Diiwaan-galinta hadheeyey, shaqadii ay hayeenna saamayn ku yeeshay sida: Laaluush, Cago-jugleyn, gacan ka hadal IWM. Arintaasina waxay keentay ayey yidhaahdeen in Diiwaan-galintu wajigii ay ku bilaabatay iska bedesho, iyado oo markii dembe isku rogtay tiro koob dadka oo dhan la tirinayo.

Waxa jirtay Su’aal aan hawl-wadeenada si gaar ah u weydiinay oo ah sadex amuurood oo qas iyo wareer badani ka taaganyahay:

1. In dad aan shuruudaha Diiwaan-galinta buuxin la siiyay kaadhka codeynta.

2. In lagu noq noqday iyo

3. In dad aan faraha laga dhigin kaadhadhka qaateen?

Waxa kale oon waydiinay maadaama ay iyagu ahaayeen kuwii hawsha gacanta ku hayay waxa ay arintaa u xakamayn waayeen? Hawl-wadeenada komishanku meesha kama saarin inay iyaga laftoodu darif ka yihiin dambiga Diiwaan-galinta laga galay maadaama ay iyagu ahaayeen National electral commission, isla markaana ay ku kaceen arimo ay ka midyihiin Laaluush-raadin, Cago-jiid, afaaro qabiil IWM, iyagoo waliba ku darsaday khibrad la’aan.

Waxayna kaga jawaabeen sidan:

"Haa way jirtey, horta dadkeenu maaha kuwo wali u bislaaday dawladnimada, sharci adag oo ay ka baqayaana ma jirto, markaa wax waliba waxay u dhacayaan si sahlan dhinacey doonto ha ahaatee, dadwaynuhuna waxay ku kaceen dhawr arimood oo kuligood liddi ku ahaa habka Diiwaangalinta. Arimahaa jiritaankooduna mid qarsoon maaha, oo meesha fowdaa ka dhacday, anagana waa lana muquuniyey ama xoog hala nagu muquuniyo ama xoolee. Waxay hawl wadeenadu hadalkoodii ku soo gunaanadeen Somalidu waxay tidhaa "col kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan."

Hawl-wadeenadu iyagoo hadalkooda sii wata waxay yidhaahdeen "arimahaa waxan filaynaa in si’uun xal looga gaadhi karo hadii daacad laga noqdo. Laakiin waxa jirtey arin kale oo aan anagu ognahay sixitaankeeduna adkaanayo, taasina waa Qofka hal far ayaa laga dhigayay marka la Diwaan-galinayo.

Hadaba, waxa jirey dad dhawr kaadh qaatey farahana markasta aan ka dhigaynay, dadkaasi markasta oo ay kaadh qaadanayaan waxay dhigayeen far cusub bidix ama midig kolba tii u fayow ee aanay horey u dhigin. Waxa la helayaa qof lix jeer iyo inkabadan is diwangaliyey lixdaa jeerna kolba far gooniya dhigayay, magacana bed-bedalayay, laakiin sawirku mid kaliya yahay, inkastuu kolba shaadh soo xidhanayay ama gadhka iyo timaha kolba hab u jarayay."

Warbixintani oo ah mid xaqiiqo ah waxay ka marag kacaysaa sidii kala duwanayd ee komishanku uga hawl-galay gobolada dalka iyo sida ay Diiwaan-galintii u maro habowday, dantii laga lahaana aan loo gaadhin, illaa hadana aan loo hayn xal iyo xeelad arimahaa lagu saxo.

Akhriste bal adba ka waran sida waxyaabahan loo kala furdaaminyo….?

Jawhar Qalinle

Email: Korwaayeel@hotmail.com

Login