January 30, 2009

Doorashadii Murrashaxiinta UCID iyo Dareennadii Hoolka Madasha Furitaanka Kalfadhiga Golaha Dhexe

Hargeysa (Jam) - Kalfadhiga 4aad ee shirarka Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah UCID oo shalay ka furmay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah loogu doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa uga qaybgeli doona tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee soo fool leh.

Eng. Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha UCID iyo Prof. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah aqoonyahan dhowaan xisbiga ku biiray, ayaa cod aqbaliyad ah loogu doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee UCID ugu tartami doona doorashada madaxtinimada ee loo qoondeeyey in dalka ka qabsoonto 29-ka March 2009, waqtigaas oo hadda innaga xigaan 60 maalmood oo qudha.

Furitaanka kalfadhiga 4aad ee Golaha Dhexe ee UCID oo ku bilaabmay jewi deggan, ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinno la xidhiidha waxqabadkii xisbiga ee shantii sannadood ee la soo dhaafay, kuwaas oo goluhu ka dhegaystay Xoghayaha Guud, Guddoomiyeyaasha lixda gobol ee dalka iyo laamaha kala duwan ee xisbiga UCID ku leeyahay daafaha caalamka.

Shirka Golaha Dhexe ee UCID oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana ka qaybgelyaan 151 xubnood oo golahaasi ka kooban yahay, ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinnaha waxyaabihii xisbiga u qabsoomay intii ka dambeysay kalfadhigii 3aad ee Golaha Dhexe oo ku beegnayd 2006.

Inkasta oo qorshuhu ahaa in murrashaxiinta la doorto maalinta labaad ee gunaanadka kalfadhiga Golaha Dhexe, madashii furitaanka shirkana ka dhex muuqan loollan la tilmaami karo oo ay isku garbinayeen ragga damacu ka hayey tartanka jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, xaalkuna u ekaa mid dibedda lagu soo dhammeeyey oo cid gaar ah loo hanneeyey.

                                                  Faysal Cali-waraabe iyo Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo loo doortay murrashaxiinta UCID ee doorashada madaxtooyada.

Haseyeeshee, waxa xasaasiyaddii mar qudha si xawli ah cirka isugu shareertay, kadib markii Prof. Cali Caydiid Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta hungurigu kaga jiray xilalkaas uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu yahay murrashax u taagan tartanka jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga dhexdiisa, taas oo uu kelidii qoondaystay Prof. Maxamed-rashiid Sh Xasan oo isagu markii dambe codka Golaha Dhexe ku calafsaday xilkaas.

Arrintaas oo sababtay in shirguddoonka kalfadhigga 4aad ee UCID uu si kedis ah ugu dhawaaqay magacyada laba xubnood oo ay sheegeen in guddiga fulintu u qoondeeyey murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga uga qaybgeli doona tartanka madaxtinimada Somaliland ee soo socota, kadibna golaha ka codsaday inay cod gacan taag ah u qaadaan murrashaxa jagada Madaxweynaha Enf. Faysal Cali-waraabe oo cod buuxa helay, sidoo kalena ku dhawaaqay in loo codeeyo Prof. Maxamed-rashid Sheekh Xasan oo u taagan Madaxweyne-ku-xigeenka isna cod aqbiyad ah lagu oggolaaday.

“Xasanow [Afhayeenka UCID] iska dhig sidii wax tirinaya codadka ergooyinka codaynaya ee gacmaha taagaya.” Sidaa waxa si ismoogi ah ugu dhawaaqay Mad. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo ah Shirguddoonka kalfadhiga 4aad ee Golaha Dhexe ee UCID oo waqtigaa gacanta ku hayey makarafoonka uu ka hagayey shirka, iyadoo dhawaaqaas iyo sawaxan la oogsadeen ergooyin taageersanaa murrashaxa jewiga madasha kiciyey Prof. Cali Caydiid Xasan oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool, balse nasiibdarro Shirguddoonku wax cod ah u weydiin golaha, codqaadista labada murrashax ee guuleystay kadibna ku dhawaaqay in shirku xidhan yahay, ergooyinkuna dib isugu soo laaban doonaan kulanka gunnaanadka kalfadhiga ee maanta.

Labada murrashax ee xisbiga UCID u doortay jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Prof. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo aan midkoodna wax tartan ah lala gelin, ayaa mar qudha ka soo kacay kuraasidii ay fadhiyeen oo qiyaas ahaan isu jiray masaafo dhowr mitir ah, kadibna inta ay soo boodeen oo gacmaha isqaadeen, korna u taageen, waxa ay iyagoo wejiyadooda ka muuqato farxad weyn iyo dhoollacaddeyn si kalsooni ku dheehan tahay uga baxeen madashii shirku ka socday, isla markaana daba guurayaan raxan dad ah oo isugu jira ergooyinka u codeeyey iyo taageerayaasha UCID oo ku hambalyey guusha doorashadooda.

Gunnaanadkii shirka iyo doorashadii murrashaxiinta kadib waxa ergooyinka hadheeyey buuq iyo kala qaybsaan ka dhalatay habka loo maamulay codbixinta, taas oo ay si weyn uga biyo-diideen xubno tiradoodu labaataneeyo ku dhowdahay oo saluug xooggan ka bixiyey arrintaas, kuwaas oo qaarkood saxaafadda kula hadleen hoolka shirku ka socday hortiisa, iyagoo doorashadaas ku tilmaamay mid afduub ah oo dhaawacaysa midnimada iyo hadafkii caddaaladeed ee xisbigu u taagnaa, isla markaana ku baaqay in dib loogu noqdo, si xaq ahna loogu garsooro murrashaxiinta hungurigu ka hayo jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee UCID dhexdiisa.

Iyadoo dhinaca kalena ay warbaahinta la hadleen xubno si weyn ula dhacsan qaabka doorashadu u dhacday, kuna dooday inuu ahaa qorshe dibedda lagu soo bisleeyey oo laga saxartiray cabashooyinkii jiray, heshiis buuxa ee lagu wada qanacsan yahayna xisbigu la shir yimi, isla markaana cabashada waqtigani tahay mid aan marmarsiiyo lahayn oo aan ujeeddo fog xambaarsanay, sidaa darteedna diyaar u yihiin in xisbiga gudihiisa la isaga qanciyo tabasho kasta oo jirta.

Waxa kale oo shirkaas lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka xisbiga, kaasoo ay oggolaadeen 133 xubnood oo ka mid ah ergada kalfadhiga 4aad ee UCID, halka 16 kalena diideen.

Si kastaba ha ahaatee, UCID ayaa noqonaysa xisbigii labaad ee si ramsi ah u soo xula murrashaxiinta uga qaybgelaya tartanka doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 29 March 2009, iyadoo xisbiga KULMIYE khilaafyo iyo loollano adag kadib uu badka soo dhigay murrashaxiintiisa, waxana karka hawshaas ku hadhay xisbul-xaakimka UDUB oo waqtigan dhex dabbaalanay mawjado siyaasadeed oo laysku garbinayo hanashada jagooyinkaas oo laga dooran doono shirweynaha xisbiga oo qabsoomiddiisa loo qoondeeyey 3-da February 2009, kuna beegan Salaasada toddobaadka dambe.

Source: Jamhuuriya Online

Login