January 29, 2009
Taageereyaasha Madaxweyne Rayaale ee Degmada Axmed Dhagax Oo Isugu Soo Baxay Dhoola-Tuskii Ugu Balaadhnaa
(Ramaasnews) - Taageereyaasha Musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee Degmada Axmed Dhagax, ayaa maanta isugu soo baxay dhoola tuskii ugu balaadhnaa ee ay ku taageerayaan Madaxweynaha Somaliland.
Boqolaal qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee Degmada Axmed Dhagax gaar ahaan xaafada Maandeeq ayaa isugu soo baxay xaflad dhoola tus ah oo ay ku taageerayeen musharaxnimada Xisbiga UDUB ee Madaxweynaha Somaliland. Waxaa xafladaas ka qaybgalay Xoghayaha Gobolka Hargeysa Deeq Cabdilaahi, Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga UDUB, Cabdilaahi Ibraahin X. Xasan, Cuqaal iyo dadweyne tiro badan.
Xoghayaha Gobolka Deeq Cabdilaahi oo xafladaasi ka hadlay ayaa taageereyaashaas uga mahadceliyey sida ay taageeradooda ugu muujiyeen Madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in murasharaxooda Xisbiga UDUB uu yahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo uu xusay in uu u qalmo in uu majaraha u sii hayo hoggaanka Xisbiga UDUB.
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga UDUB Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan dadweynaha Degmada Axmed Dhagax, oo uu tilmaamay in ay go’aansadeen in ay codkooda inta ugu badan ay siiyaan Xisbiga UDUB, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi "Walaalayaal Xisbi ahaan waanu idinka aqbalnay dareenka aad ku taageerteen Xisbiga UDUB, waxaanu leenahay murashaxeenu waa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, cidii kale ee isla sharaxaysa ee damacooda tijaabinaysaa way u furan tahay balse inagu waxaynu leenahay murashaxeenu waa madaxweynaha".
Guddoomiyaha Agarabka Dhallinyaradu wuxuu soo dhaweeyay hadalkii dhowaan ka soo yeedhay Suldaan Barre X. Xuseen Caraale iyo Suldaan Xuseen X. Cabdilaahi ee ku saabsanaa inaanay taageersanayn murasharaxiin gaar ah.
"Madaxweynaha Somaliland waa madaxweynihii u horeeyey ee aqbalay in lala tartamo, waxaanu ku guulaystay in uu saddex doorasho oo dimuqraadi ah dalka ka qabto isagoo sugay xuduudihii dalka, qadiyadii aqoonsiga Somaliland-na ay meel fiican marayso" ayuu intaas ku daray Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan.
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Chief Caaqil Kayse Badde Cabdalle, Chief Caaqil Shucayb Cabdi Jaamac iyo Anwar Ibraahim Jaamac oo ku hadlayay magaca dhallinyarada kuwaasi oo si cad faahfaahin uga bixiyay taageeradooda la xidhiidha murashaxnimada Xisbiga UDUB ee madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca kale, waxa gabogabadii xafladaasi ay taageereyaashaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayeen madaxweynaha Somaliland oo ay ka mid ahaayeen " Murashaxayagu waa madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin", "UDUB ha guulaysato, Somaliland-na ha guulaysato" iyo erayo kale oo kuwaas la mid ah.
Source: Ramaasnews
