November 29, 2008
Wasiirka Caafimaadka oo Ka Waramay Dhibaato Nololeed ee ay ku Sugan Yihiin Dadka Danyarta Reer Somaliland
Hargeysa, (Harowo) Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Cabdi Haybe ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga waramay xaalad ba’an oo nololeed oo ay ku sugan yihiin dadweynaha ku dhaqan xaafadaha Hargeysa qaarkood iyo guud ahaan meelo badan oo dalka ka mid ah.
Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Cabdi Haybe waxa uu shirkiisa jaraa’id ka jeediyay baaq uu ku waajahay Hay’addaha gar gaarka ee dalka ku sugan waxaan hay’addahaasi ku booriyay inay si dhakhso ah uga hawl galaan meelo kala duwan oo uu magac dhabay iyo qaar kale oo uu sheegay inay jiraan.
Waxyaabaha uu wasiirku sheegay in dhibaato ka haysato dadkaas waxa ka mid ah quutal daruuriga, caafimaadka adeega dadweynaha sida biyaha, caafimaadka iyo tacliinta waxa kale oo uu wasiirku sheegay in dhibaatada dhaqaale iyo abaareed ee dalka ka jiraa ay dad badan oo ku dhaqan meelaha miyiga ah ka yeeleen inay awoodi waayaan sidii ay u dabooli lahaayeen nolol maalmeedkooda xoolaha ay haysteena u goyn waayay ama kafayn kari waayay noloshooda oo loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo.
Hadalkii shirka jaraa’id uu wasiirku ka yidhi isaga oo cod ah ka dhagayso Harowo.com
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com


