November 29, 2008
Barmuuda: Manso Talo Ah oo Ka Waramaysa Dhibaatada HIV/AIDS-KA
Maadaama oo ay soo dhawdahay maalinta uu adduunku ku tilmaamay,maalinta la iska baraarujiyo halista cudurka dilaaga ah ee AIDS ee 1/December. Ayaan jeclaaday in aan kaga qaybgalo wacyigelinta maansadan geeraarka ah ee uu magaceedu yahay Barmuuda.
Barmuuda waa saddex xagalkii waxa gala aanu ka soo laaban jirin.Aids kuna waa xanuun cidda uu haleelo aan xal loo haynin.Markaa labadoodba cidda gashaa waa cid aan miciin aadmi u fidin Karin, Ilaahay mooyaane.Aidskana waxa lagu shabihi karaa wax kasta oo nafta aadamaha dila sida xabbada, midida, suntan,bakteeriyada, fayraska, soodhka, baasuukaha, daadadka, dagaalada.Waayo waxa uu nafta dadka u dilaa sida ay kuwaasiba wax u malgaan.
AIDS ku waa xanuun ka badiyay ragii baarqabada ahaa ee sheegan jiray in ay haystaan PHD digtoornimo.Waana aafo ka dhalata macaasida dadka.Nabiguna waxa uu sheegay in haddii ay macaasidu meel ku badato, ay sababto xanuuno aan awoowyaashii dadka markaas nool aan ku dhici jirin.
Maansadan Barmuuda waxa ay waanada u badan siinaysaa dhalinyarada oo ah bahda uu xanuunkani badi haleelo, una nugul qaadistiisa.Maansada Barmuuda qaybteedii hore waa tan.
Beeni wayga mamnuuce
Markan baydadka maanso
Curintooda bilaabeen
Alifaad ubadheedho
Dadku way ubogaan
Murtidaan bandhigee
Sabigaan baryo joogin
Iyo booska cirraystee
Caqligiisu u buuxo
Uma baaqin midnee
Barbaartii dalkaneey
Dhalintii baladkaay
Ubaxii baxayee
La bidhaaminayoow
Bawdadii umadaay
Adhaxdii bulshadaay
Biixidii rayidkoow
Bu”yaashii shicibkoow
Batroolkii qarankoow
Baritoole kuwii
Bidnilaahi kariim
Xilka loo boqrayee
Hoggaankeenan ah baalid
Badalkooda ahaayee
Madaxwayne buruudliyo
Wasiir baawar sareeyiyo
Guurti boodhka tumaysoo
Beelaheena heshiisyo
Badhtankooda usamaysiyo
Badhasaab iyo maayar
Baarlamaan noqon laayoow
Baritoole kuwii
Bidnilaahi kariim
Injineer dhisa bayd iyo
Digtoor baanan yaqaanoo
Baaralayska u roon iyo
Bayloodiin noqon laayee
Dhaqaalaa baran laayoow
Waa kastoo la bariisto
Cadceedii bidh tidhaahda
Barafisoor leh aqoon iyo
Ragbaa caalamka baadha
Waxna soo ban dhigoo
Ka dul qaadaya baalkee
Balaa manta la sheegay
Iyo baas naxdin keenay
Cudur weeye barooyoo
Baryihii hore aanay
Bulshowayntu aqoonin
AIDS baa babanaayoo
Biligloo la arkaayoo
Uunku baahinayaa
Biixiyuu kolka ay
Bigaacaa ku noqdaan
Dhakhtar baa ku yar baantoo
Ad biriirix tidhaa
Bilihaarsiya dhiig leh
Babaasiir iyo joonis
Bogga oo ku xanuuna
Beerka oo nabar yeesha
Qof uun baa ubaxoo
Ku baxnaaninayoo
Boogta kaa tirayee
Kani waa baras aan
Bani aadam dawaynin
Bukaankuu mar haleelo
Bogsiin looma helaayo
Difaacii badakaagee
Jeermis baacsanayee
Burinaayay wixii
Kugu beera jirrooyin
Waa mid biiya dhamaan
Ragii baarqabka haayee
Caafimaadka baryaa iyo
Sanadaa baranaayee
P.H.D na qaatee
Burqanaayay tacliintee
Dabiib biiya inkaartan
Baadhid dheer u galee
Baandhayn soo waday waayo
Isagaa ka badshoo
Bikh ka yeelay dhamaan
Waa bakteeriya fayras
Baatojiin kuman xaaqoo
Aanu baynasaliinku
Barna kaaga tarayn iyo
Baarasayt lafhaaga
Burbur wayn u horseeda
Waa barmuuda labaadoon
Laga soo baxahaynin
Sun weeyaan bur u eegoo
Shakhsigii kol bidhaana
Ma badbaadi karee
Balaq wuu ku dhintaayoo
Luxudkaas badhtankiisiyo
Bohol buu ugalaa
Waa sonaami badeed
Balli weeye gun dheer
Barkad weey habaaran
Goofki weeye bulaale
Buugagaaga tacliinta
Beensalakaad masaxdaaye
Biiroo weeye tirmaynin
Bam weeyaan qarxayoo
Boqol duuga markiiba
Baaruud weeyw rasaas
Baybayshay sida hoobyiyo
Baasuukaa ahacayoo
Beerka kaaga fadhiista
Bambo weeye daboolan
Bir weeyaan halhaliisha
Waa billaawe afaysan
Oo boqnaa ku jaraaya
Sida boocdiyo ciin
Biqilkiisu shar weeye
Bisaylkiisu qadhaadh
Baabul weeye libaaxoo
Isagoo bas ah gaajo
Bannaan kaa helay kayn
Bahal weeye wax laaya
Budlinaaya insaanka
Bakhtiinaaya naftooda
Imisuu bilis aasay
Uu barroosin ka taagtay
Baloodh uu ka samaysayay
Imisuu nin bireeyay
Buulna uu ka dhex waabtay
Beedkiisiina ku tuushay
La soco qaybta dambe ee qoraalkan iyo maansadan oo xambaarsan macluumaad iyo talo iyo tusaale.
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa, Somaliland - Tel: 0025224428604
Email: saedmgahair@hotmail.com

