November 28, 2008

Xukuumadda Somaliland oo Si Rasmi Ah Daboolka Uga Qaaday Ciidi Ka Danbaysay Qaraxyadii Hargeysa

Hargeysa (Harowo) - Xukuumada Somaliland ayaa manta si rasmi ah u shaacisay cidii ka danbaysay qaraxyadii dhamaadkii bishii October lala beegsaday xarunta dalka ee Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo shir jaraa’id manta xafiiskiisa ku qabtay ayaa si rasmi ah waxa uu markii u horeysay daboolka uga qaaday cidda soo maleegtay isla markaana masuuliyadeeda leh Qaraxyaddii is miidaaminta ahaa ee 29.10.2008 lala  beegsaday xarunta Madaxtooyada, Safaarada Ethiopia iyo xafiiska Hay’adda horumarinta u qaabilsan qaramada midoobaay ee UNDP.

Wasiir ciro waxa uu si cad farta ugu fiiqay Kooxda xag jirka ah ee Al-shabaab isaga oo tilmaamay in kooxdaasi ka danbaysay isla markaana ku lug lahayd weeraro iyo falal xidhiidh ah oo mudo shan sanadood ka badan lagu qaaday gobo muhiim ah iyo dad ajnabiya iyo kuwo waliba la fashiliyay.

Wasiirka arimaha guduhu waxa uu sheegay in daba gal balaadhan iyo baadhitaan dheer ka dib ay ku xaqiiqsadeen in qaraxyadaasi iyo falal kale oo xidhiidh ahaa ay ka danbeeysay kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, waxaanu xusay in falalkaasi laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Sidoo kalena uu ururkaasi ka danbeeyay dilalkii gabadhii dhakhtarada ahayd ee ka hawl gali jirtay cusbitaalka TB-da ee Borama, Lammaanihii macalimiinta ahaa ee wax ka dhigi jiray dugsiga SOS ee magaalada Sheekh, weerarkii loogu gaystay hawl wadeenadii Hay’adda GTZ jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, falkii lacagta lagu dhacay ee degmada Wajaale iyo falkii kale ee lagu  guul daraystay ee wakhtigii doorashadii golaha wakiillada lasoo abaabulay.

Mr. Cirro waxa kale oo uu tilmaamay in abaabulka falalkaasi ay ka danbeeyeen hogaamiyihii hore ee ururka Al-shabaab Aadan Xaashi Cayrow, Ibraahim Axmed Meecaad (Afgaan), Mukhtaar Mansuur iyo Axmed Cabdi Godane oo uu xusay inuu si gaar ah u soo abaabulay falkii u danbeeyay ee Hargeysa ka dhacay, isla markaana waxa uu xusay in Abaabulka Qaraxyadaasi ay Hargeysa ka maamulayeen Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo mararna la baxa Axmed Muuse kaasoo Haysta Dhalasho Maraykan ah iyo Nuur Sheekh Muxumed oo uu tibaaxay inuu soo tabobaray dhalinyaradii is qarxisay.

‘waxaan halkan ku cadaynayaa in cadawga koowaad ee Somaliland leedahay uu yahay ururka xagjirka ah ee Alshaab oo ka xun nabadgelyada iyo Qaranimada dalka ka hano qaaday. Hase yeeshee Somaliland tallaabo aanay ka soo waaqsan ayay ka qaadi doontaa cid kasta oo isku dayda falal ku lid ah Qarannimadeeda’ ayuu yidhi wasiirku. Waxaana uu sheegay in shan ka mid ah dadkii is qarxiyay ay ka soo jeedeen koonfurta Somaliya halka midka kalena u dhashay Somaliland.

Cabdilaahi-cirro waxa uu sheegay in markii qaraxyadu ka dhaceen Hargeysa ay hoggaamiyayaasha Alshabaab ugu bushaareeyeen mid mid ka mid ah raggii falka soo abaabulay oo dib u fakaday inuu gutay waajib, isla markaana ay muddo ku hawlanaayeen isku day ku lid haykalka Dawladnimo ee Somaliland.

Ugu danbayn wasiirka arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in eedaysanayaasha falkaasi u xidhan si dhakhso ah maxmakad loo soo taagi doono mudankoodana la marsiin doono.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com

Login