November 21, 2008

Dood Kulul oo Dhexmartay Dhalin Yaro ka Hawl Gashay Diwaan Gelinta Gobolada (Awdal, Saaxil) Iyo Komishanka Qaranka

Hargeysa (Harowo) - Waxay ahayd maalin jaahwareer iyo buuq ku riday Gudoomiyaha Koomishanaka Qaranka Somaliland ka dib markii ay Gadood sameeyeen shaqaalihii Diiwaangalinta ee ka soo shaqeyey Gobolada ay ka hirgashay Diiwaangalintu (Saaxil iyo Awdal), oo ka Biyo diiday lacagtii hore ay u filanaayeen oo sida ay sheegeen laga musuqmaasuqay.

Buuq iyo qaylo ayey markaliya ooda ka rogeen hawlwadeenadii diiwaangalintu ka dib markii uu Gudoomiyaha KQ uu isku dayey inuu dajiyo dhalinta kacsanayd oo diiday inay qaataan lacagataas ay ka biyo diideen.

“Waar maxaad leedihiin, maxaad kahadlaysaan, waxaad shaqayshateen weeye maxaad kaloo rabtaan”  ayuu yidhi Gudoomiyaha KQ, ka dibna waxaa ay halmar cod dheer oo qaylo ah ku dhawaaqeen hawlwadeenadii iyagoo Gudoomiyaha u diiday inuu goobtii shaqadu ka socotay dhana uga baxo taasi oo keentay in Gudoomiyiihii uu ka soobixi waayo ilaa saacadu ay ka gaadhay galindanbe.

Inkastoo madax badani oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilahi Cirro iyo Taliyaha Police ka Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ay isku dayeen inay Qanciyaan dhalinyartaas umay suurto galin.

20 November 2008 oo ay balantii komiishanka Qaranku ahayd in dhalintaas la siin doono Lacagtii, ayaa dhalintii oo sidii hore u kacsan oo hoosta kawada guuxaya dhankakalena rajo kafilaaya inay wixii hore wax ka fiican helidoonaan ayaa waxaa khudbad taariikhda gashay oo dejisay dhalintii kacsanayd ee cid qancisa hore loowaayey uu jeediyey G/kuxigeenka koomiishanka qaranka somaliland mudane Cali Bikolo oo si wadaniyadi ku jirto ula hadlay dhalintii kacsanayd ee muda dheer gunadoodii aan helin hadaladii Bikolo waxaa kamid ahaa:

“Waan ogahay in ay dun dalka u shaqaynayseen idiinkoon cidna kaalmo kafilaynin cidina idinku khasbin waxan yar ee ay daan u qalmin aad ogalaateen inaydun ku shaqaysaan taasi oo ahayd idiinkoo waajibkii dalka hooyo gudanaaya. Dawladeenu maaha dal awood intaa leeg uleh dhaqaalah kubaxaaya Diiwaangalinta waxa aynu hawsha kuwadanaa waa shaxaad ay adduunku inoogu deeqeen”

Wiilal iyo Hablaba waxaad mudantihiin in laydiinku yeedho naftood hurayaal dalkooda u soo halgamay wakhtiyadii rafaadka, kulaylka iyo dhaxanta badnaa ee aan ana dhexdiina joogay maaha waxan yari wax hal saacad oo saacadahaas kamid ah u qalanta. Maanta laga bilaabo waxaan idiinku yeedhayaa magaca ah NAFTOOD HURAYAAL.”

Halmar ayuu is badalay jawigii dhalinyaradii kacsanayd oo Sacab iyo farxad ugu jawaabay Mudane Biikolo kadib gacan qaad iyo hanbalyo ayey ku soo dhaweeyeen.

Wariyaha Harowo ee G/Togdheer C/fataax Siciid Jaamac, oo hada kusugan Hargaysa, ayaa la kulmay qaar ka mid ah hawlwadeenadii Diiwaangalita oo wax kawaydiiyey siday u arkaan hadalka G/kuxigeenka iyo hadalkii rabshada iyo qaylada dhaliyey ee Gudoomiyaha KQ hore u yidhi.

Xubnaha dooda ka qaybgalay waxaa kamid ahaa:

Xasan Faarax qammaan
Axmed C/lahi Maxmuud [Baaryare]
C/risaaq Maxamuud jaamac [Aar]
C/risaaq Maxamuud [indhocase]
Maxamed Cali Faarax
C/qaadir xuseen faarax [Qaate]
Mustafe Cismaan Aadan [dhicir]
Maxamed Ismaaciil Yuusuf

Dhalintaas oo ka soo kala jeeda Gobolada dalka intooda badan sida Awdal, Togdheer, Maroodi jeex, iyo Gobolada dalkoo dhan, ayaa ugu horayn waxay HANBALYO U dirayaan G/kuxigeenka Komiishanka Qaranka Somaliland Mudane Cali Biikolo oo ay ku amaaneen sidii wadaniyada lahayd ee uu ula hadlay dhalintaas oo ku guuldaraystay inay Qanciyaan Gudoomiyaha KQ iyo qaar ka mid ah madaxda qaranka.

“Bikolo waa halyay muwaadin ah oo shaqadiisa iyo hawsha culus ee la saaray aanu filayno inuu ka soo baxo, hase yeeshee KABOWEYNE labo qof ma qancin karo, waxaanu ka baqaynaa Mustaqbal sida uu maamuli doono Koomiishanka. Waxaanu ka cabsi qabnaa inuu 3 madaxweyne ku dhawaaqo.” Sidaa yidhi dhalintii aan la kulmay.

Doodii

Su’aal: sidaad u aragtaa mustaqbalka koomiishanka qaranka?

Jaw: C/qaadir X. Faarax (qaate), horta sidan ay imika kuwadaan haday kuwadaan umalayn maayo inay sidan ku gudan karaan shaqadan Qaran ee culus inkastoo ay dad muhiim ahi ay kujiraan oo la odhankaro hadii talada ay umadaxbanaanaadaan ay wax macquula keenikaraan sida ninkii shalay nadajiyey ee na qanacsiiyey hadalka wanaagsani marbuu wax siinta ka wanaagsanyahay

Axmed C/lahi Maxmuud (Baaryare) oo isla su’aashaas aan weydiiyey ayaa ku jawaabay “aad iyo aad baan uga warwarsanahay siday wax u wadaan waana niman Go’aan qaadasho adaglahayn sida muuqatana waxaanan ka baqayaa inay Tii Kenya ka dhacday inagu dhacdo.”

Su’aal: Masii wadidoontaa shaqadan diiwaangalinta iyadoo ay jiraan duruufo badan sida lacagtii oo aad kacabanayseen inkastoo hada taasi laxaliyey iyo daruufa kaleba sida dib udhaca diiwaangalinta G/Maroodijeex?
 
Xasan Faarax Qammaan, oo aan ugu horayn su’aashaas weydiiyey ayaa waxa uu ku jawaabay “haa waan siiwadi doona iyadoo ay jiraan duruufahaas aad ka dhawaajisay iyo qaar kaloo badan, hadana Dhabarka ayaan u Ridan doonaa, oo danta Dalka ayaan tayda gaarka ah ka horaysiin doona, waanan balanqaadayaa inaan dhamaystiro ilaa inta ay soconayso hawshaas Qaran. Waxanaan dhalinta leeyahay si kastaba haw qadhaadhaato hawshani waa inaydun u dhabar adaygtaan oo aad dalkiina iyo dadkiinaba  u shaqaysaan sidii uu G/Kuxigeenku idiinku dhiirigaleyeyn ka run sheega

Su’aal: Maxaad kula talin lahayd KQD Somaliland ama aad ku dhaliilaysaa?

Xasan Faarax qammaan - “waxaan usoo jeedin lahaa inay maamulkooda dib-ugunoqdaan oo ay iska hubsadaan ciday wax diranayaan iyo in ay cidkastaba geeyaan booskii ku haboonaa. Waxaanan ku dhaliilayaa maamul jileec, wax isdaba marin iyo talo xumo.”

Maxamed Cali Faarax - “waxaan u soo jeedinayaa inay ka warhayaan hawsha ay qabanayaan oo aanay dad aan aqoon u lahayni majaro habaabiyaan. Waxaanan ku dhalilayaa Go’aan jileec iyo ballan aan la fulinin”

Axmed C/lahi Maxmuud (Baaryare) - “waxaan kula talinayaa inay xilkaa Qaranku u igmaday ee Ummada dhami u dhiibatay ay si geesinimo leh u gutaan kana fogaadaan waxkasta oo Qaranka ku keeni kara isku dhac iyo burbur kana waantoobaan is qabsi dhexdooda ka dilaaca iskuna duubnaadaan."

C/fataax Siciid Jaamac

Harowo, Hargeisa, S/land

Email: Somali_info@yahoo.com

Login