November 20, 2008
Ciidamada Amniga Boorama ee ku Maqnaa hawlaha Diwaangelinta oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigyadoodii
Boorama (Harowo) - Cutubyo ka tirsanaa ciidamada amniga ee Boorama iyo degmooyinka gobolka Awdal, ayaa shalay dib ugusoo laabtay magaalada ka dib markiii ay muddo bil ka badan ku maqnaayeen Magaalada Hargeysa, iyagoo raacay sanaadiiqdii diiwaangelinta ee Boorama laga qaaday bishan bilowgeedii.
Ugu yaraan 120 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska iyo kuwa Gurmadka, ayaa soo gaadheen magaalada Boorama. Maqnaashaha ciidamadan amniga, ayaa aad laaga dareemay magaalada Boorama iyo degaanada G/Awdal, iyada oo shaki laga qabay in xaaladda nabadgelyo ee gobolku hoos u dhicdo.
Muddada ay ka m aqnaayeen Boorama, ayaa inta badan hawlaha amnigu koobnaayeen, isla markaana anay jirin ciidammo hawlgal loo diri karo haddii wax dhibaatooyin amnidarro keeni karaayi ka dhacaan daafaha magaalada Boorama iyo Degaanada ku dhaw.
Imaatinka ciidamadan amniga ee Boorama, ayaa la tuhunsanyahay inuu ka dambeeyey Guddoomiyaha G/awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige oo magaalada Hargeysa laba casho ka hor u tegay sidii uu dib ugusoo celin lahaa ciidamadan.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, JSL
Emaila: moshimu@hotmail.com

