November 15, 2008
Hawlihii Diiwaan-gelinta oo Mar Kale Dib u Dhac ku Yimid iyo Cabashooyin Xoog leh oo ka Soo Yeedhaya Saqaalihii Diiwaan-gelinta
Hargeysa (Harowo) - Diiwan-gelinta cod-bixyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo Gobolka Saaxil ka bilaaban tahay 14kii October ee sannadkan ayaa waxay si wacan uga hir-gashay Gobolada Saaxil iyo Awdal, taasi oo farxad iyo yididiilo gelisay guud ahaan shacabka Somaliland.
Waxana loo diyaarsanaa Gobolka ugu baaxadda badan ee Maroodijeex oo la filayey inay ka bilaabanto horaantii bishan, ayaanay ilaa hadda wax diiwaan-gelin ahi ka bilaabmin isla markaana ay dhamaatay mudadii tobanka cisho ahayd ee Komishaka Doorashooyinku dib u dhigeen diiwaan-gelinta Gobolka oo ku beegnayd maalintii Khamiistii 13kii November.
Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka, sababta dib u dhaca keentay iyada oo ay warbaahintu wax ka waydiinaysay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey Guddida Doorashooyinka, balse ay xubnaha sare ee Komishaku ka gaabsanayeen ka hadalka arrintan keentay dib u dhacan labaad ee diiwaan-gelinta. Dhanka kale waxa cabashooyin xoog lihi ka soo yeedhayaan hawl-wadeenadii diiwaan-gelinta ee ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka oo ilaa hadda aanay dhinacna u jihayn Komishanku isla markaana in badan oo ka mid ahi aanay helin lacagihii shaqo ee ay wakhtiyada dheeraadka ah kaga hawl-galayeen goobihii kala duwanaa ee Gobolka Awdal oo maalintii ugu dambaysay ee ay diiwaan-gelintu gobolkaasi ka socotay ay qaraxyadu ka dheceen Magaalada Hargeysa.
"Ma garanayo waxa uu Komishanku war cad noo odhan la’yahay, intay naga keeneen Goboladii aanu k nimid iyo guryahayagii ayaanu todbaad in ka badan Hargeysa ku xannibanahay oo kirooyinkii hudheelada iyo cuntadii nalagu leeyahay, maalinba ballan been ah ayey noo qaadayaan masuuliyiinta Komishanku ilaa haddana kama hayno lacagtii aanu ku lahayn, iska jooga iyo taga midna nama odhanayaan." Sidaa waa yidhi mid ka mid ah shaqaalihii diiwaan-gelinta doorashooyinka oo maalmihii ugu dambeeyey ku xoonsanaa xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Magaalad Hargeysa.
Dad badan oo ka mid ah shacabka, waxgaradka iyo aqoon yahanka reer Somaliland ayaa waxay walaac ka muujinayaan isla markaana la yaabsan yihiin dib u dhacyadan iska daba imanaya ee ay diiwaan-gelintu uga hir-geli la’dahay Gobolka Maroodijeex, taas oo dadka intooda badani ay eedeeda saarayaan masuuliyiinta sare ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay leeyihiin iyaga ayaa masuul ka noqon doona fashilaad kasta oo ku timaada arrinta Diiwaan-gelinta cod-bixyeyaasha doorashooyinka haddii aanay war cad oo ummaddu ku qanacd ka soo saarin arrinta dib u dhaca labaad ee ku timid tobankii cisho ee ay hore u shaaciyeen, isla markaana aanay cayimin xilliga dhabta ah ee ay si rasmi ah dib ugu bilaabmayso Diiwaan-gelintu. Diiwaan-gelintan ayaa ah fursad weyn oo dahabi ah oo soo martay abid Somaliland una baahan in garab iyo gaashaanba uu shacbiga reer Somaliland iyo xukuumadduba ku siiyaan Guddida Doorashooyinka.
Qaranka sidii ay si habsami leh dalka oo dhan uga wada hir-geli lahayd maadaama ay diiwaan-gelintu tahay ta kaliya ee lagu hir-gelin karo xaqa uu dalkani ka mudan yahay bulshada caalamka, soona dhawayn karta inuu helo aqoonsi deg deg ah. Dib u dhac kasta oo ku yimaada diiwaan-gelinta ayaa ah arrin si wayn uga farxin doonta cadowga faraha badan ee uu dalkani leeyahay, taasi oo nacaybka ay u qabaan horusocodyada kala duwan ee ka hir-galay Somaliland iyo diiwaan-gelintu ay keentay in falal arxan darro iyo is-miidaamin qaraxyo cadowtinimo ay ka sameeyaan 29kii Ocotober ay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa, taasi oo sababaha ugu waaweyn ee ay keentay ay kow ka tahay Diiwaan-gelintu.
Waxa iyaguna todobaadkan soo gaba-gabeeyey safar qiimayn ah oo ay ugu baxeen Gobolada Bariga wafti ka kooban toddoba xubnood oo iskugu jira Komishanka Doorashooyinka, Saddexda xisbi qaran, Wasaaradda Daakhiliga, iyo Akadamiga Nabadda iyo horumarka, iyaga oo shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Akadamiyadda ee Magaalada Burco khamiistii todobaadkii ina dhaafay ku sheegay inay tageen soona qiimeeyeen deegaano badan oo aanay doorashooyinkii hore dalka uga qabsoomay ka dhicin, deegaanadaas oo ay waftigu cagahooda ku soo mareen ayaa waxay ku so arkeen xogo iyo xaqiiqooyin dhab ah oo ay sheegeen in guud ahaanba bulshada ku dhaqan deegaanadaas diyaar u yihiin si weyna u soo dhawaynayaan hawlaha diiwaan-gelinta ee doorashooyinka soo socda.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com

