November 13, 2008
Hudheelkii Maroodi-Jeex Hargeysa, oo 20-Sano Ka Dib Mar Kale Dib Loo Furay
Hargeysa (Harowo) - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID eng. Faysal Cali Waraabe ayaa caawa fiidkii xadhiga ka jaray Hudheelka Maroodi-jeex oo mar labaad dib loo furay 17-sanadood oo bur bur ka soo gaadhay dagaaladii dalka ka dhacay sanadkii 1988-kii awgii u xidhnaa mudada intaa leeg.
Xaflada furitaanka hudheelkan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka Horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada Marwo Faadumo Suudi Xassan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Xildhibaano, Salaadiin iyo marti sharaf kala duwan waxa hadaladii kala duwanaa ee halkaa laga jeediyay ka mid ahaa.
Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ah suldaan ka mid ah salaadiinta somaliland isla markaana ku hadlayay magaca salaadiinta oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa, "Anoo ku hadlaya af-ka salaadiinta Somaliland waxaan halka uga mahad celinayaa dhamaan qoyska ama muumulka Huteelkii dib u soo celiyay ee reer Qawdhan Xassan, aad iyo aad baanu idiin salaamaynaa.
Waanan idiinka mahad celinaynaa Hudheelkani waa Hudheel taariikh wayn leh, waa hudheel Somaliyadii hore iyo somalilandba taariikh wayn u leh, gobolkan Maroodi jeex lagu yidhaahdana waa halkii laga soo dheegay waxaanu leenahay wuxuu ku soo kordhinayaa Somaliland wax qiimo badan oo Somaliland ay ku faani doonto.
Waxaan kale oo ugu ducaynaynaa inuu Illaahay ka dhigo mid umada Somalilandna wax tara gobolkana wax tara, waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa waa wax maanta raga ganacsadaha ahaa ee aduunka gacanta ku haya meel kasta ha joogaane Somaliland waxaan ku boorinayaan inay ku daydaan oo qof walba ciidiisa iyo dhulkiisa wax ka qabsado ayaan ku boorinayaa.
Xil-dhibaan C/raxmaan Aw-xoog oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland isla markaana ku hadlayay magaca xildhibaanada ayaa isna waxa uu ka yidhi
"Anigoo ku hadlaya magaca xildhibaanada labada gole iyo magaca qurba jooga, waxaan marti sharafta ee casuumada soo ajiibtay leeyahay soo dhawaada, waana meesha ugu nabada badan deegaankani ee soo dhawaada, hudheelkiina wuu inoo furmayaa, waxa kaliya ee maanta laga hadli karaana waa in dadka la yidhaahdo is diiwaan galiya, iyo in laga tacsiyadeeyo dadkii ku nafwaayay weeraradii argagixisada ahaa, iyo kuwii ku dhaawacmay faataxada u mara.
Waxa kale oo aan munaasibadan uga faa’iidaysanayaa inaan halkan tacsi uga diro qoyskii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ka dhintay oo degmada war-idaad ku geeriyooday shil baabuur, marxuumka oo aanu in badan ilaa 20-sanadood London ku wada noolayn isla markaana gudida arimaha dibadana aan ka wada tirsanayn, Allaha u naxariisto.
Caawa waa xaflad Hudheelka lagu furayo hudheelkuna waa ganacsi, wax siyaasad ahna waxaan ka codsanayaa siyaasiyiinta iga danbeeya, inaan wax siyaasad ah laga hadal, sababtoo ah meel walba waxay leedahay hadal lagaga hadlo, imika halkan siyaasadi ma jirto waa ganacsi, anigoo mar labaad qurba jooga ka wakiil ah waxaan idiinku dhiiri galinayaa inay sidaa C/risaaq iyo Dayr ay wadankooda u soo maal gashadaan."
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo si balaadhan uga hadlay xaalada nololeed ta dhaqaale iyo ta bulsho ee dalka isla markaana u soo jeediyay dadweynaha inay feejignaadaan nabada ilaashadaan.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com


