September 5, 2008

Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye: Khaladaadka Siyaasiga ah ee Madasha ka Dhacay Waa Sadex Nooc

Anigoo ka mida Qoreyaasha Somaliland ee Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye Daraasadda ku samaynayey, markii aan Diirada saaray meelaha uu khaladku ka yimid iyo dhinacyada is haya, waxaanan u kala qaybiyay Sadex-qaybood.

Khaladaadka Shirgudoonka iyo sida u haboonaan lahayd inay arrinka shirka ka yeelaan.

1-  Waxa marka hore si khaldan loo soo xulay oo aan u arkayey in ay ka baxsan tahay nidaamka Dimuqiraadiga ah habka Short list-ka loo sameeyay, taas oo aad arki karayso in hogaanka sare aanay shaacin cidda isku sharaxaysa jagooyinka gudoomiye, ku-xigeen ama Xoghayaha, laakiin ay iyagu  iskood u  xuleen.

Aniga waxay ila tahay in ay u bandhigaan golaha dhexe xubnaha is sharaxaya oo aanay u yeedhin saddexda qof ee ay short list-ka ku soo saareen, si meesha ay uga baxdo mugdi ku yimaad hogaaminta shirka ama loo aan odhan cid ayuu u afduuban yahay oo shirgudoonku keenay. Wada tashiga iyo caddayntu waa mabaadiida (principal) Dimuqiraadiyadda. Sidaa awgeed waxa u fiicnaan lahaa Hoggaanka xisbiga in musharaxiinta araajida dhiibtay inta la soo xulo iyagoo dhowra golaha la hor-keeno.

Tusaale ahaan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ee 23-25 August 2008 dhacay, waxa la soo xulay Saddex qof oo kaliya oo aan tartan codeed lala-galin oo duuduub lagu qaatay, kuwaas oo  kala ah Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye. Sidaas ayaa lagu ansixiyay manayna jirin cid kale oo la tartantay.

Waxa laga yaabaa in hoggaanku ka fikiray meelo-badan sida hababka qabiiliga ah ee Somaliland wax ku qaybsato, laakiin iyadoo nidaamyadaa laga duulayo haddana waa in transparent ay noqotaa doorashadda shirgudoonku.

2-  Shir-gudoonku waxa uu ku gefay oo khalad uu ka galay awoodoodii xeer hoosaadku siiyay. Tusaale kolkii ay ku dhawaaqeen in shirku xidhan yahay oo la shaah tago 15 daqiiqo gudahood, waxa buriyay go’aanka Ergooyinka qaar oo miiska garaacay oo lahaa hala dhameeyo doorashada musharaxa Madaxweyne iyo ku-xigeenka.

Laakiin waxaan u arkaayey anigu in ay khaldanaayeen Shirgudoonku kolkii ay maqleen ergooyinkaas. Waxaana u haboonayd in ay ku socdaan go’aanka ay shirka ku hakiyeen, si loo helo waan waan haddii la waayo xubnaha kale oo duday shirku waa sii socon lahaa sida ay ila tahay aniga.

Waa run in habeenimadkii 24 August jilbaha la is dhigay si loo ogolaado in shirku furmo 25 August 2008 oo, doorashadda la galo, iyadoo aan la hakin, haddana principal-ka dimuqiraadiyadda  ayaa ah in wada tashiga la badiyo si loo helo Doorasho si cad u dhacda oo xalaal ah.

3-  Shirgudoonku inkastoo ay ka soo baxeen waajibkoodii ay shirka u gudoominayeen, haddana may haboonayn in ay dhaleeceeyaan waxa ay abuureen ama ay masuulka ka ahaayeen sidaan ka akhristay Joornalada ama idaacadda aan ka dhageystay xubno shirgudoonka ka mida oo eedaynaya shirkay gudoominayeen. Waayo haddii wax khaldan yihiin sameecada ayey haysteen oo way caddayn kari lahaayeen, awoodna waay u lahaayeen in ay joojiyaan shirka ama ay ka baxaan, waana sifo sharci darro ah oo ka baxsan masuuliyadda qaran ee laguu dhiibay inaad u aragto in lagu handiday.

4-  Waxaan ku talin lahaa in kolka shir-gudoon xisbi la abuurayo, waa in marka hore la shaaciyaa, ka dibna xubnaha soo doonta intaan la kala saarin qaar-kood la siiyaa Seminar ku saabsan gudoominta shirka, ka dibna loo bandhigaa golaha dhexe in ay kala doortaan xubnaha noocan ah.
Waxa kale oo ku haboonaan lahaa shir-gudoonka in ay hubiyaan cards-ka Ergooyinka oo ay isku eegaan qofka iyo sawirkiisa, kana eegaan liiska dhabta ah ee ay hayaan. Kolka la codaynayana ay  cards-ka ka soo ururiyaan Ergooyinka, marka ay gacanta taagaan kuwa diidan iyo kuwa ogolba, si loo xaqiijo codadka la dhiibtay. Laakiin may dhicin taasi, waana khalad ay galeen maamulka shirgudoonku in ay gacanta cidda taagta uun tiriyaan, iyagoon hubsan cards-ka Ergooyinka.

Sida aynu la socono technologyadda Casrigani waa mid daqiiqado ku abuuraysa cards la nooca kuwa aad sidato, sidaa awgeed xaqiiji liiska magaca aad hayso iyo card-ka ergayga.

Khaladka Kooxda Hoggaanka Xisbiga haysa iyo Ergooyinka la socoday

Kooxda ay hoggaaminayaan hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo inta badan Xubnaha Ergooyinka ahi waa ku saxsanaayeen in ay Fadhiistaan Madasha si ay u fuliyaan shaqada ay u yimaadeen Burco. Xubnahaasi iyo hogaankuba waa ku saxsanaayeen in ay fadhiistaan Madasha oo uu shirku u qabsoomo ama u buuxsamo kooramku ama ha dhinaadee. Wayna ku saxsanayeen Shirgudoonku in uu shaqadiisa qabsado oo uu ka soo xaadiro madasha, tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyadda ayaa ah "No one person or group should exercise a monopoly of power over the election process".

Laakiin nasteexo ahaan Xubnahaasi waxa ku fiicnaan lahayd in ay wakhti yar siiyaan xubnaha kale ee Cadhooday, si ay u ilaaliyaan Midnimada Xisbigooda, waana tiirka dimuqiraadiyadda wada tashiga.

Waxa Kale oo ku haboonaa in ay taageeraan fikirka shirgudoonka oo xeer hoosaadku siinayey in ay xidhi karaan shirka, taasina waxa ay ahayd khalad ay sameeyeen kolkii ay horjoogsadeen go’aanka Shirgudoonku ku dalbaday in 15 daqiiqado la shaah tago, isagoo Shir-gudoonku ogaa in xubno badani ladqabo ku maqan yahiin.

Qaar badana kolkii coddayntu dhacday waxa ay igu yidhaahdeen waxaan moodaynay in shirka lagu qabanayo Cigaal Hotel, oo ah galbeedka magaaladda Burco. Kolkaa waxaa halkaa ka muuqatay in Ergooyinku cadho meesha ku soo galeen, oo ay jiidhsiinayeen wax walba, cidna  aanay u joojinayn. Sidaasina waa ta sababtay in xisbiga ay ku bilaabanto Mucaaridad dhexdiisa ahi.

Waxa kale oo qumanayd in hogaanka xisbigu uu ladqabada ka qayb-qaato, oo aanu iska fadhiyin. Taasina waa khaladka ay hogaanka xisbigu sameeyeen. Sida ay dimuqraadiyaddu tahay waa waajib in uu qofku fikirkiisa wax ku diido, waana xoriyad qawlka ergaygu leeyahay in uu ka cadhoodo arrin. Laakiin waa in la qanciyaa, tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyadda ayaa ah sedan:

Political Parties  must be accountable to the people who elected it into power “waa  arrin dimuqiraadiya in hoggaanku daacad u noqdo Dadka doortay”.

Waxa fiicnaan lahayd in 15 daqiiqo la joojiyo shirka si loo abuuro wada hadal ama maalinba si ergooyinka loo qanciyo, taasna waa principalka Democrati-yada in la wada hadlo si loo saxo khaladka. Haddii ay suurta gali waydana sida uu farayo dastuurka xisbiga iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe waa in Lagu Dhaqmo,

Laakiinse sifo Dimuqiraadiya may ahayn in koox waliba ku socoto hadafkeeda ama rabitaankeeda, si ay u khalkhal-galiso kooxda kale, waxaana taa lagaga baxayaa sharciga u yaal xisbiga.

Waa Arrin wanaagsan in xisbi qabsado Shirkiisa Golaha dhex, waana dhici kartaa sida Afrika lagu yaqaan in dimuqiraadiyada la baal maro, laakiin waxa muhiim ah in ugu yaraan waxuun dhacaan, si loo gaadho dimuqraadiyada aynu hiigsanayno in dalka ka bilaabmo.

Kooxda Ka Cadhootay Shirka Khaladaadkii ay Sameyeen iyo Waxa ku Haboonaa

Kooxda Cabdirahman Aw  Cali iyo Cadami waxa ku haboonaa in ay fadhiistaan Shirka oo ay halkaa ka sheegaan waxa ay doonayaan, kana dhaadhicyaan kooxda kale in shirka dib loo dhigo muddo yar, taasna way heli kari lahaayeen, waxaana u aaneeyay khaladkaa hogaanka kooxdaasi.

Haddii uu qorshe u dajisan Yahay, sababo badan ayey shirka ku hakin lahaayeen,…waayo kooxda shirka fadhiday ama madasha ka soo xaadirtay iskumay raacsanayn Qodobo badan oo xeer hoosadka golaha dhexe iyo dastuurkaba ah, Sida ta  Gudoomiye ku xigeenka Xisbigu in uu automatic u Noqodo Gudoomiyaha Xisbiga marka lagu dhawaaqo Natiijada Madaxtooyadda. Waxayna taas kaga faa’iidaysan lahaayeen in saacado badan uu socodo Muranku.

waxa kale oo meesha la keeni lahaa xeer hoosadka, oo qodobka Absolutely  Majority iyo simply majority uu waqti qaadan lahaa inta laga doodayo, waxayna dib ugu dhigi lahaayeen qodobo badan oo ku jira Dastuurka xisbiga, Sida ka golaha fulinta tiradiisa, oo 25 ahayd oo la gaadhsiin lahaa 65. Way heli kari lahayeen haddii ay fikir ku daraan baajinta shirka maalin si ololaha ay ugu jiraan in ay xubno helaan ay u sii wadaan. Waxaana dhici kari lahayd in ay ku guulaystaan arrimo badan.

Laakiin waxa khalad ahaa in ay qaataan go’aanka ay shirka kaga baxeen, taasina waxa ay ahayd mid lagaga adkaaday marka aad eegto sharciga u yaala Xisbiga ee Dastuurka iyo xeer hoosadkaba, Maadama Aqlabiyadda Golaha Dhexe buuxisay Kooramkii waajibna ku noqotay shir-gudoonka in uu Doorashada qabto, maadama Kooramku buuxo.

Waxaan arkay ilaa 10 xubnood oo iyagu soo laabtay oo ka mid ahaa kuwa cadhooday, laakiin sharciyan gartay in ay muujiyaan waxa ay doonayaan ama diidayaan. Sidaa awgeed khaladka ugu weyn ee kooxda Cabdirahman iyo Cadami halkaas weeye, waa laga yaabaa in ay aragti kale qabaan, laakiin waa sida ay aniga ila tahay. Wayna jiri kartaa in ay farsamo kale ahayd ka bixista shirku markii ay arkeen arrimo badan.

Waxa u haboon Xisbiyada in ay ku dadaalaan kolka ay qabanayaan Shirar noocan ah in ay qorsho balaadhan u dajiyaan si aanu ugu keenin xisbiga fowdo. Waa jirta in xubno badani u arki doonaan habab ay kaga faa’iidaystaan khaladaad ka dhaca shirka, iyagoo dano gaara wata. Laakiin ku dadaal in aad qanciso dadweynaha aad codka ka rabto.

Tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyada ayaa ah:

"The qualities of leadership for sustainable democracy are found in those who act in an honest, transparent, and accountable manner. They are consensus-builders, open-minded and fair. They are committed to justice, to advancing the public interest, and they are tolerant of opposing positions.

La Soco Habka ay u Galeen Wadahadalka iyo sida ay qolo waliba u arkaysay wajigii hore ee Burco ka Bilaabmay.

Wariye Abdiaziz A Musa

E-mail:  abdiaziz2@gmail.com